Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

GUDDI METALA DHAMAAN CIYAARTOOYDII HORE EE KUBADDA CAGTA, EE KU SUGAN MUQDISHO OO SHALAY LAGU DHAWAAQAY

06 December 2007

Ciyaartooydii hore ee kubadda cagta Soomaaliyeed, ayaa waxay shalay oo bishu ahayd 05/12/2007 kulan ku yeesheen xarunta wayn ee Bisha Cas, oo ku dhegan Isbitaalka Martiini, ayaa waxay isku af garteen in ay u magaacaabaan gudi horseed uga noqdo danahooda. Kulankaan ayay ka soo qayb galeen ciyaartooy tiradoodu kor u dhaafay kontameeyo.

Laacibiintii hore oo hada ku nool Muqdisho

Gudigaan ayaa ka kooban dhamaan laacibiintii hore ee naadiyadii jiri jiray xiligii nabadda. Laacibiintaan hore ee kubadda cagta ayaa u soo caleema saartey in ay horseedayaal uga noqdaan danahooda gudiga hoos ku qoran:

C/laahi Siyaad Maxamed Gudoomiye

Abuukar Cumar Maxamed Gudoomiye ku xigeen 

Jaamac Mayoow Jaamac (Juuma) Xoghaye

C/casiis Siidoow Maxamed Xubin

Hiloowle Cumar Maxamed Xubin

Waxaa ansixiyay oo saxiixay in ay raali ka yihiin waxqabadka gudigaan, ciyaartooyda magacyadoodu hoos ku qoran tahay, oo aan isugu aadinay intii isku naadi ahaan jirtay. Waxayna kala yihiin:

KOOXDA HORSEED

Jeylaani Mohamed Khaliif (J. Khaliif)

Omar Mohamuud Abdulle (O.Gado)

Nuur Cabdi Xaaji (Nuur Shaarkeey)

KOOXDA JEENYO

Omar Abdurahin Aaroone (O. Akiile)

Mohamud Ahmed Geedi (Dude)

Abdi Jeylaani Dheere (Biixi)

KOOXDA BATROOLKA

Mohamed Sabriye Dufle (Sabriye)

Abdulkadir Ali Husein (Jubbe)

Jaama Mayo Jama (Juuma)

Omar Nuur Mohamed (Bashka)

Abdi Ahmed Abkey (Abbey)

Ismail Malaaq Abuukar (Senegaal)

Hassan Ahmed Abuukar (Xasanow)

Xaaji Abdi Xaaji

KOOXDA MADBACADDA

Abdullahi Siyaad Mohamed (A.Yare)

Mohamed Sheikh Ahmed (Sheekh)

Ahmed Ali Hassan (Janaay)

Hussein Mohamed Osman (Balaqow)

Abanuur Omar Ahmed (Nuunoow)

KOOXDA BADDA

Hassan Sheikh Awes (Jorje)

Mohamed Abdulkadir Mayow (Dacayeey)

Abuukar Omar Mohamed (A. Weyne)

Sayid Abdi Haji (Sayidkey)

Mohamed Yaaquub Ahmed (Beenboode)

KOOXDA SANCADA

Cabdullaahi Farax Cusmaan (Arab)

KOOXDA GAADIIDKA

Cabdicasiis Siidoow Mohamud (Dhagajuun)

Ali Aadan Ilme (A. Kooki)

Hilowle Omar Mohamed

Ali Abdullaahi Malin (Ali Shiino)

KOOXDA WAXOOL

Salah Ali Adan (Nayjeria)

Muhudiin Xaaji Muunye (M. Jabaan)

Sheekhuna Xaaji Osman (Sheekhuna)

KOOXDA MUQDISHO

Yaasiin Abdulkadir Mayow (Yaasiimow)

Hasan Awes Dheere (X. Tooke)

Gudoomiyaha cusub ee Ururka Cabdulaahi Siyaad

Hadaba waxaa inoo suuraggashay in aan wax ka waydiino Gudoomiyaha cusub C/laahi Siyaad, sababta loo aasaasay Ururkaan. Wuxuuna noo sheegay sababtu in ay ahayd ka shaqeynta danta laacibiintii hore, gudbinta fikradahooda, la socodka dhaqdhaqaaqyada Isboorti ee wadanka ka socdo iyo in ay ka taakuleeyaan Qarankooda Soomaaliyeed qibrada ay u leeyihiin kubadda cagta. Weliba uu raaciyay in sharciga Xiriirka qodobkiisa 10-aad uu u ogolaanaayo isu sharxida ka mid noqoshada Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Gudoomiye kuxigeen Cali Saciid Guuleed

Munaasabada xafladdan ayaa waxaa kaloo ka soo qayb galey Gudoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ahna ku simaha Xiriirka mudane Cali Saciid Guuleed, kaaliyaha xoghayaha Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Fareey) iyo Yaxye Aayow.

Faraqajaan Axmadey Hilowle Baaskuwaale

Gudoomiyaha gudiga Tababarayaasha Macalin C/llaahi Yuusuf Cali (Baskuwaale) iyo ku xigeenkiisa Macalin Geele iyo Cabdulqaadir Xuseen Cabdi (akookoow), Cabdi Kuus iyo Axmadeey Hilowle.

Cali Xasan, Jeeylaani Qaliif, Cabdi Kuus, Cumar Gedo iyo Nuur Shaarkeey oo kawada tirsanaa N. Horseed

Cabeey, Juuma, Sabriye iyo Xasanoow oo ka wada tirsanaa N. Batroolka

Cumargado, Joorje, Black, Cabdulaahi Siyaad iyo Muxudiin Jabaan

Sidoo kale waxaa iyana ka soo qeyb galay xafladda qaar ka mid ahaan jiray garsoorayaashii heer caalami sida Muxudiin Maxamuud Maxamed (faraqajaan), Xaaaji Yuusuf Maxamed Sheikh, Aweys Axmed Jimcaale (Dhagacade),Xasan Sheyliila Cadde iyo Xasan Fareey oo aan kor ku soo sheegnay.

Gudoomiye ku xigeenka Xiriirka Cali Saciid Guuleed, ayaa sheegay in uu jecel yahay in uu qaban qaabiyo kulan ciyaar kubadda cagta ah oo koob lagu kala qaadanayo, oo dhex mari doono dhalinyaradaan cuslaatay jimcahaan kiisa kale oo ay bishu ku beegan tahay 14/12/2007.

Waxaa soo diyaariyay: Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xarunta Muqdisho
Email: mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football