SIMINAARKII MACALIN-NIMADA KUBADDA KOLAYGA, OO LA SOO GABAGABEEYAY
03 December 2007
Waxaa shalay galab lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdish, gaar ahaan xaruunta naadiga Elman, siminaarkii la magac baxay “U tababarida Macalin-nimada kubadda kolayga (Training for Basketball Coaching)”. Siminaarkaas oo ey soo qaban qaabiyeen mas'uuliyiinta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Sportiga. Eyna suuro geliyeen hay'adda Unicef. |
|
Agaasimaha Guud ee Arimaha Bulshada ee globalka Banaadir oo shahaado dhiibayo
|
Siminaarkaas ayaa waxaa ka soo qeyb galay 16 macalin oo ka kala socday 16ka Degmo ee Gobalka Banaadir ka kooban yahay iyo Afar Macalin oo ah Cayaar yahanadii hore ee Kubadda Kolayga Dalka Soomaaliya.
Siminaarkaan oo furmay 22/11/ 2007 ayaa si qurux badan loogu soo gaba gabeeyay shalay oo ey taariikhdu ku beegneyd 01/12/2007. Waxaa xafladii xeritaanka ka soo qeyb galay mas'uuliyiin kala duwan, kuwaasi oo ka kala socday maamulka Gobalka Banaadir, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Sportiga, maamulka Naadiga Elman iyo qaar katirsan Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Cabdi Xaanshi Gudoomiya kuxigeenka Maamulka gobalka Banaadir xaga dib u dhiska iyo dib u dejinta
|
|
Agaasimaha Qorsheenta iyo Tababarada Wasaaradda Dhalin yarad Iyo Sportiga
|
Waxaa halkaasi qudbado kala duwan ka soo jeediyay mas'uuliyiin kala duwan oo uu kamid ahaa Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobalka Banaadir, xagga dib u dhiska iyo dib u dejinta mudane Cabdi Xaashi Liibaan, Agaasimaha W/Isbortiga Dowladda Hoose Awees Sheikh Maye (Walker), Agaasimaha qorsheynta iyo madaxa tababarada Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Saciid Maxamed Xasan (Saacid Baariyoow) ahna Macalinka Qaranka wiilasha kubadda kolayga Soomaaliyeed iyo Gudoomiye ku xegeenka Naadiga Elman Muxudiin Jabaan iyo Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Cali Amiin Xaaji.
Gabagabadii Siminaarka ayaa waxaa halkaasi amaan balaaran looga soo jeediyay madaxda Hay'adda samafalka Unicef, oo suurto geliyay in uu qabsoomo siminaarkaan iyo macalinkii bixinaayay casharada siminaarka C/kariin Isloow Cumar, oo muteeystay amaan aanan halkaan lagu soo koobi karin laguna gudoonsiiyay shahaado sharaf dadaalkiisa. |
|
Macalimiinta ka qeyb gashay siminaarka
|
Kadib waxaa ayagana la gudoonsiiyay Shahaadooyin macalimiintii ka socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ee loo tababarayay Macalinnimada Kubadda Kolayga. Waxaana lagula dardaarmay in eey Shahaadooyinka ey qaateen eysan noqon kuwo meel iskaga tuuro, balse wax ugu soo kordhiyaan degmooyinka ey matalayaan. Waxaana loo rajeeyay in ay soo saaraan ciyaartooy da'yar oo mustaqbalka dalkooda wax tara .
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xaruunta Muqdisho
Email: mahadtagoow@hotmail.com
Tel 002521-5589345