Articles

WARAYSI MURIIDI ABANUUR ABATI

Written by webmaster at 6:56 PM on Thursday, November 15, 2007

WARAYSI  MURIIDI ABANUUR ABATI

Taariikhdu waxaa ay xusaysaa in dalkeenna Soomaaliya uu magac iyo maamuusba ku leeyahay noocyada ciyaareed ee kala duwan sida: kubbadda cagta, Kubbadda koleyga , Ciyaaraha fudud iyo kubbadda Miiska. Iyada oo ay noocyadaasi ciyaareed jireen ayaa haddana waxaa mar walba ka dhex muuqday dhallinyaro aan ku magacaabi karno xiddigo ama (legends) oo caan ku noqday noocyadaasi ciyaareed.


 Horseed Vs Madbacada Koobkii Janaraaldaa'uud 1988

Ciyaarta kubbadda cagta oo iyadu ka mid ahayd ciyaarihii sida aadka ah looga jeclaa dalkeena ayaa waxay ahayd ciyaaraha ugu faca way nee laga dheeli jiray dalkeena. 

Sanadihii todobaatameeyadii iyo wixii ka dambeeyay, ayaan oran karnaa waxey ku tallaabsadeen horumar aad u ballaaran iyada oo ay soo baxeen ciyaaryahanno farsamadeedu aad u sarreysay oo caan ku noqday dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, magac iyo sharafna u soo jiiday qaranka Soomaaliyeed, qaarkoodna ka dhax ifi jiray ciyaaraha dibada aan ku yeelano sida Bariga iyo bartamaha Afrika.

Xubinteena maanta waxaa aynu ku soo qaadanaynaa ciyaaryahan Muriidi Abanuur Abati oo dadka ciyaaraha jeceli qaarkood ciyaar wanaagiisa ku naaneesi jireen ciyaar yahankii waynaa ee reer Argantina ee lagu magacaabi jiray (Diega Maradono).

Muriidi A Abanuur

Muriidi wuxuu ka mid ahaa ciyaaryahannadii ugu wanaagsanaa ee soo maro dalkeena dhinaca kubbadda cagta, intii u dhaxaysay sannadihii 1980-kii ilaa 1990-kii, waxaana uu ku caan baxay naadigii la oran jiray Madbacada, markii dambena loo soo gaabiyay MBC. Muriidi wuxuu ka mid ahaa ciyaaryahannadii magaca fiican u soo hooyay Qaranka Soomaaliyeed ee ka qayb galay ciyaarihii Juniorka Aduunka, ee wacdaraha ka dhigay.

Muriidi, wuxuu ku dhashay magaalada Xamar ee gobolka Banaadir, sannadka markuu ahaa 1960-kii. Waxbarashadiisa Quraanka Kariimka ah waxuu bilaabay markuu jiray lix sano dugsi ku yiilay degmada Boondheere, waxaana macalin u ahaa Macalin Nuux iyo Macalin Axmed, halkaas ayuuna 114-ta Quraanka cadadiisa ku dhameeyay.

Waxbarashada kale wuxuu ka bilaabay dugsiga hoose ee Bartamaha, sanadkii 1972-dii balse codsiyo tiro badan oo xaga kubadda cagta naadiyadooda ah, ayaa iskaga daba imaanayay ilaa uu waxbarashadii ku joojiyo fasalkii dhexe ee Todobaad, wuxuuna u leexday dhinaca ciyaaraha.

Muriidi wuxuu ka soo jeedaa famil majority-goodu yahay Sports, hadaan ka bilaabo Aabihiis Abanuur Abati, oo ahaa ciyaartooydii ciyaari jirtay sanadihii 1940-kii, sanadihii danbana ku biiray dhinaca maamulka Isboorti. Waxaa kaloo la dhashay Xasan Abanuur Abati oo u ciyaari jiray naadiga Muqdisho sanadihii 1977 – ilaa iyo dhamaadkii sideetamaadkii, hadana degena magaalada Siatal Washington ee dalka Maraykanka Waxaa kaloo jira Xuseen Abanuur Abati oo u ciyaari jiray naadiga Wagad hadana ku nool wadanka Ingriiska. Gadaalihii danbana waxaa u soo baxay ciyaartooy C/casiis Abanuur Abati oo u ciyaari jiray Junyarka naadiga Wagad sanadihii 1985 – 1989 hadana ku nool magaalada Canada .

