Skip Repetitive Navigational Links

Monday, February 06, 2012

QORITUURKII CAYAARAHA SOMALI WEEK LONDON 2009 OO LAGU QABTAY XAAFADDA WEMBLEY

25 June 2009

Waxaa shalay lagu qabtey xaafada Wembley oo ku taal Galbeedka magaalada London qorituurkii, sidii ay iskugu aadi lahaayeen kooxaha ka qayb galaya tartanka kubadda cagta ee Somali Week London 2009.

Qorituurkan ayay ka soo qayb galeen marti sharaf lagu casuumay iyo wakiilada 12 Kooxood ee ka qayb gali doono cayaraaha Somali Week London 2009 oo kala ah: Kooxda Holand, Finland, Sweden, Liecester, London Stars, Ilamos, Al Hijra, Mogadisho, Nabadda, W12, Hil Top iyo Milton Keynes.

Ugu horeyntiina waxaa aayado Quraan ku furay dabadeedna raaciyay wacyigelin iyo alle ka cabsi, sheikha da’da.yar ee Sheikh Maxamed Xuseyn Hirsi (Maylac) oo ka tirsan bahwaynta Isboortiga Soomaalida Wembley.


Sheikh Maxamed Xuseyn Hirsi (Maylac)

Furitaanka xafladda ayaa ay ka hadleen gudiga qaban qaabada tartanka Somali Week London 2009, ayagoo ka faalooday qaabka uu barnaamijku u dhici doono, una qeexay dhamaan dadkii ka soo qayb galay qorituurka sababta loogu qabanaayo barnaamijkaan magaalada London.


Gudiga qabanqaabada Mohamed Buuwe, Yaasin Dino, Cilmi Waabari iyo Xusen Deeq

Waxay sheegeen in tartanku uu dhici doono bisha Agoosto afarteeda isla markaana socon doono labo asbuuc, iyagoo ku tilmaamay in ay u danaynayaan jaaliyada Soomaaliyeed ee degan magaalada London iyo guud ahaan dalka Ingiriiska. Waayo bisha ka horayso kooxaha reer London qaarkood waxay tartamo kale u jiraan wadamada Sweden iyo Canada.

Marka waxaan u aragnay in tani u tahay fursad qaali ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee deggan dalkan, waqtiga ay fasaxa ka soo noqdaan si loo helo fursad lagu maaweelin karo, loogana badbaadin karo dhaqamada xun xun ee ka jira magaalada.


Marti sharafta

Munaasabadaan ayaa lagu qabtey dhismaha The Pavalion Stone Bridge Park, waxaana ka mid ahaa dadkii ka hadlay ciyaaryahanadii hore ee dalka Soomaaliya sida Goalhayihii kooxda Horseed Biyoolay, isla markaana si wanaagsan ugu hadlay muhiima qabashada tartamadaan oo kale iyo faaiidada ay u leedahay dhalinyarada Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo uu ciyaartooyda u sheegay inay ka fagoodaan dhaqamada xun xun iyo waxyaabaha naftooda qatar galin kara, waxa iyana meesha ka hadlay Galaal oo ka mid ahaan jirey ciyaartooydii Gobalka Banadir iyo Naadiga Horseed waxana u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta ka soo qayb galo munaasabad looga hadlaayo ciyaaro loo qabanaayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee dagan dalka Ingiriiska, “run ahaantii waxaan aad uga xumahay in aan bahda isboortiga in mudo ah ka maqnaa, waxaanse balan qaadayaa in aan hada iyo wixii ka danbeeyo aan garabkiina soo buuxin doono” ayuu yiri mudane Galaal. Dadkii goobta buuxay ayaa sacab ku soo dhaweeyay hadalada qiirada leh ee uu sheegay Mudane Galaal.

Waxaa iyana meesha ka hadlay cayaaryahankii Aabaliisha oo kooxihii Madbacada iyo Horseed u soo cayaaray, Abdi Nuur oo isna Goalhaye ka soo ahaa Kooxda Muqdisho, Axmed Bile oo Naadiga Jeenyo u dheeli jirey kubadda kolayga, Daahir Gacamay oo naadiga Muqdisho isna ahaa, C/qaadir Biriq oo gobolka Hiiraan iyo kooxda Petroolka u soo dheelay, Huseen Abati oo kooxda Muqdisho ka mid ahaa, Keytoon oo isna Sancada u soo dheeli jirey iyo Masuul sare oo ka tirsan odayaasha xaafada Wembley. dhamaantoodna waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin in Somali Week lagu qabto magaalada London isla markaana ay rajaynayaan in Sanad walbo laga dhigo joogto.

