Skip Repetitive Navigational Links

Monday, February 06, 2012

TODOBAADKA ISBORTIGA IYO DIB U SOO NOOLEYNTA NAADIYADII HORE

19 October 2009

Cayarahaan loogu magaca daray todobaadka nabada iyo soo nooleynta naadiyadii hore ayaa waxaa ay ka furmeen Garoonka dugisga Boliska. Kulankan ayaa ay ka soo qeb galeen madax ka tirsan dowlada fadaraalka KMG Soomaliyeed oo uu hormuud u ahaa raiisal wasaare ku xigeenka Prof.Ibi, wasiirka isbortiga iyo dhalainyarada Saleemaan Colaad Rooble, wasiirka wasarada dib uheshiisiinta iyo nabadaynta Cabdirashiid Deerow, ku simaha taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ku xigeenka duqa Magaalda Muqdisho ahna ku xigeenka Mamulka gobolka Banaadir C/fataax ibraahin Cumar Sabriye Shaaweye ,qaar ka mid ah mas.uuliyiinta gudiyada Olombikada Soomaaliyeed iyo kuwa xiriirada kala duwan ee isbortiga Soomaaliyeed, bahda saxaafada iyo madax iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabada kooxaha kala duwan ee isboortiga dalkeena.


Saleemaan Colaad Rooble

Wasiirka wasaarada sportiga iyo dhalainyarada oo ka hadlayey munaasibada xariga looga jarayey furitaanka cayaradaha kooha heerka koowaad ee qaranka cayaartaan oo loogu magacday todobaadka nada iyo soo nooleyna naadiyadii hore ayaa sheegay in ay wasaaridiisu ku faraxsan tahay furitaanka iyo soo nooleynta xiriirarii dalka la burburey .

Saleemaan colaad roble “wasaarada waxaa farxad weyn u ah in ay suurta galiso qabanqaabada cayartaan oo runtii la dhihi karo waa talaabo loo baahnaa oo horey loo qaaday ujeedadiisuna waa sidii sportiga sare loogu qaadi lahaa loona abuuri lahaa jawi nabadeed oo wax tar uleh bulshada qeybna ka qaadan kara arimaha dib u heshisiinta“.

Wasiirka ayaa intaa kudaray in ay maanta cayartaan ka qeyb qaadan doonaan 5 naadi oo wasaaradiisu ay dib u soo nooleysay. Wuxuuna amaan uga jeediyey mas’uuliyiinta wasaradaha ay ka socdaan naadiyana sida wasiirka wasaarada gaashaandhiga, wasiirka wasaarada howlaha guud iyo guriyeynta, wasiirka wasarada Batroolka umadda, taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta maamulka G/Banaadir.

Wasaradahaan ayuu ku tilamaamay wasiirka isoboortiga in ay ahaayeen kuwo si dhaqso ah uga soo jawaabay baaqii wasarada isoboortiga iyo dhalinyarada waxayna soo unkeen 5 naadi oo ka mid ah 10 kii naadi ee uu lahaa qaranka Soomaaliyeed.

Cayartaan ayaa lagu qabtay xarunta Akedeemiyada Boliska ee xarunta tababarka, waxaana si hagar la’aan ah uga dhex muuqday kooxda baanbeyda Ciidanka Boliska Soomaaliyeed.

Kooxaha durbadiiba magacyadooda soo gudbiyay ee soo xaadiray cayaartii firitaanka ayaa ay kala ahaayeen Kooxda:
1. Jeenyo, Wasarada Howlaha guud iyo guriyeynta ee (LL PP)
2. Horsed Ciidamada qalabka sida
3. Ciidamada Boliska
4. D/hoose ee Xamar
5. Badroolka

Kooxaha aan weli ku soo darmin balse laga warsugayo in ay ku soo biiridoonaan horeyna u jirijirey ayaa kala ah:
1. Gaadiidka
2. Madbadcada (MBC)
3. Waxool
4. Badda
5. Sancada ama Isnaay biyaasa Jowhar.

Cayaaraha kubada Cagta ama Isboortiga guudahaan ayaa lagu tilmaamaa mid qayb ka ah, howlaha nabad raadinta iyo isbarasahda bulshada dhexdeeda ah. Waxaa lamaan mudnaa loona mahad celiyey intii soo abaabushay iyo inta ka qeyb qaadatay iyada oo bahda isbortigana si gaar ah looga codsaday in ay nabada ku dadaalaan.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com