Muriidi waa xaas leh 6 caruur ah, Afar wiil iyo Labo gabar, magacyada caruurtiisana waxaa la kala yiraahdaa Muna oo 16 jir ah, Maxamed oo 14 jir ah, Mahad oo 9 jir ah, Nuur oo 7 jir ah, Sahra oo 6 jir ah iyo wiilka ugu yar caruurtiisa oo Hal jir ah oo la yiraahdo Yaxye.

Maxamed, Mahad, Nuur, Sahra

Muriidi wuxuu ku nool yahay magaalada London ee cariga Ingriiska. Haddaba waxaa ii suurto-gashay inaan ku booqdo xaafadiisa oo ku taal waqooyiga London qaasatan degmada Islington.

Waxay ahayd goor salaadii maqribka ay soo galaysay, waxaana asaga iyo Seddexdiisa wiil ee roon roonaa ku wada dukanay qolka fadhiga gurigiisa ku yiilay. Salaadii kadib ayaan bilaabay in aan ka waraysto taariikh nololeedkiisii isboorti. Waraysigeeniina wuxuu u dhacay sida tan:

Kubadda: Muriidi, Goorma, ayaad ka soo tagtay wadankii Soomaaliyeed? Sababtuse maxay ahayd ?

Muriidi: Runtii, dalkii waxaan ka soo tagay 1992-dii, waxaana ugu wacnaa ha ugu horeysee dagaalkii sokeeye ee dalka ku habsaday.

Kubadda: Ma xasuusan kartaa sidii aad ku biloowday ciyaarta iyo cida kugu dhiirrigelisay dheelisteeda?

Muriidi: Fikrada, meel uun bay ka bilaabataa, balse aniga Aabahay oo ahaa nin Isboortis ah, ciyaarina jiray sanadihii 1940-kii inkastuu markii danbana ku wareegay xaga maamulka ayaan is leeyahay waad ka dhaxashay.

Inkastoo markii danbe ay dad badani ay ku soo lug yeesheen xaga dhiiri gelinta in aan sii ciyaaro sida nin la oran jiray Aatkey Mohamed oo degganaa degmada Shangaani iyo Aways Jiis, Buruuno, Maxamed Ciise Degaayo, waxaan dhihi karaa aad ayay u badnaayeen inta jeclayd in aan Isboortiga sii wado.

Kubadda: Heer noocee ah ayaad ku billowday kubadda? Mase jireen noocyo kale oo ciyaareed oo ka duwan kubbadda cagta oo aad ka qayb-qaadatay?

Muriidi: Waxaan ka mid ahaa ciyaal da'doodu u dhaxaysay 10 ilaa uyo 12 sano, oo laysku soo aruuriyay si loo baro kubadda kolayga, oo uu macalin u ahaa Macalin Buruno sanadkii 1972-dii. Halkaas oo aan ku qaadanay tababar dhowr sano ah degmada Shangaani. Sanadkii 1977-dii ayaa naloo magacaabay in aan metelno ciyaartooydii kubadda kolayga degmada Shangaani. Waxaan hadana u saftay degmada mar kale ciyaarihii kubadda kolayga sanadkii 1978-dii.


Kooxdii yar yarka Degmada Shangaani 1972

Intaa ka dibna waxaa iigu yimid degmada oo iga watay macalinkii kubadda cagta naadiga Madbacada Macalin Giftin, oo aan mar mar tababar kubada cagta ah u raaci jiray balse jeclaystay xarakaadkayga. Isla sanadkaas 1978-dii ayuu macalin Giftin uu i safay ciyaaihii Junior-ka ee naadiyada anoo u metelaayo naadiga Madbacada.

Kubadda: Ma ka qayb-gashay tartammadii gobolada oo ahaa tartamo aad u xiiso badnaa kuna looltami jireen ciyaaryahanada da'da yare ee goboladaas u dhashay ama degenaa ee ka dhex muuqday xaga farsamada ciyaareed ? Sanadkeese u ciyaartay ?

Muriidi: Sanadkii 1978-dii maadaama aan u dheelay degmada Shangaani Kubadda Kolayga hadana naadiga Madbacada Juniorkiisa aan u saftay kubadda cagta ayaa 1980-kii Gobalkii Banaadir isku kay qabsadeen in aan u ciyaaro cagta ama kolayga. Sanadkaas oo uu kubadda cagta macalin u ahaa gobolka Banaadir macalin Sacad. Kubadda kolaygana macalin Cabdidheere iyo Cali Cusmaan.

