Skip Repetitive Navigational Links

Friday, March 12, 2010

CIYAARTOY HORE MAXAMED GEEDI SANTUUR IYO CABDIRASHIID AXMED BALASTIKO OO LONDON BOOQASHO KU YIMID

24 May 2009

Habeenkii sabtida ayaa maamulka ururka SSIFO (Somali Sports & International Friendship Organisation). Qaybtooda deggen London waxay ku soo dhaweeyeen garoonka ku yaala woqooyiga London ee loo yaqaan Selby Centre laba ruug cadaa hore oo qiimo iyo sharaf ku lahaa kubadda kolayga waagii beri samaadka.

Labadan halyay ayaa waxay kala ahaayeen Cabdirashiid Axmed Maxamed oo loo yaqaan ama ku magac dheeraa BALAASTIKO, iyo Maxamed Geedi SANTUUR.


Cabdirashiid Balaastiko & Maxamed Geedi

Cabdirashiid BALAASTIKO ayaa waxaa loogu bixiyey naanaystan firfircoonida iyo fudaydka uu ka muujin jiray goobaha lagu cayaaro kubadda kolayga.

Cabdirashiid wuxuu ka tirsanaan jiray naadiga dekadaha ee BADDA todobaatanaydii islamarkaana ka tirsanaa xulka qaranka Soomaaliyeed. Cabdirashiid wuxuu haatan ku nool yahay magaalada Atlanta, ee gobolka Georgia, wuxuuna weli ku dhex jiraa dadaalka firfircoonida isboortiga.

Maxamed Geedi SANTUUR, ayaa isna ahaa halbowlaha cayaaryahanadii ka tirsanaan jirtay kooxda kubadda kolayga hawlaha guud, Jeenyo ama LLPP iyo Xulka qaranka Soomaaliyeed. Maxmed waa ganacsade hadda ku nool magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Dhamaan aasxaabta waxay ku wada casirsadeen oo lagu maja baxsaday garoonka Selby Centre, cayaar kubadda kolayga ah, taas oo si joogto ah sabti kasta ay ugu cayaaraan ciyaartoydii hore.

Maxmed Geedi iyo Cabdiirashiid Balastiko oo aad u xiisaynayay farxada ay la qaybsanayaan asxaabtoodii hore ayaa wacdaro muujiyey galabtaas ayna ka muuqatay iney weli faraha ku hayaan farsamadii lagu yiqiin, waxay soo xusuusteen waayadii hore.


Cabdirashiid Balaastiko & Cabdulqaadir Garwayne


Cabdulqaadir BIRIQ & Maxamed Geedi Santuur

Markii la gutay salaadii maqrib, waxaa loo baqoolay casho sharaf lagu maamusayey marti sharafka habeenkaas. Waxaa ka mid ahaa dadkii casho sharafta Cabdirashiid Axmed Maxamed (Cabdirashiid BALASTIKO) iyo Maxamed Geedi SANTUUR.
Ka soo qayb galay:

Xasan Faarax JOHN
C/qaadir Maxamed Farax BIRIQ
Cabdurahmaan Maxamuud GUHAAD
Cabdulqaadir GARWEYNE
Maxamed Sheikh Cabdi WELI
Axmed Xirsi Cabdulle A. BILE
Cabdixakiim Maxamed Siciid
Cabdullahi Abshir Cali
Hanad Cabdullahi Abshir
Khaalid Cabdullahi Abshir
Liibaan Daahir Yuusuf
Cabdalle WADANI
Abuukar Dheere
Khaliif Maxamed Cabdi
Mahad Xerow iyo
Axmed Guure

Cashadii kadib waxaa lagu sagootiyay Cabdirashiid Balastiko iyo Maxamed Geeedi Santuur, farxad iyo muxibo. Waxaana goobta ka muuqatay in ay aad isugu xiiseen asxaabtan mudada dheer ay is moogaayeen, waxaana lagu ducaystay in ILAAH nabad ku gaarsiiyo deegaanada ay ka soo kala hayaameen, mar kalena Illaah nabad ku kulansiiyo dhamaantood.

Waxaa asxaabta dhamaan welwel iyo walaac ka muujiyeen xaaladda dalka Soomaaliya ku sugun yahay maanta, waxayna ILAAH uga baryeen in dadka iyo dalka Soomaaliyeed dhibka ay ku jiraan Alle ka qaado. Illaah-na nabadd waarto ku soo oogo.

W/Q: Hassan M. Farah (John)
Kubadda.com - London