Skip Repetitive Navigational Links

Monday, February 06, 2012

QADO SHARAF LAGU SOO DHAWEYNAYAY ODAYAAL ISBOORTI, LAGUNA SII DHAWEYNAYAY TABABARAYAASHA K/KOLAYGA OO U AMBABAXAYAY JABUUTI

10 March 2009

Qado sharaf si aad ah,  loo soo agaasimay ayaa waxaa  lagu qabtay magaalada Minneapolis, taas oo isku soo dubaridkeeda ay ka soo shaqeeyeen ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota (Somali Youth Development Organization) oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan SYDOM iyo halgamayaashii isboortiga ee naadigii  Horseed.

Xafladaasi ayay ka soo qayb galeen  marti sharaf Isboorti, odayaal Isboorti, Macallimiin isboorti oo isugu jiray kubadda cagta iyo koleyga, ciyaaryahannadii qaranka ee kubadda koleyga iyo cagta naadiyadii heerka 1aad iyo rag ka tirsanaa maamuladii isboortiga Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen:

Yuusuf Muuse, Cabdi Yuusuf,Garsoore qolof, macallin Ibraahim Suudaani, Macallin Idiris, Macallin Cabdi Cumar, C/qaadir “shiikha”, Axmed Daahir, C/qaadir Madaxey, Maxamoud Ciise, Saleymaan Saley, Abukaato Daahir, C/qaadir  Dalmar Xaashi oo ka tirsanaa ciyaaryahannadii kubadda miiska ee naadiga Horseed, Axmed Ibraahim iyo Maxamed Ibraahim. Waxaana cudur daar uga  maqnaa halkaasi guddoomiyaihii isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin.

Qado sharaftaasi oo lahayd laba ujeeddo ayaa  tan hore ahayd Soo dhaweyn loo sameynayay Rag  Magac iyo maamuus ku lahaa isboortiga Soomaaliyeed oo booqasho ku yimid gobolka Minnesota,  iyadoo tan kalena  ay ahayd sii dhaweyn loo samaynayay tababarayaasha xulka Qaranka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga  iyo ciyaartooy ka socota gobolka Minnesota oo u socdaalayay dalka Jabuuti.

Halkaas oo ay kaga qayb-galayaan cayaaro saaxiibtinimo oo loogu  magac daray toddobaadka dhaqanka iyo isboortiga oo ay ku casuumeen ururka loo yaqaan Somali Diaspora Culture & Sports Association oo ka dhisan London.

Marti sharafta xafladda lagu casuumay oo badankoodu ka yimid dibadda ayaa waxay kala ahaayeen:

Ka biloow bidix Abukaato Daahir, Saley iyo macalin Cabdi Cumar

1) Daahir Xasan Cabdi”Abukaato Daahir” oo ka yimid dalka Ingiriiska  gaar ahaan magaalada Leicester.

2) Suleymaan Cabdulqaadir oo ku magac dheeraa (Saley) oo ka yimid Virginia iyo

3) Cabdi Cumar Macallin  oo ka mid ahaa tababarayaashii iyo ciyaartooydii Kubadda cagta ee naadiga Horseed.

Haddaba haddii aan in yar wax ka sheegno taariikh nololeedka martida qaaliga ah ee nagu soo booqatay xafladan oo gaabaan ayaa ah sidan:

Aan ku hor marno tababare  Cabdi Cumar Macallin, oo ku dhashay Magaalada Muqdisho, sannadku markuu ahaa 1948kii.

Macalin Cabdi Cumar, 1968kii ayuu markiisii ugu horraysay u saftay naadiga Jeenyo heerka 2aad  iyo heerka 1aad labadaba. Sannad dabadeed waxaa uu u wareegay naadiga Munishiibiyo oo uu ka tirsanaa ilaa 1971kii.

1971kii ilaa 1976kii ayuu u safanayay naadigii Horseed isaga oo loo qaatay sargaal ka tirsan ciidamada qalabka sida.

1971kii ilaa 1975kii ,macallin Cabdi Cumar waxaa uu ka tirsanaa ciyaaryahannadii qaranka kubadda cagta ee  Soomaaliya.

1978 kii ayaa  tababre Cabdi Cumar waxaa uu noo noqday tababaraha juunyeerka naadiga kubadda cagta ee Horseed, iyo tababare xigeenka heerka 1aad ee naadiga Horseed (Assistant Coach).

1981 kii  oo ahayd markii uu tagay kooxda horsed macallinkii weynaa Ibraahim Suudaani ayuu macallin Cabdi Cumar si toos ula wareegay hoggaanka kooxda kubadda cagta heerka 1aad ee Horseed oo uu la joogay ilaa sannadka dhammaadkiisii.

