INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
18 March 2009
Ma dhinte waa Illaah, waxaa saakay oo taariikhdu ahayd 18/03/2009, dalka Italy Isbitaal ku yaal magaalada Brescia ku geeriyootay Hooyo Khadiijo Maxamed Nuur, oo ahayd xaaskii Guddoomiyaha cusub ee isla saakay loo doortay Gudoomiyenimada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, ahaana Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Aadan Xaaji Yabarow (Wiish).
Anigoo ah tifatiraha shabakadda kubadda.com Maxamed Sheikh Abdi (weli) iyo xaaskayga Shukri Yuusuf Afrax iyo Faiza Yusuf Afrax, Abuukar Xaaji Ganjab iyo xaaskiisa. Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble, dhamaan bahwaynta Isboortiga Soomaaliyeed guud ahaan, dhamaan maamulka, madaxda iyo members-ka ururka SSIFO Waxay ayagoo aad uga xun marka hore u tacsiyeeynayaan Marxuumada walaalkeed Bashiir Maxamed Nuur, kadibna saygeedii Aadan Xaaji Yabaraw Wiish iyo caruurtiisa Farxiya Aadan X. Yabarow, Xasan Aadan X. Yabaroow iyo Suwayda Aadan X. Yabaroow.
Waxaan Eebe uga baryaynaa marxuumada in uu su’aashii Aakhiro u fududeeyo, kadibna Janadii Fardowso ka waraabiyo. Dhamaan Ehelkii iyo Qaraabadii ay ka tagtayna samir & iimaan Allah ka siiyo. Aamiin.
Fadlan halkan RIIXA si aad u dirtaan Tacsida.