Taasi waxay keentay in aan is jiid jiid tiro badan dhexda ka galo. Waxaase dhexdooda ka faa'iidaystay naadigii Madbacada oo igu riixay in aan safto ciyaarihii heerka koowaad oo markaas bilaabanayay koobkii Jenaraal Daa'uud-ka isla sanadkaas. Saas ayaana ku gafay in aan u ciyaaro Gobolka Banaadir.

Kubadda: Wax ma iiga sheegi kartaa waxyaabihii xusuusta gaarka ah kuugu reebay intii aad ku dhex jirtay ciyaaraha guud ahaanba ?

Muriidi: Xaqiiqadii hadaan ka sheego su'aashaada. Runtii Waxyaabaha aan noloshayda iloobaynin waxaa ka mid ahaa: Anoo ciyaaraha ku dhex jiro sanadkii 1986-dii in lay soo magacaabo shaqsigii u meteli lahaa Soomaaliya xulkii laga soo xulay Qaarada Africa si ay kaga hor tagaan Xulka Carabta. Tartankaas oo lagu qabanayay dalka Masar.

Kubadda: Goorma ayaad ku biirtay ciyaaryahannada heerka Qaran ee kubbadda cagta?

Muriidi: Waxaa lay magacaabay xulka Qaranka Soomaaliya sanadkii 1980-kii. Inkastoo aan hadana dheelay 1981-gii tartankii Juniorka Qaranka ee dalkeena lagu qabanaayay oo Soomaaliya ku guulaysatay. Wixii tartankaas ka danbeeyayna waxaan si joogto ah uga mid ahaa ciyaartooyda Xulka Qaranka waaweyn (senior-ka).


Safka hore Bidix ka biloow; Cumar calasow, Zakaria Baliile, Hilowle Gaab. Gadaal; Aajeelow, Baynax iyo Muriidi Abati


Muriidi A Abati, Mohamed Al Qatib (Masar) iyo Ibrahm Sinigaal

Kubadda: kooxahii aad la ciyaartay ciyaaraha caalamiga ah wax ma ka xusi kartaa?

Muriidi: Wadamo badan ayaan u tagay ciyaaro ha noqdeen kuwo saaxibtinimo ama tartan Qaaradeed ama Carbeed. Waxaana ka xasuustaa sida Kenya, Jabuuti, Burundi, Zambia, Nigeria, Moroco, Yeman, Cumaan, Saudi Arabia, Masar, Seychelles iyo Sudaan.

Hadaan hal hal u kala qaado sanadkii 1982-dii ayaan xasuustaa in aan ciyaar u tagnay dalka Kenya, ciyaarihii Horiyaalada Bariga iyo Bartamaha Africa anogoo matalayno kooxdeenii Madbacada (MBC)


Kooxda Madbacada Horiyaalkii 1988


Sawir ku soo baxay Wargayskii Xiddigta Oktoobar ee Kooxdii Madbacada 1990-kii

Sidoo kale 1982-dii waxaan xasuustaa ciyaar Bariga iyo Bartamaha Africa ay kooxdeenii Madbacada la yeelatay kooxda Horiyaalka kubadda cagta dalka Ugandha ee KCC. Ciyaartaas oo aad ii farxad gelisay, waayo labo gool oo ka mid ahayd goolashii aan ku badinay aniga ayaa dhaliyay.


Kooxda Madbacada 1982

Hadana 1983-dii ciyaar martiqaad ah oo ay noo fidiyeen dalka Cumaan ayaan ka qayb galnay. Sidoo kale 1983-dii ciyaaraha wadamada carabta ay koox ahaan kooxda Madbacada uga qayb gashay kulan aan la yeelanay wadanka boqortooyada Saudi Arabia .

Kadib waxaan ka mid ahaa ciyaartooydii matalaysay xulka Qaranka Soomaaliyeed 1985-tii ciyaarihii lagu qabtay magaalada Mumbasa dalka Kenya .

Sidoo kale 1986-dii Ciyaar heer Qaran aan kula yeelanay dalka Morocco, magaalada Casablanca kooxdeena Qaranka Soomaaliyeed iyo kooxda Muritania, ciyaartaas oo aan ku badinay 5 – 2 Gool. Goolasha 2ba ka mid ah Anaa dhaliyay, Halna Maxamed Ismaaciil, hal kalena Xasan Cafiifa, halka kalena Nuur Shaarkay. Iyo dhowr tartan oo kale oo aanan hada xasuusan oo kooxdeena ama Qarankeena ka qayb gashay ayaa jiro.

Kubadda: Ma xusuusan kartaa guuldarradii Kuugu xumayd ee ku soo martay intii aad ku dhex jirtay ciyaaraha guud ahaanba?

