Skip Repetitive Navigational Links

Thursday, February 09, 2012

MAAMULKA ISBOORTI EE SOOMAALIDA GOBOLKA MINNESOTA OO U BALAN QAADAY MACALLINKA CUSUB EE XULKA QARANKA K/KOLEYGA IN AY GACAN SIIN DOONAAN

28 January 2009

Shir ay isugu yimaadeen waalidiinta, iyo tababarayaasha kooxaha kubadda koleyga ee ka dhisan gobolka Minnesota, kaasoo looga hadlayay laguna falanqaynayay horumarinta caruurta Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, ha noqoto dhinacyada waxbarashada, isboortiga iyo dhaqdhaqaaqyada kala gadisan ee arimaha bulshada.

Gunaandkiisii waxaa halkaasi lagu go’aansaday qodobo muhiim ah oo wax tar u yeelan kara mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed.

Qodobada laga wada xaajooday ayaa ay ka mid ahaayeen:

1) In lala socdo mar kastaba iskuulada caruurta dhigtaan iyo horumarka ama dib u dhaca uu ku tallaabsado ardayga.

2) In wada shaqayn buuxda lala sameeyo macallimiinta dugsiyada aasaasiga, iyo dugsiyada quraanka intaba.

3) In dhallinyarada loo abaabulo tartamo ciyaareed oo kala duwan ha noqoto kubadda koleyga ama Cagta.

4) In la abuuro dhaqaale (fundraising), kaasi oo lagu daboolayo baahida ka jirta xaga garoomada.

Munaasabaddaasi iyada ah oo waalidiinta iyo macallimiintaba ay ka hadleen ayaa aakhiritaankii waxaa halkaasi hadalo isugu jiray waano iyo mahadcelin ka soo jeediyay guddoomiyaha isboortiga gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin.

Cabdi Cali Macallin,isaga oo ku hadlaya marka hore bahweynta cayaaraha ee gobolka Minnesota, waxaa uu mahad-celin u diray guddoomiye xigeenka xiriirka Olimbikada Soomaaliyeed ahna guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish) iyo xubnihiisa guddiga fulinta oo iyagu dhawaanahan u gartay ciyaaryahankii weynaa ee kubadda koleyga C/qaadir Xaaji Daahir (Shiikha) inuu tababare u noqdo kooxda K/Koleyga wiilasha Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaana arrintani ay sharaf iyo magac weynba u tahay bulshada isboortiga guud ahaan iyo gaar ahaan bulshada isboortiga gobolka Minnesota, oo hada ah meesha uu Shiikha ku nool yahay.

Waxaana guddoomiyuhu iyo waalidiintii halkaasi isugu yimidna ugu hambalyeeyeen Shiikha hawshaa loo magacaabay, iyaga oo ballanqaaday inay hiil iyo hooba la garab taagnaan doonaan waxaana ay Eebe ugu baryeen in uu Alle u fududeeyo hawshaasi iyada ah.

Guddoomiyaha Isboortiga
Soomaalida Gobolka Minnesota
Cabdi Cali Macallin