WASIIRKA ISBOORTIGA OO MUQDISHO QADO SHARAF UGU SAMEEYAY CAYAAR YAHANADII HORE
08 March 2009
Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble ayaa shalay qado sharaf ugu sameeyay Hoteelka Naaso Hablood, ee magaalada Muqdisho ciyaartooydii hore ee Soomaaliyeed oo ku dandaraysnaa in mudo ahba gudaha dalka Soomaaliya.
Xaflada waxaa ka soo qayb galay dhamaan ciyaartooydii hore ee kooxihii heerka koowaad ee dalka Soomaaliya iyo Xulkii Qarankii hore, kuwooda dhibaataysnaa ama ku dayacnaa magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.


Ujeedada loo qabtey Qado sharafta ayaa ay ugu wayneed sidii warbixin iyo aragtidooda ku wajahan Isboortiga dalka Soomaaliya iyo xaaladooda nololeed ay uga wada hadlaan si loo eego wixii laga qaban karo.
Waxaa halkaas warbixino laga dhagaystey ciyaartooydii hore isla markaana ka wada warbixiyay xaalada ay maanta ku sugan yihiin iyo xaalada Isboortiga Soomaaliya iyo sida aan wax qiimo lahayn looga soo qaaday kaalintii ay kaga jireen Isboortiga dalka Soomaaliya, isla markaana ay dhibaato iyo shaqo la'aan weyn ku hayso dalka ayna doonayaan inay kaalintooda ka qaataan dhaqdhaqaaqyada Isboorti ee ka socda magaalada Muqdisho.
Waxaana halkaasi ka hadlay ciyaartooy aad u badan oo ay isugu jirey Rag iyo Dumar oo u soo dheeli jiray naadiyadii waawaynaa ee dalka ka jirey iyo Xulkii Qaranka Soomaaliya isla markaana magac iyo maamuus ku lahaa bulshada Soomaaliyeed dhaxdeeda, madaama ay ahaayeen xidigo iyo laacibiin dalkooda ku matali jirey garoomada caalamka. Balse aad moodo in Dowlad la'aanta ka jirta dalka ay saamayn weyn ku yeelatay dadkii ku sharafsanaa qarankooda iyo dowladooda madaama ay wax walbo ay burbureen ayaa hadana waxay noqdeen ciyaartooydani kuwa aan ka soo jeedin dadka hubka sita ee awooda maanta ku haysta Isbortigiii dalka taasoo kaliftey inay marti ka noqdaan ama lagu tixgalin xirfadii ay ku howl gali lahaayeen, kuwaasoo noqday kuwa ku dhibaataysan magaalada Muqdisho iyo gobalada dalka Soomaaliya.
mudane Saleebaan Colaad Rooble
Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble ayaa ugu horeyntii ka mahadceliyay ka soo qayb galka, ay ka soo wada qayb galeen dhamaan ciyaartooydii hore qado sharaftaan isla markaana u muujiyay sida uu uga damqanayo dhibaatada weyn ee ku haysata dalkooda hadane waxa u balan qaaday in Wasaarad ahaan ay wax ka qaban doonaan wixii karaankooda ah, isla markaana waxa u balan qaaday inuu u furi doono xaruun ay yeeshaan Ciyaarooydii hore Soomaaliya ee dalkaan u soo halgamay isla markaana uu gaarsiin doono meelo badan si ay gacan uga helaan intii karaankiisa ah.


Wasiirka ayaa ka codsaday jaaliyada Isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Qurbaha inay soo xasuustaan isla markaana gacan ka gaystaan sidii ay u kaalmeen lahaayeen walaalahood iyo saaxiibadood ee ku haray dalka isla markaana dhibaatada ba'an ku hayso, waxana u ka rajayay Jaaliayada bahda Isboortiga dibada Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Soomaaliya in jaaliyada Qurbaha ama Bahda Isboortiga gacan ka gaystaan sidii Xaruuntaas u shaqayn lahaynd una noqon lahayn xaruun weyn oo Isboortiga dalka laga dhiso mustaqbalka.
Waxaa isna meesha ka hadlay laacibkii kooxda kubadda kolayga iyo Xulka Qaranka Soomaaliya mudane Siciid Qorsheel kana warbixiyay sida ay waajib u tahay in ciyaartooydii hore loo gacan qabto isla markaana loo dhiso Center ama Xaruun loogu soo hagaago isla markaana noqoto meel ay ka howl galaan, Mudane Siciid Qorsheel ayaa isna ka codsaday Bahda jaaliyada Sports Soomaaliyeed ee dibada ku nool inay gacan ka gaystaan sidii xaruunta cusub oo ay ka howl galaan ciyaartooydii hore.
Ciyaartooydii hore ayaa kulanka maanta farxad weyn iyo jididiilo galisay isla markaana waxay ku tilmaameen kulan qiima badan oo aan soo marin tan iyo burburkii dalka Soomaaliya, waxayna rajaynayaan inay xaruunta cusub ee u noqon doonto meel saldhig u ah mustaqbalkana laga soo xariiri waxna ugu qabtaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee jecel cayaaraha noocyadiisa kale duwan, ciyaartooydii halkaas ka hadashay waxay kala ahaayeen kuwa ka koobnaa kubada cagta iyo kubadda kolayga. sida Senegal, Shiiqaalow, Shiiquna, Jaylaani Khalif, CabdiKuus Joon iyo Batuulo Xaaji Nur, Nadiifo Sheekh, Malyuun Muuday iyo Nadiifo Osman iyo ciyaaryahano kale oo badan.
Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada Mudane Saleebaan Colaad Rooble, ayaa u sheegay saxaafada in Isboortiga Soomaaliya dhulka laga qaadi doono isla markaana xaqa ka maqan ciyaartooydii hore dalka meel cad la saari doono isla markaana wasaarada Isboortiga ay wax badan ka qaban doono kulanka maanta wixii la isku afgartey.
Waxaa muhiim ah inaa gacan weyn ka gaysano dadaalka u wado Wasiirka Isboortiga iyo Xaruunta loo samaynaayo Xidigihii dalkeena oo ku bahdilan Caasimadii dalka Soomaaliya, waana nasiib xumo weyn oo haysata dalka Soomaaliya inaan la qadarin kuwa aan xaqooda qori ku raadsan karin halka kuwa awooda beenta ah ku afduubanaya howlaha dalka Soomaaliya, marka Jaaliyada Sports Qurbaha waa inay isku xilqaamaan taakulaynta walaalahooda jooga dalka, anagoo ka duulayno Soomaalinimadeena waxaa muhiim ah inaa codsigaan qayb weyn ka qaadanaa
Hadaba hadii aad doonaysid inaad gacan ka gaysato suurtagalinta xaruunta ama rugta ciyaartooydii hore Qaranka Soomaaliyeed kala xiriir wixii faah faahin dheeri ah Wasiirka dhalinyarada iyo isbortiga Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble Taleephonada 0025215251949 ama 002525998108.
W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor of SSPAMEDIA
London