Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

ISKU AADKA EURO 2008 OO AAN FARXAD GELIN ITALY & FRANCE

03 December 2007

Labada koox ee ciyaartii finalka koobkii aduunka 2006-ka ku hertamay, ee ahaa Italy iyo France ayaa mar kale laysa soo hor istaajiyay qori tuurkii shalay lagu qabtay Switzerland, koobkii Horiyaalada Europe 2008-da oo xaggaaga soo socdo lagu qaban doono wadamada Austria iyo Switzerland.

Afartaan Group ee la samaeeyay labada koox ee ka soo baxo ayaa loo qoondeeyay in ay u gudbaan quarter-final-ka, wareegaas oo ah wareeg hal ciyaar ah oo kii laga badiyo uu horay u bixi doono.

Qudbad ka horaysay Qori tuurka ayaa macalimiinta wadamada qaarkood ka caraysiiyay taas oo cadaynaysay in laba koox oo horay isu soo arkay wareegii kan ka horeeyay ay hadana mar labaad isku arki karaan wareegaan.

Wayna dhacday sida kooxda Romania oo horay ugu soo baxday kaalinta koowaad ee jiiroonigooda ayay kooxda Holland oo ku dhamaysay kaalinta labaad jiiroonigaas ayaa hadana mar kale Group-ka C iskula jiraan.

Macalimiinta kooxda Italy iyo France

Kooxaha Italy iyo France ayaa iyana ka mid ah kooxaha dhibkaasi uu qabsaday, waxaa kaloo iyana makale isku soo aaday sida Sweden iyo Spain .

Macalinka kooxda France Raymond Domenech ayaa intuuna qori tuurka dhicin shalay dacwo ka qabay sida loo agaasimay qori tuurkan. Balse hada ay aad ugu adag tahay siduu ugu gudbi lahaa wareega kale ee quarter-final-ka.

“Hadii taladeena ay tahay markaan iskuma soo aadnayn, balse way dhacday, waana in aan saan uga bixi lahayn falankeeda aan galnaa.” Ayuu yiri macalinka kooxda France Raymond Domenech.

Kooxda gurigeeda lagu dheeli doono ee Switzerland ayaa iyana waxay qoorta is dari doonaan kooxda dalka Czech Republic ciyaarta furitaanka tartanka oo la qaban doono 7 Juune 2008-ka ka dhici doonto magaalada Basle.

Group-ka C oo horayba shalay loogu bixiyay group-kii naarta ayaa waxaa ku wada jira kooxaha Holland , Romania , Italy and France.

Macalinka kooxda Holland Marco Van Basten ayaa isna wuxuu yiri “dadka waxay hadal hayaan in kooxdeena iyo kooxaha Italy iyo France ay yihiin Group-kaan kuwa ugu xooga badan. Balse aniga waxaan qabaa fikrad taa ka duwan, maxaa yeelay anaa og wixii na dhex maray kooxda Romania iyo anaga wareegii hore, taas oo dhaawac badan u gaysan doonto inta wareegaan kula jirta. Waxaanse manta iyo wixii ka danbeeyaba aan u diyaar garoobi doonaa legden badan.”

Group-ka B, Kooxda Croatia ayaa lagu qiyaasayaa in ay koox adag kaga jirto group-kooda, kooxda seddexda mar hada ka hor ku guulaysatay koobkaan ee ah Germany . Kooxaha soo raaco ayaa la leeyahay in ayna cabsi badani ka qabi doonin sida kooxda kale ee gurigeeda lagu ciyaari doono ee Austria iyo kooxda Poland.

Laakin macalinka kooxda Croatia Slaven Bilic, taa waa diiday asgoo sabab uga dhigaayo wuxuu yiri “waxaan idin siin karaa ilaa iyo labaatan sababood oo aan idiinkugu cadayn karo in group-kaan uu yahay group aan la dhayalsan karin. Hadaan ugu horeeysiiyo marka hore kooxda Austria maadaama gurigooda lagu dheelayo waad garan kartiin taageerada ay ka heli doonto halkaas, Ok, kooxda Germany waad ogtihiin waxay ku jirtaa kooxaha ugu awooda badan adduunka maanta, waxaa soo haray Poland oo ah markii ugu horeysay oo ay u soo gudubto wareegaan iyana waad qiyaasi kartiin dhaawaca ay u gaysan karto inta group-ka kula jirto.”

Isku aadka Kooxaha dhamaan ayaa sidan u dhacay:

Group A: Switzerland , Czech Republic , Portugal , Turkey

Group B: Austria , Croatia , Germany , Poland

Group C: Holland , Italy , Romania , France

Group D: Greece , Sweden , Spain , Russia

Xaflada Qori tuurka oo ka dhacday magaalada Lucerne, ee ku taal dalka Switzerland ayaa ka hor waxaa si qaas ah looga faalooday dhamaan halyeeyada kubadda cagta reer Europe, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen sida Franz Beckenbauer, Michel Platini, Marco Van Basten Jurgen Klinsmann iyo kuwo badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Waxaa soo diyaariyay: Mohamed Sh. Abdi (Weli)

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football