XULKA KUBADDA CAGTA QARANKA SOOMAALIYA OO GUULDARO KU BILAABAY CIYAARIHII KOOBKA BARIGA IYO BARTAMAHA AFRICA
11 December 2007
Xulka Qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa ciyaartii shalay ay la yeesheen kooxda xulka Qaranka Burundi soo bandhigay ciyaar aad u qurux badnayd qaybtii hore ee ciyaarta, balse tabartoodu ka badin wayday in ay guuldaro saakay ku waabariistaan.
Tartanka ayaa ahaa ciyaarihii koobkii Bariga iyo bartamaha Africa . Laguna qabtay groonka National Stadium ee magaalada Dar es Salaam taas oo ku dhex martay ayaga iyo kooxda Qaranka kubadda cagta Burundi.
Waxay I soo xasuusisay (DII-DIINKII DHAANKA LOO DIRAY) Beribaa reer meel wada degan uu la degenaa Dii-Diin, Ceelka ay ka dhaansadaan ayaa ka fogaa, oo kolba qof loo diri jiray. Markaasaa maalin maalmaha ka mid ah uu Dii-Diinkii yiri anigaa reerka dhaaminayo berito ee Ratiga ii soo rara. Kadib loo raray Ratigii loona dhiibay hogaankiisii, wuuna kaxaystay. Saddex beri markuu sii maqnaa baa maalintii danbe shanqartiisii la maqlay. Markaas baa la farxay oo la yiri “Allaylehe, Dii-diin waa keenay dhaankii.” Diinkii wuu qoslay oo yiri “ Hadalkiinu ma ciyaarbaa. War waa anigoo sii socdee ha igu ciyaarina”.
Waxaan taas ku keenay ciyaartii shalay xulku dheeleen baan weriyihii nooga soo waramaayay dalka Tanzania magaala madaxdeeda Dare Salaam. I soo wacay asagoo raba in uu ii sheego natiijada ciyaarta. Markaasaan la booday “ma badiyeen”. Wuu igu qoslay iguna yiri ciyaar fiican ayay dheeleen qaybtii hore, waxaase looga badiyay 3 – 0.
Ha ila yaabina, intaasaa iga hiilo ah. Qof kasta oo ka soo jeedo Ummad jirta, wuu jecel yahay in uu dadka uu ka dhashay looga soo sheego wax farxad geliya. Waxaanse hubaa in maalin uun la gaari doono hadii dadaal iyo isku duubni lagu wado howsha.
Waxay ku qaadatay kooxdii Qaranka Burundi 21 minutes in ay ku fahmaan farsamada kooxda Qaranka Soomaaliyeed waxayna daba mariyeen Goolkii ugu horeeyay oo uu u dheliyay ciyaartooyga lagu magacaabo Aime Nzohabonayo,
Qaybtii labaad markii ay la soo tashteen ciyaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliyeed macalimiintooda ayay dadaal difaac u badan sameeyeen. Waxaana mar kale u suurtoowday in ay irdaha furtaan kooxdii Qaranka Burundi, waxaana goolal daraandori ah ka dhaliyay laacibka lagu magacaabo Sulemani Ndikumana saacadu markay ahayd 75 iyo 83 minutes. Wixii ka danbeeyayna kooxda Qaranka Burundi waxay ku dadaalayeen in ay wareejistaan kubadooda. Ciyaartiina waxay ku dhamaatay 3 – 0 ay ku badisay kooxdii Qaranka Burundi.
XULKA KUBADDA CAGTA QARANKA SOOMAALIYEED
Magacyada ciyaartooyda u safatay labada kooxba waxay kala ahaayeen:
Somalia: Abdiqadir Osman, Anwar Saadad, Yassin Cigal, Abdulqadil Omar, Bashier Rage, Ismail Omar, Abdiwaahid Bidri, Ahmed Mohd Asser, Shino Abdi and Osman Osman.
Burundi: Niyonkuru Vladmir, Henry Mbazumutima, Hussein Nzeyimana, Nizigiwiwana Karim, Aime Nzohabonayo, Selemanu Ndikumana, Sadik Nsengiyuma, Floribet Ndayisaba, Ismael Mutambaka, Hassan Hakizima.
Waaxaa siiriwale (Refree) ka ahaa ciyaarta: Xasan O. Mohamed - Dalka Jabuuti.
Maamulka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa hiil iyo hooba mar walba ula garab taagan Qaranka, ciyaar kasta oo ay dheelaan oo uu horseed u yahay Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta Mudane Siciid Maxamuud Nuur (Saciid Mugaanbe).
Ciyaarta labaad ayay berito oo bishu tahay 12/12/2007 la dheelidoonaan, dalka martida loo yahay ee Tazania. Maalin dabadeedna bishu markay tahay 14/12/2007 waxay fooda is geli doonaan kooxda ka socoto wadanka aynu dariska nahay ee Kenya .
Waxaan u rajaynaynaa ciyaartooyda Xulka kubadda cagta dalka Soomaaliya iyo macalimiintoodaba in ay guul kala soo hoydaan kulanada u dhiman. Rajadeenuna aysan noqon tii Dii-Diinka laga sugaayay Wixii faah faahin labadaas ciyaarood ee u dhiman gadaal ayaan idinkala soo socodsiin doonaa haduu Eebe idmo.
Waxaa soo diyaariyay: Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com – Xarunta weyn ee London