XULKA DALKA UGANDA OO KU GUULEYSATAY KOOBKII CECAFA 2008/09
13 January 2009
Kooxda xulka Qaranka kubadda cagta Uganda, ayaa markii 10-aad ku guuleysatay koobkii qaramada bariga iyo bartamaha Afrika CECAFA ee 2008/09, kadib markii ay ciyaartii kama dambaysta ahayd kaga guuleysteen kooxda qaranka Kenya hal gool iyo Eber (1-0).
Kooxda Uganda oo si fudud ku soo dhaaftay is araga qaybtiisii hore 10 dhibcood iyagoo dhaliyey 10 gool, halka laga dhaliyey hal goo oo keliya. Ciyaartii semi finalkana waxay ku rartay xulka Burundi Shan gool iyaguna aaney goolka taabsiin.
Kooxda Kenyana ayaa ku soo baxday sideed dhibcood, iyaga oo dhaliyey lix gool halka laga dhaliyey hal gool oo keliya.
Cayaartii Finalka ee manta la cayaaray ayaa Goolka keliya ee lagu kala badiyay cayaarta waxaa u dhaliyey kooxda Uganda laacibka lagu magacaabo Bryan Omwony, oo dhaliyay daqiiqadii 16-aad ee qaybtii hore ee cayaarta.
Xulka qaranka Kenya
Kooxda Keenya oo aad ugu soo diyaargarowday ciyaarta inkastoo cayaar yahano badan ay ka dhaawacnaayeen, si aad ahna u caabiyey weerarkii tirade badnaa ee reer Uganda, ayaa hadana aanay u suurto gelin iney gool ka dhaliyaan Uganda, cayaartiina ku dhamaatay 1 - 0.
Baaritaan aan ku samaynay taariikhda kulamadii dhex maray labadaan koox ee xulalka kubadda cagta Kenya iyo Uganda mudadii u dhexeysay 01/01/1930 ilaa iyo 13/01/2009 waxaa labada kooxood ay ku kulmeen tartankan labaatan iyo kow jeer, waxaa labada kooxooda midiiba toos u badisay lix jeer, lix jeerna barbaray noqdeen, saddex jeerna barbaro ayaa cayaartu ku dhamaatay waxaana lagu kala saaray rigoore ama gool ku laad waxaana Qaranka Kenya badisay 2 jeer halka Uganda guuleysatay mar keliya. Hadii laysku wada daro waxaa Kenya guuleysatay 8 jeer, halka Uganda guuleysatay 7 jeer, lix jeerna lays mari waayey.
Ciyaartii hore ee manta dhacday ee lagu loolamayay kaalintii 3aad ee u dhexeysay xulalka Tanzania iyo Burundi ayaa iyadana waxaa guushii ku raacday saddex gool dalka Tanzania oo saas ku gashay kaalinta 3-aad, halka Burundi dhalisay laba gool, saasna ku noqotay kooxdii ku guulaysatay kaalinta Afaraad ee tartanka qaramada bariga iyo bartamaha Afrika.
Hassan M. Farah (John)
Kubadda.com
London