Skip Repetitive Navigational Links

Tuesday, September 07, 2010

WAFDI KA SOCDA URURWEYNAHA SEUKI OO U AMBABAXAY DALKA GAMBIYA

27 January 2009

Wafdi ka socda ururweynaha SEUKI ayaa shalay u ambabaxay dalka Gambiya, si ay uga qeyb galaan cayaar ay kooxda London Star la yeelan doonto xulka qaranka Gambia. Wafdigan ka socda urur waynaha SEUKI ayaa waxay ka soo amaba baxeen shalay magaalada Stockholm.


Mr Cawad Xasan iyo Mr Cabi Wali Maalin

Ururka SEUKI ayaa ah urur qabanqaabiya cayaaraha xagaaga Soomaalida ee lagu qabto dalka Sweden siiba kuwa magaaladiisa Stockholm. Hadaba mar aan qadka taleephon-ka kula hadalnay Gudoomiyaha ururka SEUKI Sheikh Mukhtaar, ayuu inoo sheegay in ay casuumaada ka heleen kooxda London Star oo iyadu la cayaari doonta xulka qaranka Gaambia iyo kooxda heeysata horyaalka dalka Gambiya.


kooxda London Star

Wafdiga safarkaasi galay, ayaa ay kala ahaayeen u qaabilsanaha xiriirka dibadda ururka SEUKI Mr Cawad Xasan iyo ku xigeenka xogheynta ururka Mr Cabi Wali Maalin. Wafdigan ayaa waxeey ka sii hormareen kooxda London Star oo la filayo in ay maanta ka dhoofi doonto magaalada London si ay halkaas ugu soo dhaweeyaan.

Casuumaada loo fidiyey kooxda London Star ayaa waxeey tahay mid ay kooxdu ku muujin doonto magaceeda iyadoo uu kooxda gacanta ku hayo macallin waqtigiisa iyo naftiisaba u huray laguna magacaabo Macallin Dahir Osman (Gacameey).


Macallin Dahir Osman (Gacameey)

Kooxdan London Star ayaa waxaa ay haatan tahay horyaalka tartanka ugu adag qurba joogta Soomalida kaasoo ka dhaca dalka Sweden magaaladiisa Stockholm. Urur weynaha SEUKI ayaa wuxuu garab taagan yahay kooxda London Star, oo ka mid ah kooxaha ugu faca wayn kooxaha ka cayaaraha tartanka xagaaga SEUKI.

Hadaan nahay maamulka kubadda.com anagoo ku hadlayna magaca Bahwaynta Soomaaliyeed ee Isboortiska jecel, waxaan u rajaynaynaa kooxda London Star, guulo la taaban karo in ay ka soo hooyaan safarkooda.

W/D: admin@ceelbuurnet.com
Stockholm - Sweden