Skip Repetitive Navigational Links

Monday, February 06, 2012

TARTAMADII LA CAYAARAY BERYIHII LA SOO DHAAFAY EE KOOBKA NABADDA & SOO NOOLAYNTA KOOXIHII HORE

20 October 2009

Muqdisho 19.10.2009. Tartankii xiisaha badnaa ee ka socda garoonka dugsiga Booliska ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa isaga hor yimid labada naadi ee kale ah kooxda Jeenyo (LLPP) iyo Kooxda Heegan.

Ciyaartaas oo ay ka soo qayb galeen dadwayne aad u badan oo kale taageerayay labada naadi ayaa ay soo bandhigeen labada  dhinac ciyaar farsamo wanaagsan islamarkaana dadkii ka soo qayb galay daawashada ay aad ugu raxaysteen.

Kooxda LLPP Jeenyo oo ciyaartii hore looga soo badiyay 4 goal iyo hal ayaa waxay xusul duub ugu jirtey sidii ay kulanka galabta ay dhibco uga dhacsan lahayd kooxda Heegan oo aan dhihi karo koox halgan ugu jirto sidii ay guushii ciyaartii hore ay u sii xajisan lahayd.

Ciyaarta oo ahayd mid adag ayaa waxaa u suurta gashay in kooxda Jeenyo ay dhaliso Goal halka kooxda Heegan ay waxyar kadib ka dhaliyaan labo goal, taasoo ka dhigtey in kooxda Heegan kaga adkaato kooxda Jeenyo 2 goal iyo 1.


Kooxda Heegan

Kooxda Heegan ayaa ilaa hada lix dhibcood ku hogaaminaysa koobka Nabadda iyo soo celinta kooxihii hore, halka kooxda Howlaha guud ee Jeenyo labadii ciyaarood ay dheeleen in laga wada badiyay.

KOOXDA MUQDISHO OO LAGADAY KOOXDA BETROOLKA KOOBKA NABADA IYO SOO CELINTA KOOXIHII HORE.

19/10/2009. Ayaa ciyaar aad u xiisa badan waxaa isaga hor yimid garoonka dugsiga Booliska kooxaha kale ah  kooxda Muqdisho iyo kooxa Betroolka.
Ciyaartaas oo ahayd mid ay aad u xiisanayeen dadwaynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho, madaama kooxda Muqdisho ay ku soo bandhigey ciyaar aad u farsamo wanaagsan ciyaartii hore ay kaga soo badiyeen kooxda Horseed, halka kooxda Betroolka ciyaartii hore looga badiyay.

Run ahaantii waxaa xusid mudan dhalinyarada ka qayb qaadanayso tartanka koobka Nabadda iyo soo noolaynta kooxihii hore inay si wanaagsan uga qayb qaadanayaan islamarkaana boqolaal kalane ay u soo daawasho tagaan maalin kasta, taas oo aan oran karo guusha weyn ay wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga  ka garaan qabashada koobkan marka laga soo tago soo celinta kooxahii hore madaama dhalinyaradii ku noolayd Muqdisho oo lagu mashquuliyay kubad intii ay ka qayb ahaan lahaayeen dagaalada ka soconaya dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.


Kooxda Batroolka

Kooxda Munishiibiyo ayaa waxay 1 goal iyo 0 kaga adkaatey kooxda Betroolka, taasoo ka dhigaysa in kooxda Muqdisho iyana wax ka hogaamiso koobka Nabadda iyo soo celinta kooxihii hore.

Wasiirka isboortiga iyo dhalinyarada Soomaaliya Mudane Saleeban Colaad Rooble oo wareysi siiyay TV Universal barnaamijka cayaaraha Sola ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyay qaabka u socdo koobka Nabadda iyo soo celinta kooxihii hore, isagoo ku tilmaamay arin muhiim u ah soo celinta Nabadda iyo kooxihii hore, islamarkaana ay ka go’an tahay inay sii laban laabaan howsha baaxada weyn ee ka socota magaalada Muqdisho.

Bahda Sports jaaliyadaha Soomaaliyeed hadii ay ahaan lahayd ciyaartooydii hore iyo taageerayaashii naadiyada dalka ayaa qaban qaabo ugu jira sidii ay taageero balaaran u siin lahaayeen soo celinta kooxihii hore ee magaca iyo taariikhda ku lahaa , kuwaasoo ku sigtey inay la iska iloobo madaama 20 sanadood wax warkood haya aysan jirin.

KOOXDA HORSEED ( XOOGA DALKA) IYO KOOXDA HEEGAN( BOOLISKA )OO GALABTA FOODA ISKU DAREY TARTANKA KOOBKA NABADA IYO SOO CELINTA NAADIYADII HORE.

21 OKTOBAR 2009 Muqdisho .Waxaa ciyaar aad u wanaagsan ku dhaxmarey koobka Nabadda iyo soo celinta kooxihii hore, labada naadi ee kale ah kooxda Horseed (Cawo iyo Maalin) ee ciidanka Xooga dalka Soomaaliya iyo kooxda Heegaan ee ciidanka Booliska Soomaaliya.