1982 kii ayuu tababare Cabdi Cumar u dhoofay dalkaasi sacuudi carabiya, waxaana uu tababare u noqday mid ka mid ah kooxaha heerka 3aad ee ka dhisan sacuudiga oo lagu magacaabo AL UQDUUD,muddadii uu kooxda la joogayna waxaa uu soo gaarsiiyay ilaa heerka 2aad, waxaana kooxdu ay ka mid noqdeen kooxaha ciyaarahoodu loogu jecel yahay ee ka dhisan Sacuudiga.

Sannadkii 2003 ayuu macallin Cumar waxaa uu tababar uga furay magaalada Rochester ee carriga Maraykanka dhallinyaro Soomaaliyeed oo uu aqoontiisa uga faa'iideeyay isaga oo gacanta ku hayay muddo 4 bilood ah. Macallin Cabdi Cumar haatan waxaa uu ku nool yahay magaalada Saint-paul ee gobolka Minnesota.

Daahir Xasan Cabdi  (Abukato Daahir), waxaa uu  ku dhashay magaalada Muqdisho sannadku markuu ahaa 22 Decemcber 1953. Daahir in kasta oo uusan isboortiga ka gaarin heer sare, haddana waxaa ay u ahayd ilaa haatanna u tahay wax nolol maalmeedkiisa ka mid ah oo uu aad u jecel yahay, gaar ahaan kubadda koleyga.

Jacaylaaksi uu u qabay darteed ayuu markiisii ugu horraysay u saftay degmada Madiina oo uu macallin u ahaa Macallin Baadweyne oo ka tirsanaa tababarayaashii naadiga Horseed, dabadeedna waxaa uu sannadkii 1974kii u cayaaray dugsigii sare ee Yuusuf Al kowneyn oo ay sannadkaasi ku guulaysteen kaalinta 2aad. Dabadeedna 4 tii sano oo uu dhiganayay Jaamacadda Gahayr ,waxaa uu u ciyaaray kulliyadda Sharciga ee Gahayr.

1984kii -1990 kii  Abukato Daahir waxaa uu ka tirsanaa looyariintii waaweynayd ee Soomaaliya oo la magac baxay Iskaashatada qareenada Soomaaliyeed. 1992 kii  wuxuu la shaqeeyay United Nations-ka, oo uu u ahaa la taliye xagga sharciga “legal adviser”. 2005/2007 waxaa uu ahaa  la taliyaha sharciga  ee  xafiiskii  Raiisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

1998 ayuu soo galay dalkaasi  Ingiriiska, waxaana uu deggan yahay magaalada la yiraahdo  Leicester oo uu isaga iyo saaxiibadiisa ay ka abuureen barnaamijyo isboorti , waxaana Abukaato Daahir uu noqday  guddoomiyihii ugu horreeyay maamulka Isboortiga leicester (Leicester Somali Sports Association) muddo saddex sannadood ah , waxaana ay qabtaan tartamo kubadda cagta iyo koleyga oo laysaga yimaado magaalooyinka ku dhawdhaw Leicester iyo hareeraheeha.

Abukaato Daahir haatan waxaa uu  ka tirsan yahay Guddiga Isboortiga ee Leicester , waana qabiirka xorta ah ee Immigrationka kala shaqeeya kiisaska Soomaaliyeed  “free lance Somali Country expert”.

Suleymaan Cabdulqaadir Abuukar, oo bulshada Isboortiga ay ugu yeeraan (Saley), waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada shingaani sannadku markuu ahaa 1968 kii.waxbarashadiisa dugsiga hoose & dhexe waxaa uu ku dhammaystay dugsiga Xaawo Taako, dugsiga sare waxaa uu ku dhammaystay Bartamaha.

1985 kii ayuu markiisii ugu horreysay  u saftay ciyaarihii degmooyinka gobolka Banaadir, isaga oo u saftay degmada Shingaani ,waxaana ay ku guulaysteen kaalinta 2aad.

 1986 kii ayaa  suleymaan saley loo qaatay Naadiga dawladda hoose Heerka 2aad,waxaana uu ka qayb galay asagoo masalaya naadiga dawladda hoose tartankii naadiyada kubadda koleyga heerka 2aad waxaana kooxdiisii ay ku guulaysteen kaalinta 1aad.

1987 kii ayuu Saley nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo ciyaartooydii loo xulay inay masalaan gobolka Banaadir, waxaana tartankaasi uu ka muujiyay wacdaro aad u sarreeya isaga oo aad loola dhacay qaab ciyaareedkiisa , waxaana kooxdiisa gobolka Banaadir  ee uu hormuudka u ahaa ay sannadkaasi ay ku guulaysteen kaalinta 1aad.

