WASIIRKA HOWLAHA GUUD OO KU AMAANAY WASIIRKA ISBOORTISKA & DHALINYARADA DIB U SOO NOOLAYNTA NAADIGII (LL PP) JEENYO
02 May 2009
Kulan ku dhex maray Nairobi Arbacadii la soo dhaafay Wasiirka Howlaha guud iyo Guriyaynta Mudane Maxamed Cabdi Yusuf iyo Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Mudane Saleebaan Colaad Rooble, ayuu mudane Maxamed Cabdi Yusuf uga mahadceliyay Wasiirka Isboortiga dadaalka iyo isku daba ridka uu ugu jiro sidii uu u soo celin lahaa Isboortiga Soomaaliyeed qaybihiisa kale duwan.
“Waxaa sharaf weyn noo ah anigoo ku hadlaya magaca wasaarada Howlaha guud iyo guriyaynta in maanta aragno Kooxdii Jeenyo oo dib loo furey isla markaana si rasmi ah uga bilaawday diyaar garoow ay ka qayb galayaan tartamada Isboortiga noocyadiisa kale duwan ee ka jira dalka gudahiisa” ayuu yiri Wasiirka Maxamed Cabdi Yusuf.
Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble ayaa warbixin ka siiyay qaabka Wasaaradiisa uga howl biloowday sidii loo soo celin lahaa kooxihii dalka ka jiri jirey, isla markaana dhawaan si rasmi ah u furmi doonaan 15 May tartamadii Degmooyinka gobalka Banaadir, waxaan kale oo samaynay xarunta cilmi barista ciyaartooydii hore.
“Waxaana rajaynayaa in wasaaradaha kale ay ku daydaan talaabada ay ku fureen Naadigii kooxda Jeenyo LLPP” ayuu yiri Wasiirka Isboortiga mudane Saleebaan Colaad Rooble.
Labada wasiir ayaa si wada jir ah mahadcelin u soo jeediyay laacibkii hore ee kooxda Jeenyo Siciid Qoorsheel dadaalkii uu u galay sidii naadiga Jeenyo dib lugihiisa ugu istaagi lahaa.Waxay kaloo ay cadeeyeen in loo baahan yahay in dhaqdhaqaaqyada Isboortiga dalka iyo dibada ka jira la mideeyo, waxaana codsanaynaa ayay yiraahdeen “in laga gudbo khilaafyada aan micnaha badan samaynaynin ee ku kale dhaxjira bahda Isboortiga madaama Isboortigu yahay kan kaliya ee maanta umadda Soomaaliyeed lagu midayn karo”.
Mudane Mohamed Cabdi Yusuf ayaa baaq u direy Masuuliyiintii hore ee Naadiga Jeenyo, Macalimiintii Hore Jeenyo, ciyaartooydii hore ee Naadiga Jeenyo iyo taageerayaashii kooxda Jeenyo inay taageero weyn ka gaystaan sidii kooxda Jeenyo mar kale ay uga dhax muuqan lahaayeen garoomada dalka iyo dibadaba, isla markaana ay taageeraan Naadiga Jeenyo oo u baahan taageeradooda.
W/D:Yusuf Yusuf
Sports Editor of SSPAMEDIA
Nairobi Kenya