Muriidi: Ciyaartii iigu xumayd ee xasuusteyda ka go'i waysay waxay ahayd, ciyaar aan la yeelanay kooxda Gaadiidka, koobkii Jenaraal Daa'uud-ka sanadkii 1985-tii. Ciyaartaas oo aan kooxdaas aad uga gacan saraynay kana dhalinay Afar gool iyo waxba (4 – 0), markii ay ciyaarta ka dhimanayd 15 minutes, ayaa macalinkeenii Kabay, oo markaas macalin noo ahaay, iga saaray ciyaarta maadaama aan goolal badan ku badinaynay. Waxaan ka codsaday in aan qabays aadi karo iyo in kale ? Wuxuu igu yiri waad aadi kartaa. Waxaan iska aaday qabayskii, dabadeed markaan qabayskii ka soo baxay waxaan maqlay sawaxan iyo sacab tiro badan, waxaan 100% niyada iigaaga jirtay in kooxdeenii Madbacada loo sacbinaayo, waxaan is lahaa ma Gool kale ayay dhaliyeen kooxda mise saacadii ayaa dhamaatay oo badiskii aan ka badinay kooxda Gaadiidka daraadeed ayaa loo sabcinayaa.

Balse sheekada waa ka duwanayd, waxaa musqushii (suuliga) iigaaga daba yimid qaar ciyaartooydeenii ka mid ahaa, oo madaxa hoos u laad laadinaayo. Waxaan waydiiyay sida ciyaartii ku dhamaatay ? Waxay ii sheegeen in 4 – 5 Gool nalooga badiyay. Meeshii aan taagnaa ayaan ku sigtay in aan ku suuxo. Ilaa iyo hada ma aaminsani say wax noqdeen, waana ciyaartii iigu xumayd ee nolosheyda aan xasuusto oo aan guul daro aad u xun kala kulamay intaan dheelayay.

Kubadda: Farxaddii kuugu waynayd hadaba maxay ahayd, intaad ku dhex jirtay ciyaaraha kubadda cagta?

Muriidi: Ciyaartii iigu farxada badnayd ee aan xasuusto, waxaan dhihi karaa waxay ahayd ciyaar aan la dheelaynay kooxda Jeenyo LL PP, koobkii Horiyaalka-ka sanadkii 1983-dii. Ciyaartii ugu horaysay oo aan dheelno horiyaalka ayay ahayd, waxaana lagu jiray bishii barakaysnayd ee Ramadaan. Ciyaartaas oo ahayd ciyaar aad u xiiso badan oo dadwaynaha u soo daawashada tagay ay buux dhaafiyeen garoonkii weynaa ee Stadio Muqdisho. Ciyaartaas oo aan is mari waynay labadeena koox, kadibna ay ii suurto gashay in aan helno Bulisyoon ama (free kick) midkaad u taqaaniin, waxayna ciyaartooydaynii ii doorteen in aan gamo darbadaas. Waxaana ka dhaliyay gool aad u qurux badan, wax yar ka dibna laacibkii Eenow ayaa baas qurux badan u dhigay Nuur Amiin, kadibna daba mariyay gool hayihii kooxda Jeenyo, ciyaartiina waxay ku dhamaatay 2 – 0 aan kaga adkaanay kooxdii Jeenyo oo runtii ahayd koox aad u adag laguna tiriyo mid ka mid ah kooxaha wadanka ugu xooga badnaa xiligaas.

Kubadda: Ciyaar yahannadee ugu jeclayd inay garbahaaga buuxiyaan markaad u ciyaaraysay kooxdaada iyo xulka qarankaba ?

Muriidi: Horta kolay xaqiiqada qof kasta oo Naadi ama Qaran u ciyaarayo, waa ku qasban yahay in uu la ciyaaro qofkii loo keeno. Matalan naadiga Madbacada waxay ahaayeen ciyaartooy dhalinyaro laysku keenay oo aad isu fahmay isna ciyaar bartay, hadii aan ka soo qaado laacibiintaas waxaan ka xusi karaa Cabdulahi Maxamuud Salxaan (Eenow), Nuur Amiin, Xasan Xaaji, Dooli, Saciid winkay, Maxamed Sheikha iyo kuwo kaloo badan oo gadaashii ku soo biiray naadiga.


MBC

Dhinaca ciyaartooyda Qaranka, hadaan kaaga hadlo runtii ma jirin kuwo aan si qaas ah uga helay in aan mar kasta la dheelo, qofkii la ii keeno in aan la dheelo dhamaantood waan ku faraxsanaa.

