Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

CEDAR STARS WAY TAGI VIA ROMA WAY HARI

11 December 2007

Marka hore akharistoow waxaan ciwaanka ugu qoray sidaan (Cedar Stars way tagi Via Roma way hari) waxay ahayd, waxay mar qura xasuustayda soo qabatay berisamaadkii maalin aan joogay magaala madaxda Soomaaliya ee Mogadisho, anoo dhagaysanayay barnaamijkii Faaqidaada Cayaaraha oo uu daadehinayay Maxamed Noor Colombo, waxaana xasuustaa in uu yari “Atanis way tagi Jafantuus-na way hari.” Taasi ayaan ku dabaqay ciyaar dhexmartay laba koox oo degan North America gaar ahaan Minneapolis, ciyaartaas oo dhexmartay labada koox ee la kala yiraahdo Cedar Stars iyo Via Roma .

Haddaba hadaan wax xoogaa ka faaloodo, waxaa si toos ah u bilaabmay cayaarihii qaboobaha ee winterka magaaladda Minneapolis lagu qaban jiray, waxaana cayaaritii ugu horeesay ay dhexmartay Tigers iyo Community waxay aheyd ciyaar aad iyo aad u fiican waxayna ku dhamaatay 5-1 oo ay ku guulaysatay kooxdii Tigers.

Somali Tigers

Haddaba dhamaan dadka jacel cayaaraha ee degan Minneapolis waxay wada sugayeen oo ay hadal hayeen wargeesyada iyo TV-yadda magaaldda oo dhan, ciyaar dhexmari laheyd kooxaha VIA ROMA iyo CEDAR STARS oo ah kuwa ugu ciyaar wanaagsan kooxaha ka soo qayb galay tartanka. Waayo waxaa u kala ciyaara ciyaartoy si aad ah looga yaqaanay Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ka mid ah Yusuf iyo Ali Baskuwaalo oo u cayaara Via Roma halka ay ka soo horjeedaan Abdirasaaq Yare iyo Ali Yaasiin oo u cayaara kooxda Cedar Stars.

Cedar Stars

Habeenku waa Sabti hawadu waxay ahayd mid aad iyo aad u qaboow saacadu waa 11:00 P.M ee habeenimo waxaa garoonka soo buuxdhaafiyay taagarayaal aad iyo aad u fara badan oo u kala qaylinayay labadda koox. Waxaan xasuustay waagii barisamaadka oo aan u daawasha tigi jiray garoonkii Stadium Mogadisho. Waxaa bilaabatay cayaartii waxaa durbadii la isku qaaday weerar iyo weerar calis, waxaa u suurto gashay kooxdii Cedar Stars in ay goolkii koowaad ku hormaraan kaas oo uu u dhaliyay Hilowle. Waxay ciyaartu socotaba waxay heleen kooxda Via Roma goolkii ugu horeeyay waxaana u dhaliyay Ali Baskuwaala waana cayaaryahan si fiican kubada ugu xarakeeya marka ay kubadda lugtiisa soo gasho.

Waxaa qaybtii hore cayaarta lugu kala nastay 3 iyo 3. Markii ay latashi lasameeyeen tabarayashoodii ayaa waxaa durbaddiiba la soo if baxay cayaar dadkii daawanayay soo jiidatay kooxda Cedar Stars, oo ay u dheelaan dhalinyaro aad iyo aad u da’yar oo farsamo wanaagsan leh, kuwaasoo ka soo baqoolaan xaafadda Cedar oo ay degen yihiin tirada Soomaalida ugu badan oo lagu qiyaaso 10,000 (toban kun) oo Soomaali ah.

Taageerayaasha

Haddaba waxaa cayaartaan ku guulaysatay kooxda Cedars Stars oo u awood sheegatay kooxdii Via Roma, waxayna ku samarsiisay 5 iyo 4. Waxaa xusid muddan cayaartooydii u cayaaraysay kooxda Via Roma ee sida fiican u ciyaartay, waxaa ka mid ahaa Ali Baskuwaale iyo Yuusuf Baskuwaale oo soo bandhigay ciyaar dadkii daawanayay soo jiidatay inkastoo laga badiyay.

Dhinaca kale waxaa xusid mudan cayaaryahan aad iyo aad u da’yar oo la yiraahdo Abdirisaaq Yare oo ah xiddiga kooxda Cedar Stars kaas oo ah ciyaaryahay marka ay kubadda lugtiisa gasho kusoo xasuusinayo laacibkii naadiga Batroolka Muqtaar Cuti iyo Qaliif Riiko oo ahaa naadigii Badda, waxaa kaloo xusid muddan cayaartoyda kala ah sida: Ali Yaasiin, Saalim, Hiloowle, Nuuradiin , Malaakow, Axmed, White boy, Baantuu iyo kabtanka kooxda Caydaruus. Waxaa kaloo aan la iloobi karin macalinka kooxda tababare Abshir. Waxaan u hambalyeeynaynaa maamulka kooxda Cedars Stars oo ay maalgeliyaan Cedar Coffee, iskana leh Maxamud iyo Najiib (brother). Iyo kooxda kale ee Tigers oo iyagana ka badiyay kooxda Community.

Waxaa soo diyaariyay:
Zakaria Jamac
Minneapolis

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football