KOOBKII NABADDA EE LAGU QABTAY GOBOLKA HIIRAAN
04 December 2007
Ciyaar maamus kubadda cagta ah oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Horumarinta dhalinyarada Isportiga gobolka Hiiraan ayaa ka dhacday galabta garoonka Lamo-galaay ee magaalada Baladweyne. Ciyaartan oo dhaxmartay kooxaha
Lamo-galaay iyo Kooshin ayaa lagu taageerayay Gogolihii Nabadeynta ee dhawaan lagu kala qabtay gobolada Hiiraan iyo Galgaduud iyo sidoo kale Shabeelada dhexe kuwaasoo lagu nabadeynayay beelaha wada dega goboladaasi.
Ciyaartana ayaa waqtigii loogu talo galay waxaa ay ku idlaatay 2 iyo 2 taasoo labada kooxba ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan waxaana u soo daawasho tagay dadweyne aad u badan iyadoo maamulka heer gobol iyo heer degmana ay ka soo qeyb galeen.
Kooxda Kooshin
Kooxda Lamo galaay
Ururka hormarinta dhalinyarada isportiga gobolka Hiiraan ayaa waxaa la dhisay bishii july bilowgeeda sanadii 2003-da waxaana lagu xasuustaa dhowr koob oo kala duwan, ay ku qabteen guud ahaan gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada B/weyne sida uu inoo xaqiijiyay gudoomiyaha ururkaasi oo layiraahdo
Axmed Max'ed Nuur.
Ururkan waxaa sidoo kale ku jira xubno howl kar ah oo u taagan sidii ay u hormarin lahaayeen isportiga gobolkan, waxaana ka mid ah Xasan Cabdi Max'ed iyo Muqtaar Faarax Cismaan, Deeqow Cabdi Jaras iyo Max'ud Aadan Cumar.
Xubnaha Ururka hormarinta Isportiga gobolka Hiiraan
Ragan dhalinyarada ah waxaa ay ii sheegeen in ay wax kastaba ka hor mariyaan sidii ay u kobcin lahaayeen habacsanaanta ku jirta Isportiga gobolka Hiiraan waxayna intaasi ku dareen in ay qorsheynayaan in koobkan iyo munaasabado kaleba ay u qaban doonaan ciyaartoyda gobolka ku sugan.
Ciyaartan markii ay dhamaatay ka dib ayay mas'uliyiintii Qudbo dardaaran ah u soo jeediyeen taas oo ay ku tilmaameen in nabadda ay ka horeyso wax kasta, dadkasta oo meel wada degena hadii ay ku hishiiyaan nabad, in ay horumar wayn ka gaari karaan noloshooda. Intaa kadib waxay gudoonsiiyeen mas'uliyiintii maamulka heer gobol iyo heer degmo iyo xubno kale shahaadooyin iyo jaa'isooyin kala duwan iyadoo sidoo kalana labada koox gudoon siiyeen koob ay ugu magac dareen koobkii nabadda.
Waxaa soo diyaariyay:
Ilyaas Ahmed Guute
Kubadda.com - Xaruunta B/weyne