Saaxib Maxamed Sheikh, Maadaama aad itiri fadlan qaar ka xus kuwaas, ayaan jeclahay in aan farta kuugu fiiqo qaarkood sida Khaliif Shire Muuse (Riiko), Yusuf Shaqaaq, Maxamed Xaaji (Uurey), Cabdalla Quuq iyo Rag kale sida Muqtaar Cuti iyo kuwo aanan halkaan ku soo koobi Karin sida Cumar Calasow Raage iyo inta aanan xasuusan oo dhan.

Kubadda: Ma jireen Guulo Gaar ahaaneed adiga, oo aad ciyaaraha ka gaartay?

Muriidi: Saaxiib runtii, Ciyaartooy kasta, wuxuu leeyahay markuu soo galaayo cayaaraha mabda' ama nidaam uu ku soo galaayo ilaa iyo heerkii uu ugu tala galay in uu ka gaaro, in kastoo ay dadaalkiisa ku xiran tahay iyo in uu Illaah la garab galo.

Hadaan aniga iska hadlo, waxaan xasuustaa anoo Juniorka kooxda u ciyaarayo in isla sanadkaas horayba laygaaga magacaabo ciyaartooyda heerka koowaad (senior). Mudo gaaban kadibna lay magacaabo Qaranka 1980-kii taas waxaan u arkaa horumar wayn oo aan sameeyay.

Intaan naadiga Madbacada u ciyaarayay guulaha gaar ahaan ama naadi ahaan hadii laga hadlo waxaa ka mid ahaa, tan naadiga, in aan qaadnay seddex horiyaal iyo Hal Janaraal Daa'uud.

Shaqsi ahaana, waxaan xasuustaa in aan laba sano oo horiyaalka dalkeena aan noqday ciyaartooygii ugu goolasha badnaa sanadahaas oo kala ahaa 1983 iyo 1985-tii, weliba anoo ahaa ciyaartooy ka ciyaara qadka dhexe. Taas oo aanan horay weligeed dalkeena looga samayn. Isku darka labadaas sano waxaan dhaliyay goolal dhan 47 Gool. Taasina waxay dhalisay in xataa Jaraa'idyada Adduunka laygu soo qoro sida Jaraa'idka Nation e ka soo baxo dalka Kenya .


Maqaal jariidada Nation ee ka soo baxda Kenya ay ka qortay Muriidi

Tan kale guulaha kale ee aan gaaray waxaa ka mid ahaa in anoo ciyaaraha ku dhex jiro sanadkii 1986-dii in lay soo magacaabo ciyaartooygii u meteli lahaa Soomaaliya xulkii laga soo xulay Qaarada Africa si ay kaga hor tagaan Xulka Asia. Tartankaas oo lagu qabtay dalka Masar sidaan horayba kuugu sheegay. Taasna waa guul wayn oo aan weligay intaan noolahay aanan iloobaynin.

Kubadda: Mudadii aad ciyaaraha ku guda jirtay maadaama ay ku soo tababareen macalimiin Soomaaliyeed iyo kuwo Ajnabi ah, say kala ahayd aqoonta qibradeed ee macalimiinteena iyo kuwa ajnabiga ah ?

Muriidi: Waxaa maclinkii ugu horeeyay ee wax I baro uu ahaa macalin Giftin 1980-kii oo aan dhihi karo asaga ayaa aasaas u ahaa horumarkayga gacana igu soo qabtay. Kadib macalin Giftin wuxuu aaday safar waxaana na soo maray macalimiin kala duwan sida macalin Coonka, Cade Xasan Gaaboow, Kabeey iyo macalin Canjeeste oo markii danbe gacanta nagu qabtay.

Macalimiinta Ajnabiga ahna waxaa ka mid ahaa David Oti iyo Charles Kumi oo naadiga Minishiibiyo ka socday balse na tababaray ciyaarihii Juniar-ka oo na gaarsiiyay heer Final ah oo aan la ciyaarnay kooxda Nigeria . Waxaan kaloo xasuustaa macalin reer Germany ah oo xulkii Qaranka 1980 – 81-dii na tababaray iyo ku reer Belgium ah.