Isla sannadkaasi ayaa Suleymaan Saley loo qaatay naadiyada heerka 1aad ee kubadda koleyga isaga oo u saftay naadiga Muqdisho, waxaana kooxda uu la qaybsaday guushii ay ku hantiyeen koobka horyaalka kubadda koleyga naadiyada heerka 1aad (Seria A) iyada oo kooxdu ku guulaysatay kaalinta 1aad.

Nasiib wanaag suleymaan kuma sii nagaan dalkii Soomaaliya, waxaana uu u baqoolay dalkaasi Maraykanka  isla sannadkaasi 1987 kii, iyada oo aad loogu hanweynaa qaab ciyaareedkiisa wanaagsan oo soo jiidan jiray indhaha dad  badan oo ka tirsanaa taageerayaasha guud iyo kuwii gaarka uu u ahaa naadigii Muqdisho. Suleymaan saley haatan waa xaas leh 4 caruur ah, waxaana uu ku nool yahay Armandale , Virginia ( USA ).

Qadadii ka dib ayaa halkaasi waxaa laysku dhaafsaday hadalo soo dhaweyn iyo sii dhawayn isugau jira oo ay jeediyeen  dadkii halkaasi isugu yimid.Cabdi Yuusuf oo ka tirsanaa maamuladii iyo taageerayaashii naadiga Horseed , markii dambena noqday guddoomiyihii cayaaraha gobolka Banaadir muddadii dagaalada sokeeye ay socdeen ayaa ugu horrayntii hadalka furay, isaga oo martidii halkaasi joogtay ku soo dhaweeyay gacmo furan iyo qalbi saafi ah oo ay u hayaan  bahda isboortiga ee gobolka Minnesota.

Cabdi Yuusuf, waxuu ka warbixiyay bulshada caafimaadka qabta ee isboortiska ee ku nool gobolkan Minnesota  sida ay ugu heelan yihiin mar kastaba inay soo dhaweeyaan martida isboorti ee dibadda uga timaada. Dabadeedna waxaa uu ku soo dhaweeyay madasha guddoomiyihii hore ee naadiga Horseed Yuusuf Muuse.

Yuusuf Muuse, ayaa isaguna si wanaagsan u soo dhaweeyay dhallinyaradaasi, waxaana uu kula dardaarmay bulshada isboortiga in la joogteeyo isu imaatinka noocan oo kale ah oo wax wayn ka tari kara iska warqabka bulshada isboortiga ee ku kala firirsan dalka gudahiisa & dibaddiisa. Ugu dambayntii Yuusuf Muuse waxaa uu kula dardaarmay macallimiinta Qaranka iyo cayaartooyda u ambabaxaysa dalka Jabuuti inay guulo la taaban karo ka soo hooyaan tartamadaasi saaxiibtinimo oo ay ka qayb-geli doonaan.

Ugu dambayntii garsoore Qolof oo halkaasi ka hadlay ayaa isaguna soo dhaweeyay martida ka kala timid meelaha kala fog, waxaana uu si gaar ah ugu guubaabiyay macallimiinta Qaranka inay waqti hore diyaariyaan ciyaartooyda si isfahamkooda loo hagaajiyo, waxaana uu u rajeeyay safar wanaagsan iyo soo noqosho dambe in shaa-Allaah.

Martidii halkaasi isugu timid Abukaato Daahir, suleymaan Saley iyo Macallin Cabdi Cumar ayaa iyaguna ka mahad celiyay casuumaaddaasi loo sameeyay.

Dabadeed waxaa loo dareersaday garoonka kubadda koleyga oo ay ku ballansanaayeen odayaasha cuslaaday oo laba kooxood u kala baxay. Kooxdii uu watay Suleiman saley, ayaa ka koobnaa: Saley, C/qaadir Shiikha, Madaxey, Abukaato Daahir iyo  Maxamed, halka dhanka kalena ay ka soo jeedeen koox uu watay Maxamuud Ciise, oo ay wehliyeen Axmed Daahir, Abuukar Bakar, Macallin Idiris iyo Saadiq.

Iyadoo labada kooxood uu xafiiltan aad u sarreeyay ka dhaxeeyay ayaa Soomaalidu horay ugu maahmaahday oo tiri “Gari laba nin kama wada qosliso” waxaa guushii la hoyday oo Virginia la aaday kooxdii uu watay Suleymaan Saley, oo iyagu keensaday 82 dhibcood, halkii kooxdii Maxamoud ciise ay ka keensadeen 79 dhibcood.

W/D: C/qaadir Xaaji Daahir (Shiikha)