Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

MUDANE WIISH OO BEENIYAY SHEEGASHADA XIRIIRKA, GUDOOMIYE KUXIGEEN NIMADA KUBADDA KOLAYGA

07 December 2007

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbada Koleyga Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) oo u warramayay shabakada Somalisc.com ayaa been aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay warar ay shaaciyeen website-yada qaar oo sheegayay in xilkii guddoomiye ku xigeenimada xiriirka laga qaaday Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Guddoomiyaha xiriirka S. K. K. Aadan Xaaji Yabarow (Wiish)

Guddoomiyaha Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) ayaa yiri “Warkaasi waa wax kama jiraan lasoo been dhoo dhoobay cidii qortayna iyada ayaa laga rabaa in ay cadeymo u keento.

Jegeda xilka guddoomiye ku xigeenimada xiriirka waxaa si sharci ah u leh Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), waxaana uu ku yimid doorasho. Mana jirto mas’uul la doortay, in cid xilka ka qaadi karta, oo aan ka ahayn kooxihii doortay oo congress uga qaada mooyee.

Hadalka ka soo baxay Mudane Wiish ayaa ku soo beegmaya kadib markii dhawaan yahan la isla dhex marayay warar ku saabsan in Mudane Tarsan xilkii laga qaaday oo warkaana la sheegay in uu qoray mid ka mid ah website-yada arrimaha isbooryiga ka faalooda.

Gudoomiyhuhu waxaa uu ugu baaqay wariye-yaasha in aanay qorin wax ayan u heynin xaqiiq dhab ah, islamarkaana ishaas ayaanu ka soo xiganay aanay oran karin.

Source: Somalisc.com

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football