Waxaana isna meesha ka hadlay Gudoomiye ku xigeenkii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta Mudane Axmed Nur Xasan Cabdule, oo faahfaahin ka bixiyay muhiimada qabashada barnaamijyadaan oo kale iyo qaabka Xiriirka Kubada Cagta xul ahaan ugu qaadan karaan ciyaaryahanada wanaagsan ee ku nool dalalka dibada, taasoo uu ku tilmaamay mid wax badan xaga waxtarka ka saacidi doonto mustaqbalka in xulka Soomaaliya in loo helo ciyaaryahano wanaagsan, tilabada maanta loo fadhiyana waxa uu ku tilmaamay mid loo qaaday xaga wanaagsan.

Waxaa isna meesha lagu marti qaaday Garsoore Caalami oo Soomaaliyeed kaas oo deggan dalka Germany, balse booqasho ku joogay dalka Ingiriiska laguna magacaabo Garsoore Axmed Dinaash.

Axmed Diinash waxa uu ka mid ahaa garsoorayaashii caalamiga ee dalkeena gaar ahaan ciyaarta Kubadda Koleyga. Waxaa iyana meesha ka hadlay qaban qaabiyayaasha Somali Week London 2009, sida Mohamed Buuwe oo ku tilmaamay barnaamijka ay maanta wadaan mid wax badan kooxaha London degan ka anfici doono mustaqbalka iyo in London ay ka jiraan kooxaha ugu badan Soomaalida Qurbaha degan isla markaana ay sanad walbo ka aadan magaaladaan tartamada lagu qabto Sweden iyo Canada, sida daraadeedna aysan macquul ahayn in London lagu qabanin koob la mid ah kuwaas oo kale, waxana u hadalkiisa sii raaciyay inay san qabanaynin koobkaan xiliyada ay qabtaan Reer Sweden iyo Reer Toronto tartamada Summer-ka bilaha June iyo July, laakinse Somali Week London 2009 la qaban doono sanad walbo marka la gaaro Bisha Agoosto insha Allah.

Waxaa kaloo iyana meesha ka hadlay Mudane Cilmi Waabari iyo MudaneYaasin Dino, oo faahfaahin ka siiyay kooxaha iyo martidaba qaabka loo qabanaayo tartankaan. Mudane Xusen Deeq ayaa isna waxa uu meesha ka aqriyay qaabka sharciga ee lagu dhaqi doono tartanka Somali Week London 2009 iyo sida ay u haboon tahay in dhamaan kooxaha ka qayb galaya ee meesha fadhiya.

Gabagabadii warbixnada kadib ayaa loo yeeray dhamaan kooxaha ka qayb galaya Somali Week London 2009 laga wada saxiixay inay ogol yihiin qaabka sharciyada iyo qidmada laga qaadayo (Fee-ga) tartanka, kadibna waxaa loo yeeray dhamaan ciyaartooydii hore si ay isku aadka kooxaha oo loo kale qaybiyay 3 qaybood mid mid ugu codeeyaan qaabka la iskugu aadayo, iyadoo Kooxaha Holand, Sweden iyo Finland midba meel la galiyay madaama 9 kooxood oo degan dalka England ay ka qayb galayaan loogu baahan yahay in lagu kale daro 3 qayb ee tartanka loo dhigay sida Group A, Group B iyo Group C.


Goobta Qorituurka

Kooxaha oo ka kooban 12, ayaa kale galay sadax qaybood, waxayna iskugu aadeen 3 qaybood oo min afar ah. Dhamaan kooxaha ka qayb galaya Somali Week London 2009, waxay noqonayaan sidatan:

Group A: Holand,Mogadisho, Ilamos, London Stars

Group B: Finland Nabadda, Milton Keynes, Liecester

Group C: Sweden, W12, Hil Top, Al Hijra

Tartankan ayaa lagu qaban doono garoon weyn oo ku yaal Waqooyiga magaalada London, hadii Eebe idmo gadaal ayaan idin kaga soo diri doono jadwalka cayaaraha Somali Week London 2009 iyo magacyada gudiga qaban qaabada.

W/D: Yusuf Yusuf
Somali Week London 2009
mrsomalia@hotmail.com
London