Skip Repetitive Navigational Links

Monday, February 06, 2012

KOOXDA BULO-BURTE OO XAMBAARSATAY WANKII TARTANKII KOOBKA NABADDA OO LAGU QABTAY SHALAY GAROONKA LAMA-GALAAY EE GUDAHA MAGAALADA B/WEYNE

17 May 2009

Tartankii Koobka Nabadda oo si weyn loo soo qaban qaabiyay islamarkaana abaalmarin WAN ah, loogu talogalya kooxdii badisa ayaa shalay ka dhacday garoonka Lama-galaay ee gudaha Magaalada B/weyne. Ciyaartan oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro Ururka Leicester Stars ee Dalka Ingiriiska islamarkaana ciyaartooy hore ahaan jirtay ayaa waxaa ay ugu talo galaan dib u soo nooleynta rajada ciyaartoyda jiilka cusub ka dib markii in dhawaalaba uu gobolku mugdi ku jiray dhinaca ciyaaraha taasoo ka dambeysay is qab qabsi dhinaca maamulka ah.

Dhalinyarada jaaliyada Dalka England oo kala ah C/raxmaan Max’uud Guhad (Shiino) iyo Axmed Cilmi Faarax oo ka soo jeedo dhinaca iyo Degmada Bulo-burte iyo C/qadir Maxed Faarax (Biriq) iyo Muuse Axmed Cadar oo iyagana B/weyne ah, ayaa tartankan heerka sara ah soo qaban qaabiyay sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Olompikada Gobolka Hiiraan C/kariin Xasan C/dulle.


coonka iyo karaama


xaflada qalab gudoonsiinta


gudoonsiinta qalab isborti degmooyinka

Qalab isboorti oo loogu talo galay ciyaartoyda degmooyinka gobolka oo ay inoo soo dhiibeen dhaliyaradaasi ayaan gudoon siinay maamulka isbortiga ee gobolka iyadoo isna maamulku uu gudoon siiyay labada degmo maamuladooda sidaasi waxaa inoo sheegay Max’uud Muumin Aadan (Coonka) oo dhaliyarada jaaliyada wakiil u ahaa.

“Waa ay ku mahadsanyihiin qaban qaabadooda” ayuu yiri sidoo kale Gudoomiyaha isbortiga Degmada B/weyne C/rashiid C/laahi Haruun oo isna goob jog ka ahaa tartan maanta ka dhacay Degamda B/weyne kaasoo ay isku arkeen labada Degmo ee B/weyne iyo Buulo-burte waxaana sidoo kale ciyaartaasi goob joog ka ahaa Xogahayaha guud ee maamulka isboortiga Gobolka Hiiraan C/laahi Cabdi Xasan (C/laahi Bay) iyo C/raxmaan Faarax (Karaama) oo labaduba kala watay labada koox ee labada Degmo.


kooxda xulka degmada Baledweyne


xulka degmada Buulo-burte


ciyaarti oo bilaabatay

Dadweyne aad u tiro badan ayaa ka soo qeyba galay daawashada ciyaartaasi iyadoo ay labada koox ee labada Degmana ay soo bandhigeen ciyaar farsamadeedu aad u sareyso waxaana waqtigii loogu talo galay ciyaarta ee 90-ka daqiiqo ahayd ku soo idlaatay 0-0 inkastoo Rigoorooyin loo dhigay labada kooxood ay 4-2 ku adkaatay xulka Degamda Buulo-burte.


Rigoroyinka


kabtanka degmada Buulo-burte oo uu gudoomiyaha Olombikada gobolka gudoonsiinayo Wankii abaalmarinta ahaa


taageerayaasha iyo ciyaartoyda xulka degmada Buulo-burte oo xambaarsaday Wankii

Ciyaartaasi markii ay soo idlaatay ayaa waxaa kooxda xulka degmada Buulo-burte sidoo kala la gudoonsiiyay abaal marin loogu talo galay kooxdii badiso labada degmo taasoo ahayd neef wan ah oo nool waxaana hal mark garoonka isla qabsaday farxad iyo qeylo ay muujinayeen taageerayaasha xulka degamda Buulo-burte.

Si kastoo ay ahaataba waa ciyaartii ugu horeysay tan iyo markii mamulkan cusub talada lagu wareejiyay ka dib isqabqabsi ragaadiyay maamuladii hore ee isbortiga waxaana haatan bahda isbortigu ay muujinayaan rajo wanaagsan oo dhinaca mamaulka ah.

Ilyaas Axmed Cilmi
Guute@kubadda.com
xafiiska kubadda ee Gobolka Hiiraan
B/weyne