Hadaan ka hadlo qibradooda kuligood aqoontooda aad ayay u heer saraysay, midkastana qibradiisa qaaska ah ayuu watay, mid kastana wax uunbaan ka faa'iidaysanay. Cid kasta oo wax na soo bartayna abaal wayn ayaan uga haynaa dhamaantood say u dhan yihiin. Waxaana u rajaynayaa dhalinyarada soo koreyso ee mustaqbalka ka leh ciyaaraha in ayagana fursadaas iyo fursad ka fiican in Illaahay u sahlo. Taasina waxay ku imaan kartaa Ilaahay idinkiisa in dadaal dheeri ah loo galo howshaas.

Kubadda: Ma jireen kooxo dibadda ah oo aad u ciyaartay?

Muriidi: Xaqiiqadii ma jirto koox ajnabi ah oo aan u ciyaaray intii aan ciyaaraha kusoo guda jiray.

Kubadda: Ma jireen Tababaro macalin nimo, oo aad qaadatay shahaado? Sanadkee, inteese?

Muriidi: Runtii, markaan xamar ka soo tagay waxaan soo galay wadankaan Ingriiska 1996-dii. Sanadkii 1998-dii ayaan waxaan ka qayb galay tababar macalin nimo oo lagu qabtay magaalada London , xaafada Islington aniga iyo Nin la yiraahdo Duran Farah oo ahaa ninka iska leh communiti-ga Al-Hijra. Waxaana ka qaatay shahaadada koowaad, kadibna waxaan qaatay mudo kadib shahaadadii labaad.

Kubadda: Marka aad dib u fiiriso ciyaarihii Soomaaliya iyo ciyaaraha aad haatan qurbaha ku aragtay maxaa farqi ah oo u dhaxeeya?

Muriidi: Runtii, xaqiiqadii labadaas system farqi wayn ayaa u dhaxeeyo. Hadaan wax kaaga sheego, xaga dhaqaalaha ayaan dhihi karaa ayaa Aabe u ah horumarka dhinaca Isboortiga. Marka wadanku dhaqaalo haysto waxaa u suurto galayso in uu wax walba u fududaadaan.

Kubadda: Muddadii aad joogtay dalka Soomaaliya iyo haatan oo aad dalka dibaddiisa ku nooshahay, ma jiraan kooxo aad soo laylisay (taba-bartay) ?

Muriidi: Inkastoo aan koox wayn aanan macalin u noqon, hadana sanadkii 1990-kii kooxdii degmada Shangaani ayaan macalin u ahaa oo sanadkaas gashay kaalinta koowaad ee ciyaarihii degmooyinka.

Intii aan imid wadanka Ingriiska waxaan macalin u noqday kooxda Al-Hijra sanadkii 1999-kii, kooxdaas oo ka mid ah kooxaha Soomaaliyeed ee tartamada Soomaalida ka qayb gala. Kadib kooxo Soomaaliyeed oo badan ayaan soo tababaray.

Hada waxaan gacanta ku hayaa Ilmo da'doodu u dhaxayso 12jir ilaa iyo 20jir oo ka mid ah kooxda ISC – Link Football Team, kuwaas oo ay maal geliyaan Islington oo ah Somali Community.

Kubadda: Sidee bay ahayd aqoonta tababarayaasha iyo garsoorayaasha Soomaaliyeed?

Muriidi: Hadaan kala saaro labadaan suaal, aan soo hor mariyo tababaronimada, xaqiiqada hadaan wax idinkaaga sheego sida wadanka aan hada ku noolahay ee Ingriiska, marka aad tababare noqonaysid waa in aad soo martaa ugu yaraan laba sano oo wax barasho tababare nimo ah, taas waxay meesha ka saaraysaa hebel ciyaartooy ayuu ahaan jiray, koleeyba CV-gaada, waa qurxinaysaa hadii aad horay u soo ciyaari jirtay balse waxaa daruuri ah in aad shahaadadaas la timaado.

Tii wadankeenii Soomaaliaya, ma jirin in la isku xujeeyo waxbarasho, mudnaantana waxaa la siin jiray macalinka laacib nimadiisii hore, woloow kadib koorsooyin macalin-nimo dib laga qaadan jiray. Ma xaqiraayo macalimiintii Soomaaliyeed waxaana aamin sanahay in ay ahaayeen macalimiin xirfad aad u sarayso lahaa. Anoo og in ay heli la'aayeen waxyaabihii ay ku howlgeli lahaayeen daruufo jiray aawgood.

Markaad fiiriso wadamada Adduunka ee horumaray waxay haystaan Technology-adii ay ku shaqayn lahaayeen iyo aqoontii oo is wadato, taas ayaana u sahlayso wax kasta. Marka hadii aan taas haysan lahayn, waxaa noo suurto geli lahayd in aan ku kala imtixaami lahayn kii waxbarashadiisa sarayso iyo kii ay hoosayso. Marka dhaqaalaha ayaa hortaagnaa ayaan qabaa.

