KOOB LOO DHIGAY DHALINTA DA’DOODU KA YAR TAHAY 16-KA SANO OO LAGU QABTAY MAGAALADA LIECESTER
01 March 2009
Maalintii Jimcaha oo bishu ahayd 27/02/2009. Ayaa waxaa Tartan cayaaro kubadda cagta ah oo aad u xiiso badnaa ka dhacay magaalada Liecester oo ku taal bartamaha dalka Ingiriiska. Tartankaas oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Liecester United oo ka dhisan isla magaaladaas.
Maamulka tartanka
Magaalada Liecester ayaa waxaa degan Soomaali aad u tiro badan, laguna tilmaamo in ay yihiin kuwo isku xiran aadna isu jecel, markastana ka shaqeeya dadaalka horumarineed ee Sport-iga dhalinta Soomaaliyeed.
Hadaba maalintii Jimcaha ayaa waxaa halkaas ka furmay koob kubadda cagta ah oo loo dhigay dhalinyarada Soomaaliyeed ee da’doodu ka hoosaysa 16-ka sano. Kooxaha ka soo qayb galay sanadkan ayaa ahaa Afar naadi, kuwaas oo kala ahaa: Liecester United oo ka socotey magaalada Liecester, WPSC oo ka socotey magaalada Manchester, Kooxda Bermingham stars oo ka socotey magaalada Bermingham iyo kooxda Cardiff Warrior Bay oo ka socotey magaalada Cardiff.
Kooxda Cardif team
Kooxda Bermingham
Kooxda Liecester United
Tartankan oo aad u xiiso badnaa, isla markaana kooxaha ay is wada arkayeen ayaa noqday mid ay kooxaha iyo dhalinyarada ka qayb qaadanayay iyo daawadayaashiiba ay aad uga heleen. Waxaana tartanka lagu qabanayay garoonka weyn ee Moat Community College oo ku yaal bartamaha magaalada Liecester.
Waxaa ka soo qayb galay tartanka marti sharaf Sports-ka Soomaaliya magac wayn ku lahaan jiray, qaar ka tirsanaa ciyaartooydii dalkeena barisamaadkii iyo dad wayne aad u fara badnaa , kuwaas dhirigalinayay da’yarta Soomaaliyeed ee tartanka ka qayb qaadanaysay, kuwaasoo ay ka muuqatey farxad.
Furitaankii tartanka ayaa waxaa ka hadlay odayaal magac iyo sumcadba ku lahaa Isboortiga dalkeena oo ay ka mid ahaayeen Mudane C/qaadir Xuseen Bootaan ‘’ Isoomareey’’, Mohamed Faarax ‘’ Dab-damis’’ iyo Ahmed Nur Mohamed Xaashi ‘’Sayga’’, C/qaadir Caddaay, C/qaadir Biine iyo weliba qaar kaloo ka mid ahaa waxgaradkii magaalada Liecester.
Saacadu markii ay ahayd 12:00 duhurnimo, ayaa waxaa si rasmi ah u bilaabatey ciyaartii la sugayay, isla markaana waxaa garoonka martida iyo dhalinyarada kooxaha ka qayb qaadanaysay tartanka soo dhaweyn u muujiyay maamulka kooxda Liecester United, gaar ahaan madaxdooda sida Cumar Dheere, Cilmi Daqare, Shiine iyo Daa’uud.
Tartanka oo runtii ahaa mid aad u xiiso badanaa, si aan la soo koobi karina ay ugu raaxaysteen shacabkii tirade badnaa ee ka soo qayb galay daawashada cayaarahaas ayaa waxaa cayaartii kama danbaynta iskugu soo haray Labada koox ee WPSC Manchester & Cardif team, oo ay guushii ku raacday kooxdii Cardif.
Labada koox ee Finalka iskugu soo haray WPSC Manchester & Cardif team
Waxaa kaalinta Koowaad galay isla markaana noqday horyaalka dhalinyarada 16 sano kooxda Cardiff. Kaalinta 2aad waxaa galay kooxda Manchester, kaalinta 3aad waxaa galay kooxda Bermingham, kaalinta 4aad waxaa galay kooxdii martida loo ahaa ee Liecester United.
Intaa kadib waxaa Xaflad iyo casho sharaf loo sameeyay dhamaan kooxihii ka soo qayb galay tartankan, waxaana halkaa lagu gudoonsiiyay koobabkii iyo biladihiiba kooxihii ku kala guulaystay kaalimaha kala duwan. Waxaana horyaalka koobkii Liecester 2009 (under 16) noqday kooxda Cardiff, isla markaana ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartankana waxaa loo aqoonsaday ciyaaryahanka u sitey lambarka 11-aad kooxda Cardiff.
Waxaa xusid mudan in dhamaan ciyaartooydii ka qayb qaadanaysay tartanka dhamaantood in la gudoonsiiyay bilad sharaf muujinaysa inay ka soo qayb galeen tartankan. Waxaa iyana halkaas bilado lagu gudoonsiyay TV Universal oo uu ka socday wariye C/naasir Solo iyo Suni Sicid Saalax oo ah tafatiraha website-ka SomSport oo deggan dalka Kenya.
W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor & SSPAMEDIA
London