Skip Repetitive Navigational Links

Saturday, September 04, 2010

XULKA KUBADDA CAGTA JAALIYADDA SOOMAALIDA GEORGE OO GUUL KA SOO HOOYAY KOOXDA SWELLENDAM EE DALKA SOUTH AFRICA

24 June 2009

Xulka kubadda cagta jaaliyadda Soomaalida deggan George ayaa 4-3 gool ugu awood sheegatay ka gadaal ciyaar kulul oo ku dhex martay garoonka lagu magacaabo stadio George. Waxaa ciyaarta bilawgeeda dardar la soo baxay kooxda Swellendam oo soo bandhigtay ciyaar wanaagsan oo niyad jab hoose ay ka qaadeen taageerayaasha kooxda Somalida Georeg.

Daqiiqadii 19-aad ayaa ciyaaryahanka lambarka sideedaad u sitay xulka Swellendam uu Gool xaraga leh ka dhaliyey gool hayaha kooxda Soomaalida George, kadib markii uu fursad qaali ah uu ku helay afka hore ee goosha, shabaqadana uu cusjiyay.

Weerar celis xoog leh oo ay sameeyeen kooxda Somalida George, ayaa u suurta gashay gebegabada ciyaarta qaybteedii hore mar ay ka dhineed 5 daqiiqo inay dhaliyaan goolkii bar-bar dhaca labada kooxood.

Tababaraha kooxda Soomaalida George Maxamuud Muxamed (Xanduleh), ayaa si xun ugu xanaaqay Gool uu u arkay in uu sax ahaa oo laga diiday kooxdiisa, balse garsoorihii ciyaarta uu ku adkeystay inuusan ansixin Goolkaasi.

Ugu dambeyn cayaarta oo ahayd mid kulul ayaa ku dhamaatay 4-3 gool oo ay guushu ku raacday kooxdii ka timid xaafadda George. Xulka kubadda cagta ee Jaaliyadda Soomaalida George ayaa farxad kula soo laabtay xaafadoodii, kulana caweeyay taageerayaashoodii.


kooxda George ee South Africa

Wariyayaasha saxaafadda ayaa u suurto gashay in ay Garoonka gudihiisa ku waraystaan macalinkii kooxda Soomaalida George, Mr, Xanduleh oou xaqiijiyay guusha kooxdiisa in ay ka danbaysay Tababar xoogan oo ay kooxdu ayaamahanba wadeen.

Wariye Mustafa Xasan Wabax, oo wax ka waydiiyay Taariiqda Kooxda Jaaliyadda Soomaalida George macalin Xanduleh, ayuu u sheegay in kooxda la aas-aasay sanadka markuu ahaa 05 June 2004, waxaana xiligaa macalin u ahaa macalin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Macalin Saciid.

Inkstoo kooxda ay soo martay mar xalado kale duwaan ayaa hadane xagga maaliyadda waxaa gacan ka geystay ganacsatada Soomaalida deggen magaalada George ee South Africa.

Naadigaan oo dhisan mudo yar ayaa hadana waqtiyadii ugu dambeeyey la ciyaaray kooxaha magaalooyinka kala ah Porth Elizabeth (PE), Groot-brak, Mossalbay iyo Swellendam, kuwaasi oo si lama filaan ah ay Guulo ka soo hoyeen, taasina ay keentay in ay sii xoogeestaan taageerayaasha kooxda iyadoo ay xusid mudan tahay in qaar ka mid ah taageerayaasha kooxda swellendam ay markii dambe kalsoonidooda taageero ay usoo wareejisteen kooxda Soomaalida ee reer George.

Mustafa Xasan Wabax
Cape town - South Africa