TAARIIKHDII KOOBKA WANKA OO DIB LOO SOO NOOLEEYAY
10 May 2009
Waxaa magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan lagu qaban doono bisha maarso 15/05/09 hadii Eebe idmo koobkii Nabadda, koobkaas oo loo yaqaan koobka Wanka oo ayna ku tartami doonaan Degmooyinka Buulo Burte iyo Beledweyne.
Waxaa sanadkaan koobka Wanka xaga qalabka Sportiga ugu deeqay Gobolka Hiiraan ururka Leicester Stars Gudoomiyahooda Abdullahi Saney iyo kuxigeenkiisa Omar Jamac, waxaa kaloo gacan ka geystay Hiiraan Online oo had iyo jeer diyaar u ah horumarinta Gobolka, isla markaana waxaa figrada qabashashada koobka leh ciyaartooydii hore ee Gobalka Hiiraan eek u dhaqan dalka Ingiriiska.
koobkan Wanka oo dadka Hiiraan ku dhaqan ay si wanaagsan taariikh ahaan u yaqanaan ayaa noqonaya markii labaad in lagu qabto Gobalka Hiiraan, halka marka hore lagu qabtey magaalada Beledwayne laakinse sanadkaan ayaa waxa isaga hor imaan doono magaalooyinka Beledwayne iyo Buulo Burte sida uu ii sheegay Gudoomiyaha qaban qaabada tartanka Wanka mudane Muse Axmed Sabriye oo ka mid ahaa ciyaartooydii Gobalka Hiiraan iyo naadiyada Kubadda Kolayga heerka kowaad ee dalka Soomaaliya oo haatan ku sugan magaalada London in ay qorshaynayaan sanadka dambe in tartanka Wanka ku baahin doonaan dhamaan Gobalka Hiiraan, isla markaana ay ka soo wada qayb gali doonaan degmooyinka Gobalka Hiiraan guud ahaan si tartanka Nabada loogu baahiyo gobalka .
Gudoomiyaha koobka Nabada ama koobka Wanka sanadka 2009 waa mudane Muuse Axmed Sabriye.
Waxaa qayb lixaad leh ka qaatay ama soo qabanqaabiyey tartankan cayaartoydii hore ee gobolka sida:

1-Cabdiraxmaan Maxamuud Guhaad (Shiino)
2-Axmed Ilmi Faarax
3-Cabdulqaadir Maxamed Faarah(Biriq)
Wixii talo ah ama taageero ah kala soo xiriira, gudiga qaban qaabada koobka Wanka:
07949240665 macalin Shiino iyo 07939163431 Biriq.
Koobka Wanka oo lagu qaban doono magaalo madaxda Gobalka Hiiraan iyo ciyaarta dhaxmari doonto kooxaha Baladwayne iyo Buule Burte dib ayaan idin kaga soo gudbin doonaa hadii Eebe idmo.
W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor of SSPAMEDIA