Dhinaca garsoorayaasha hadaan ka hadlo, Xaqiiqadii waxaan qabnay garsoorayaal meel aad u sarayso ka gaaray aqoonta garsoore nimada. Maxaa yeelay waxaa sanad walbo ay ka qayb geli jireen Isreeb reebka Qaarada Africa ama ha noqoto tii Bariga iyo Bartamaha Africa, waxayna ka ahaayeen muctarif Qaarada. Marka waxaan qabaa garsooreyaasheenii wax dhaliil ah oo ay lahaayeen ma jirin. Waxayna horumarkaas ku gaareen wadajir ay ku wada shaqayn jireen.

Kubadda: Sidee baad is leedahay waa lagu horumarin karaa Isboortiga Soomaaliyeed noocuu doono ha ahaadee?

Muriidi: Isboortiga Soomaaliyeed waqtigaan xaadirka ah nin qaas u leh haba yaraatee ma jiro haday noqon lahayd kii horay u soo waday kuwa soo wadi doono iyo kuwa sii wadi doono-ba, waayo magacaan waa magac Ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto ka dhaxeeyo. Waxaan qabaa in aan maanta lagu xisaabtamin dadkaan horay ayay u soo ciyaari jireen, dadkaan administration maamul bay horay u soo wadi jireen. Kan aan soo ciyaari jirin waa Soomaali, hadiiba uu wax wanaag oo hrumar ku jirto uu samaynaayo, waxaan dhihi lahaay ha lagu dhiiri geliyo.

Xaqiiqada Isboortiga Soomaaliyeed, wuxuu horumar ku gaari karaa waa in ay Soomaali midoobaan. Waayo hadii ay jiraan qilaaf, ayaga ka dhaxeeyo ha noqoto maamul ama kuwii horay u soo maamuli jiray iyo kuwa cusub dhibaato mooyee horumar laga gaaraayo ma jirto. Waxaanse dhihi lahaa Isboortiga Soomaaliyeed hadii runta la rabo dadkii horay wax u soo maamuli jiray ama ciyaari jiray iyo kuwa rabaan in ay hada wax maamulaan ha is af gartaan “ooda jiidis iyo qaadis waa isla guri gayn”ayaan dhihi lahaa.

Kubadda: Ugu dambayn maadaama aad ahayd ciyaartooy qiimo ku lahaa kooxdiisa ama Qaranka Soomaaliyeed muddo dheerna ku soo dhex jiray ciyaaraha, Maxaad talo ahaan ugu soo jeedinaysaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku hawlan Isboortiga noocyadiisa kala duwan, dalka gudihiisa ama dibidiisa midba ?

Muriidi: Waxaan dhihi lahaa wax walba aadaabta ayaa horsed u ah, guul kasto oo la gaaro, ee kii wax la bari lahaa iyo kii wax bari lahaaba in ay noqdaan dad qalbigoodu nadiif ama saafi yahay. Qofka maanta waqtigiisa idiin soo lumiyay ee raba in uu wax idin baro, waxna idiin raadiyo ma ahan wax fudud. Dadka wax maamulaayo iyagana sidoo kale ciyaartooydaan ayagaba waqtigooda ayay idiin soo lumiyeen, ee yaysan noqon in aad dantiina gaarka ah uun aad fiirisaan oo aad daryeeshaan caruurtaan mustaqbalka anaga naga sugayso. Marka waxaan hadalkayga ku soo gaba gabayn lahaa Hal far noqda oo waxa fiicana ku hishiiya.

Kubadda: Waxaan maqlay in aad hada tababar siisid dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku nool Waqooyiga London. Yaa idinku dhiiri geliyay maxaadse ka damacsan tihiin dhalinyaradaan mustaqbalka ?

Muriidi: Runtii waxaan tababaraa laba koox, mid waa Jubba Youth FC. Kuwaas oo ah caruur aad u da'yar sida 8jir ilaa iyo 12jir, oo ay ka mid yihiin wiilashayda. Waxaana jecelnahay in aan mustaqbalka meel fiican gaarsiino, waxaana iga caawiyo oo aan wada shaqaynaa Sakariye Maxamuud Baliile, oo ahaa ciyaartooy u ciyaari jiray kooxda Minishiibiyo oo aan mudo dheer saaxib ahayn.


