Skip Repetitive Navigational Links

Tuesday, September 07, 2010

BOOQASHADII CABDI XALWO EE MINNESOTA

04 December 2007

Cabdi Maxamed Guuleed oo bulshada isboortiga ay u yaqaaniin (Cabdi Xalwo), kana tirsanaa xiddigihii naadigii LL PP ee Jeenyo iyo xulkii qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda koleyga ayaa wuxuu maalmahan booqasho gaaban ku joogay gobolka Minnesota, gaar ahaan magaalada Minneapolis.

Cqaadir Madaxey, Ahmed Daahir iyo Abdi Xalwo

Cabdi ayaa waxay ujeedada booqashadiisa ay la xiriirtay labo arrimood oo kala ahaa: isaga oo ka qaybgalayay seminar kor loogu qaadayo horumarinta dhallinyarada soo kacaysa ee iskuulada iyo isaga oo marti u ahaa ciyaaryahannadii qaranka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga oo qaarkood ku sugan gobolka Minnesota.

Xulkii Hore

Muddadii Cabdi uu ku sugnaa magaalada Minneapolis waxaa loo sameeyay labo ciyaar oo soo dhaweyn ah oo ay isku herdiyeen ciyaaryahannada dhalinyarada xiddigaha kubbadda Koleyga ee gobolka Minnesota iyo ciyaaryahannadii cuslaaday ama aan iraahdee ciyaaryahannadii hore ee qaranka Soomaaliyeed ee K/Koleyga.

Xiddigaha Minnesota

Habeenkii ay taariikhdu ahayd 29/11/2007 ayaa ciyaartii ugu horraysay oo tijaabo ahayd la ciyaaray oo kooxba ay kooxda kale tijaabinaysay, waxaana halkaasi ka billowday in kooxba ay tan kale ugu hanjabto inay ka adkaanayso.

Haddaba habeenkii labaad oo taariikhdu ahayd 30/11/2007 ayaa foodda la is daray, waxaana halkaasi ka dhacay ciyaar aad iyo aad u xiiso badnayd oo labada dhinacba ay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa si aad ah u gacansarreeyay wiilasha xiddigaha Minnesota oo aad ka dareemi kartay inay ahaayeen koox si aad ah isugu xiran, farsamadooda ciyaareedna ay aad u heer sarreysay,.waxaana qaybtii hore ee cayaarta ay ku soo gabagabowday 39 dhibcood oo ay hoggaanka ku hayeen kooxda xiddigaha Minnesota, halka kooxda ciyaartooyda cuslaatay ay ka keensadeen 21 dhibcood.

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa dhallinta cuslaatay ay wax ka badaleen qaab ciyaareedkoodii, waxaana ay la soo baxeen xeelad cusub iyaga oo adeegsanaya waayo aragnimadoodii hore. Waxaad moodaysay in qaybtan dambe la joojiyay weeraradii faraha badnaa ay samaeynayeen kooxda Minnesota oo jilbaha loo dhigay. In kasta oo qaybtii dambe ee ciyaarta uu aad u faro badnaa khaladaadka (Fouls-ka) ay labada kooxood samaynayeen haddana ciyaartii waxay ku soo idlaatay wiilasha xiddigaha Minnesota oo si dirqi ah uga baxsaday xiddigihii ka cuslaatay ciyaaraha, waxaana ciyaartii ay ku soo gabagabowday 76 dhibcood ay keeneen wiilasha Minnesota, halka xiddigihii cuslaaday ay ka keeneen 73 dhibcood.

Dhanka kooxda Minnesota waxaa habeenkaasi u safnaa: Yaasiin C/qaadir, Sharmaarke, Khaalid Hussein, Saadiq Xaaji, Saciid Guuleed, Samatar, Cabdixakiim iyo C/raxmaan (Juni).

Burhaan, Shiikha, Ahmed Daahir, Madaxey iyo Abdi Xalwo

Dhanka xiddigaha cuslaaday ama ciyaartooydii hore ee qaranka waxaa u safnaa: Cabdi Xalwo, Maxamuud Ciise, C/qaadir Madaxey oo saddexduba ka tirsanaa ciyaaryahannadii LL PP Jeenyo, Axmed Daahir oo ka tirsanaa naadigii Horseed, iyo C/qaadir Shiikha oo ka tirsanaa naadigii Badda. Waxaa isaguna dhallinta cuslaatay tartankaasi kala qayb-qaatay Burhaan yaasiin oo ka tirsan tababarayaasha iyo qabanqaabiyayaasha isboortiga ee gobolka Minnesota.

Diyaariye: C/qaadir X Daahir (Shiikha)

Source: Somali-youth.org

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football