Skip Repetitive Navigational Links

Monday, February 06, 2012

WARBIXIN MUHIIM AH (AASKA CUMAR ANYEELO)

22 January 2009

Dhamaan Bah waynta Isboortiska Soomaalida deggen UK, waxaa lagu wargalinayaa in aaskii macalinkii Qaranka Kubadda kolayga marxuum Cumar Mohamed Cumar (Anyeelo) Allaha u naxariistee. La qaban doono berito oo bishu tahay 23/01/2009, oo ah maalin Jimco saacadu markay tahay 11.00 subaxnimo. Fadlan cid Allaale iyo cidii danaynayso ka soo qayb galka aaska ha moogaan.

Goobta kulanka ayaa waxay noqon doontaa magaalada Leicester, xaafada Soomaalida ku badan tahay ee St Mathew state, Malabar Road, LE1 2PD. Janaasada ayaa lagula dukan doonaa Masjidka wayn ee Quba.

Wixii faah faahin intaa dheer fadlan kala soo xiriira Reer Leicester, kuwaas oo hoos magacyadooda iyo taleefoonadooduba ku xusan yihiin.

C/laahi Sanay:    079 0400 3641
Omar dheere:     078 5298 6343
Elmi Daqare:      079 8519 9342
Siyaad:                079 8552 3701

Waxaan ka xusi karnaa Fadaaisha ku soo aroortay ka qayb galka Duugta: Waxaa laga soo weriyay Al-Bukhaari “Qofkii ka qayb gala Janaasada qof muslin ah, isagoo ajar doonasho iyo Alle dartiis ay ka tahay, oo weliba la jooga jeer salaada lagu tukado, kana qayb qaata xabaal gaynta, waxaa la sheegay in uu la soo laaban doono laba Qiiraad oo Ajar ah”. Qiirada oo lagu qiyaasay midiiba in ay la eg tahay Buurto Uxud.

Wabilaahi Towfiiq……….

Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com - London