Ciyaartaas oo ahayd mid aan u wanaagsanayd ayay labada naadi ku soo bandhigeen ciyaar wanaag , iyadoo ay ka soo qayb galeen dadwayne aad u tiro badan oo xiiseeya ciyaaraha dalka Soomaaliya iyo madax sare sare oo ka tirsan labada gole Dowlada iyo Baarlamaanka.

Ciyaarta galabta ayaa ka duwanayd ciyaarihii hore madaama labada naadi ee ka wada tirsan ciidamada dalka Soomaaliya ayaa nabadgalyada aad loo adkeeyay, iyadoo aad garoonka ku arkaysid ciidanka Booliska oo taageeraya kooxdooda Heegan halka ciidanka Xooga dalkana ay taageerayeen kooxda Horseed (Cawo iyo Maalin).

Kooxda Horseed oo labadii ciyaarood ay hore u soo dheelen midna ka soo badiyay kooxda Howlaha guud ee Jeenyo LLPP halka ay kooxda Muqdisho ay ka soo badisay ciyaartii labaad, ciyaartana ay u ahayd Final oo kale madaama ay doonayso in koobka Nabadda iyo soo celinta kooxihii hore kaalimaha hore ka gasho.

Docda kale kooxda Heegan ayaa halgan ugu jirto sidii ay koobka u qaadi lahayd kadib markii ay labadii ciyaarood ee hore ay beerka kale soo baxeen kooxaha Jeenyo iyo Betroolka kadibna ay maanta dafaac adag u galeen in ay kooxda Horseed aysan ka badinin madaama ay aad uga baqanayeen kooxda oo magac iyo taariikh fog ku leh cayaaraha dalkeena iyo qaarada Afrika.

Kooxda Horseed ayaa weeraro aan kale go lahaun ku qaaday dhanka iyo goalka kooxda Heegan halka kooxda Heegana ay jilibka u aasteen hujuunka kaga imaanaya kooxda Horseed, taasoo ciyaartii ka dhigtey inay ku dhamaato  0 iyo 0, dadwaynihii ka soo qayb galayna ay daawadeen ciyaar aad u wanaagsan.

Kooxda Heegan ayaa horyaalka ku hogaaminaysa 7 dhibcood halka kooxda Baaldi ama aan iraahdo Muqdisho ay leedahay 6 dhibcood, kaalinta 3aad waxaa kaga jira kooxda Horseed, iyadoo kooxaha Jeenyo iyo Betroolka ay koobka kaga jiraan kaalimaha ugu hoseeya laakinse koobka Nabadda iyo soo celinta naadiyadii hore ayaanan kale cadayn cida qaadayso madaama kooxaha dhan aysan kale horaynin wax sidaasi u sii buurnayn marka laga reebo kooxaha Jeenyo iyo Betroolka oo aanan rajo ka qabin inay bilad helaa, madaama beerta la wada galiyay kulamadii ay hore u soo dheeleen.

SICIID CEYROOW oo ka mid ahaan jirey ciyaartooydii kooxda Horseed iyo xulka Qaranka Soomaaliya ayaan caawa qadka kaga wada sheekaysanay ciyaarta ku dhaxmartey kooxaha Horseed iyo Heegan, waxana uu isheegay inuu aad ula socda tartanka Nabadda iyo soo celinta kooxihii hore islamarkaana ay Qurba joogta ciyaartooydii hore ee kooxda Horseed iyo taageerayaashooda ay wadaan qaban qaabo kulamo ay kaga arinsan lahaayeen sidii ay kooxda Horseed ay taageero ugu fidin lahaayeen.

Run ahaantii waa wax lagu farxo islamarkaana aan ku faano in kooxdeena oo ka qayb qaadanayso tartan aan ku aragno Website-yada ayuu yiri mudane Siciid oo farxad ka muuqatey islamar ahaantaana si weyn ula socda tartanka ka socda magaalada Muqdisho ayuu yiri laacibkii kooxda Horseed  mudane Siciid oo degan magaalada London gaar ahaan xaafada Streetham.

Berito waxaa ciyaar aad u xiiso badan ku dhaxmari doontaa garoonka dugsiga Booliska kooxaha kale ah kooxda Jeenyo LL PP  & Kooxda Muqdisho ( Baaldi).
Dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay in dhalinyarada Soomaaliyee d looga mashquuliyo waxyaabaha xun xun ee ka socda dalkeena sida dagaalada iyo qaadka, halka Qurba joogtana ay si weyn ula dhacsan yihiin inay maqlaan kooxihii asalka ahaa oo tartamaya.

Wixii ka soo baxa kulamadaas qoraladeena dambe ayaa kale socon doontaa Insha Allah.

W/D YUSUF YUSUF
Sports editor of sspamedia
London