ISC – Link Football Team One


ISC – Link Football Team Two

Kooxda labaad waa kuwo waxoogaa ka da' roon kuwaas hore oo isugu jira 13 jir ilaa iyo 22 jir, waxaana ay hoos tagaan Islington Somali Community. Sababta nagu qasabtay howshaan ayaa waxay tahay, xaqiiqadii wadamada aan ku nool nahay ee reer Europe oo ah wadamo aad u dhib badan xaga nolosha, waayo caruurta waxay halis u yihiin in ay dhaqan gadoomaan sida ayaga oo isticmaalo waxyaalaha qalbiga dooriyo (Drugs-ka), Qaadka iyo dhaqamo kale oo fool xun xun. Marka si taas aan uga hor tagno una dhisno mustaqbalkooda ayaan u tababarnaa. Waxaana barnaamijkaan iska kaashanaa Islington Somali Community oo addreeskoodu yahay ISC – Link Football Team, Rooms 3 & 9, 225-229 Seven Sisters Road , London N4 2DA . Email: isc26@btconnect.com. Waxayna u furan tahay familkasta oo Soomaali ah oo ku nool xaafadaas in ay nala soo xiriiri karaan si gacmo furan leh.

Kubadda: Ugu danbayntii sidee baad u aragtaa, ciyaartooyda qurbaha ku nool in lagu xoojiyo Qaranka Soomaaliyeed ?

Muriidi: Fikradaan waxaan qabaa in shaqsi kastaa uu si ka aaminsan yahay. Balse aniga waxay ila tahay ciyaartooyga dibad ha joogo ama gudaha, horta ulajeedadu waa isku mid balse ma aaminsani ciyaartooy dibada ku nool in uu wax ka bedeli karo horumarka isboortiga dalkeena hooyo.


Ciyaartooyda Qaranka Soomaaliyeed

Ciyaartooyga haduu gaaro darajada Provisional player waa laga yaabaa. Balse ciyaartooy aqoontiisu iska meel dhexaad tahay, ma qabo in uu wax badan ku saa'idin karo. Hadii xaqiiqada in aan ka hadalno la rabo ama aan wax u qabano dalkeena, runtii dalkeena waxuu la ciirayaa dhaqaalo daro, ciyaartooy dibada laga keeno uma baahno ee dadkeena dibada joogo waa in aan u gurmanaa una aruurinaa dhaqaalo aan ku horey marino Isboortiga dalkeena, kuna gacansiino in laga hore mariyo Facilities-ka ay u baahan yihiin macalimiinta gacanta kula jiro maamulka, wixii qibrad ay u baahdaana laga kaalmeeyo.

Ma diidani ciyaartooyda dibada ku nool in fursadooda la siiyo. Waxaanse qabaa in ayna isku si u ciyaaraynin labadaas koox ee laysku keenay. Maxaa yeelay ciyaartooyda dibada laga keenay waxay jecelyihiin in ay u dheelaan si keli keli ah(individual) oo ku salaysan xirfadaha ay ka koobiyeeyaan ciyaartooyda heer caalami ay ku arkaan TV-yada wadamada ay ku nool yihiin.

Kuwa wadanka laga keenayna waxaan qabaa in ay si qiiro leh ku ciyaarayaan oo ka muuqato in kabadan jacayl wadani nimo.

Waxaa codkaygu yahay in ciyaartooyda laga soo xulo gudaha, kuwa la is leeyahay maskax iyo jirba waa meteli karaan Qaranka. Kadibna fursad loo siiyo in ay tabaabusho dheer sameeyaan oo lix bilood ah ama ugu yaraana seddex bilood, kuna qaataan tababarkaas wadamada deriska nala ah sida Kenya si ay u helaan facilities-ka maanta uuna dalkeenu haysan.

Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaa intaas inoogu dhamaaday wareysigii xiisaha lahaa ee aan la yeelanay laacibka wayn Muriidi Abanuur Abati, Waraysigeena kan ku xiga waxaan isna ku soo qaadan doonaa Laacib kale oo heer Qaran, oo lagu magacaabo Ahmadeey Hiloowle, oo u ciyaari jiray naadiga LL PP aan filaayo in ay dad badani horay magaciisa ka garteen. Ha moogaanina dhawaan.

Waxaa soo waraystay:
Mohamed Sheikh Abdi (weli)

Kubadda.com - Xarunta wayn ee London

16396 Views :: 384 Comments :: Article Rating :: Sports News, Football


Share:
email add to del.icio.us add to Digg add to Reddit add to Newsvine add to Stumbleupon add to Furl add to Google