Skip Repetitive Navigational Links

Wednesday, March 10, 2010

SIR BOBBY ROBSON OO GEERIYOODAY

31 July 2009

Saakay ayaa wargaysyada adduunka oo dhan ay shaaciyeen geerida naxdinta leh ee ku timid macalinkii hore ee xulka qaranka dalka Ingriiska Sir Bobby Robson, kaas oo si xun ayaantaba u dhul jiifay cudurka la yiraahdo cancer-ka.

Inkabadan shan mar ayaa hada ka hor noloshiisa laga sabray, hadana uu ka soo bogsoonayay cudurkan aawgiis, balse tani waxay noqotay mid uuna ka soo kicin.

Qoraal ay wargaysyada u direen qaar ka mid ah familkiisa, ayay ku sheegeen “waa mid aad looga naxo, murugana xambaarsan in aan idiin soo gudbino saakay in uu geeriyooday macalinkii qiimaha wayn lahaa ee Sir Bobby Robson, una geeriyooday cudurka cancer-ka.

"Waxuu saakay geeriyooday asagoo wax xanuun ah uusan hayn, ayna garbahiisa fadhiyeen Xaaskiisa iyo reerka intiisa kale, gurigiisii ku yiil xaafada County Durham.

"Duugta Sir Bobby's ayay sheegeen in ay noqon doonto mid private ah. Oo loo ogol yahay oo kaliyah qaraabadiisa iyo cidii ay ayagu casuumtaan oo kaliyah.

"Xaflad mahadcelin ah (A thanksgiving service) oo loogu baroordiiqayo taariikh nololeedkiisa Sir Bobby's ayaa dib laga qaban doonaa taas oo ay kasoo qayb geli karaan dhamaan asxaabtiisii iyo saaxiibadiisii qaaska ahaa.

"Marwada uu ka geeriyooday Robson iyo family-giisa ayaa ayagoo aad u tiiraanyeeysan, ku cel celiayay, waxaan uga mahadcelinaynaa dhamaan asxaabtiisii oo dhan inta u dhega nuglaato codsigeena ah in aan duugta cidkasta aysan iska soo xaadirin”.

Macalin Bobby Robson ayaa cayaaraha ku bilaabay kooxda Fulham iyo West Brom sanadihii 1950-kii ilaa iyo 1960-kii, kadibna u wareegay xagga macalin-nimada. Macalina u noqday kooxaha Fulham, Ipswich, PSV, Sporting Lisbon, Porto, Barcelona iyo kooxda uu ilaa iyo yaraantiisii taageeraha u ahaa ee Newcastle United.

Xiligii uu cayaaryahan-nimada iskaga fadhiisanayay wuxuu u cayaaray Qaranka Ingriiska 20 jeer, markuu macalinka noqdayna ku guulaystay koobka UEFA Cup sanadii1981asagoo macalin u ah kooxda Ipswich Town.


kooxda Ipswich Town oo ku guulaysatay koobka UEFA sanadii 1981

Kadib waxaa loo magacaabay macalinka xulka Qaranka England. Kaas ooh or kacayay xulka England, koobkii Adduunka 1990-kii, kaas oo kooxda England ay ku hartay semi-final.

Kadib wuxuu dib ugu laabtay macalin nimada kooxeed, asagoo loo dhiibay kooxda PSV Eindhoven, kadib Barcelona, kabacdina Porto ilaa uu isaga fadhiisto macalin nimada xanuunka uu u dhintay aawgiis asagoo macalin u ahaa markii ugu danbaysay kooxda Newcastle.

Axadii la soo dhaafay oo bishu ahayd 26ka July 2009 ayaa markii ugu danbaysay lagu arkay Sir Bobby Robson asagoo lagu riixayo gaariga cuuriyaanada lagu qaado garoonka St James' Park cayaar saaxibtinimo oo asaga lagu xusayay, waxqabadkiisii iyo siduu uu kooxdan u soo taageeray, taas oo ay ka soo qayb galeen daawadayaal kor u dhaafay 30,000 (sodon kun) oo taageero u ahaa kooxda Newcastle United.


Bobby Robson oo sagootiyay taageerayaasha Newcastle

Laacibka Paul Gascoigne, oo ka mid ahaa cayaaryahanadii u cayaarayay xulka England xiligii uu Sir Bobby macalinka u ahaa Qaranka England, ayaa kasoo qayb galay cayaartaas, xusayna intii uu ka xasuusto yirina "Sir Bobby is a legend over the world. He was the one who gave me my first run-out for the England team.

"When I saw him it was quite heartbreaking to see him that way but he is battling away and keeping on top of it, which is great. He's battling cancer for the fifth time. It takes a man to beat it once but he's doing it for a fifth time. That's the man he is, he won't give in."

Waxaa soo diyaariyay: Mohamed Sh Abdi (weli)