Skip Repetitive Navigational Links

Monday, February 06, 2012

LATALIYE IYO MACALINKA XULKA QARANKA KUBADDA KOLAYGA SOOMAALIYA OO LA MAGACAABAY

19 January 2009

War ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha xiriirka kubadda kolayga Soomaaliyeed mudane Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) ayaa wuxuu shaaciyay in gudiga Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ay ka falanqoodeen arrimo faro badan oo ku aadan sidii sare loogu qaadi lahaa dhaqdhaqaaqyada lagu horumarinayo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga, waxaana shirkaas la is la gartay in lagu doorto laba ka mid ah ururka qurbo joogta kubadda kolayga Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SSIFO (Somali Sports & International Friendship Organisation).

1. Dr. Cusmaan Xuseen Xaaji (Shiis), oo ahaa Gudoomiyaha tababarayaasha ururka SSIFO oo hada xiriirku u doortay La-Taliya nimada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga, kadib markii la arakay khibradda dheer ee uu u leeyahay xaga Isboortiga, gaar ahaan Kubadda Kolayga.

2. C/qaadir Xaaji Daahir (Shiikha) oo ah xoghayaha ururka SSIFO ayaa isna loo doortay in uu qabto jagada Tababaraha Xulka Qaranka K/Kolayga Soomaaliya.

Dr. Cusmaan Xuseen Xaaji (Shiis), ayaa wuxuu ka mid ahaa cayaar yahanadii ku soo bar baaray degmada Boondheere, kadibna ku biiray naadigii Ciidamada Qalabka siday ee Horseed, sidoo kalena u saftay xulkii Qaranka kubadda kolayga , markiii uu ka fariistay cayaarahana u noqday tababare naadigii Horseed. Cusmaan ayaa wuxuu caan ku ahaa xirfad aad u heer saraysa ee kubadda kolayga ah, mararka qaarkoodna xirfadiisa cayaareed ay fajac gelin jirtay macalimiin iyo cayaar yahano badan oo ajnabi ah.

C/qaadir Xaaji Daahir (Shiikha), ayaa asna waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadku markuu ahaa 1963-kii, waxuuna horay uga tirsanaa xulkii Qaranka Kubadda Koleyga dalka Soomaaliya xiligii dowladdii hore, waxaana markiisii hore uu ku soo caan baxay cayaaraha degmooyinka isagoo u soo saftay degmada C/Casiis intii u dhexeysay 1978-1979-kii.

Kadib sanadku markuu ahaa 1979 ayuu ku biiray Naadigii Badda oo uu u soo cayaarayay tan iyo 1990-kii, halka Xulka Qarankana uu u soo safanayay sanadihii u dhexeeyay 1983 ilaa iyo 1990-kii. Xiligaas oo wixii ka dambeeyay wuxuu u baqoolay dalka Dibaddiisa oo uu ilaa haatan ku nool yahay.

"Waxaan u rajeyneynaa Dr. Cusmaan Xuseen Xaaji (Shiis) iyo C/qaadir Xaaji Daahir (Shiikha) in uu Illaah la garabgalo howsha baaxadda leh ee ku soo fooda leh, iyadoo mar kasta ay garab taagan yihiin dhamaan walaalahooda bahweyntii Kubadda koleyga Soomaaliyeed ee ku bahoobay ururka SSIFO”.

Tafatiraha kubadda.com
Mohamed Sh Abdi (weli)
London