XULKA UGANDA IYO KENYA OO FINAL ISKUGU SOO HARAY KOOBKII CECAFA
12 January 2009
Kulanka cayaaraha kubadda cagta ee qaramada bariga iyo bartamaha Afrika (East and Central Africa Senior Challenge Cup) CECAFA, oo soo biloowday 31/12/2008 ayaa waxaa lagu wadaa in berito oo talaado ah bishuna tahay 13/01/2009 lagu soo afjaro magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Tartankan oo sanadkan hanaansho u socodkiisa ay ka mas'uul ahaayeen Uganda football governing body FUFA, oo marti geliyay qabashada tartanka, ayaa waxaa ka soo qayb galay ilaa iyo 10 wadan oo loo kala qaybiyay laba group oo kala ahaa:
Group A: Uganda, Tanzania, Somalia, Rwanda iyo Zimbabwe.
Group B: Sudan, Kenya, Burundi, Zambia iyo Djibouti.
Labadan group ayaa waxaa kasoo kala baxay min laba wadan, hadaan ku hor maro Group-ka (A) ayay nasiib u yeesheen in ay u soo gudbaan semi final-ka wadamada Uganda iyoTanzania. Dhinaca kalena waxaa ka soo baxay Group-ka (B) Kenya iyo Burundi kuwaas oo shalay galab cayaaray kulamadii semi final-ka ahaa.
Hadaba cayaartii koowaad ee shalay dhacday ayaa waxay dhex martay xulalka Tanzania iyo Kenya waxaana ku gacan saraysay oo 2 – 1 ku badisay xulka dalka Kenya, oo ay goolasha u dhaliyeen Daqiiqadii 18-aad oo uu goolkii koowaad dheliyay Francis Ouma, seddax daqiiqo ka dibna uu u labeeyay Mike Baraza. Halka kooxda Tanzania ay ka dhaliyeen halka gool ee kaliyah qaybtii danbe ee cayaarta saacadu markay ahayd 79 minutes, oo uu u saxiixay laacibka lagu magacaabo Danny Mrwwanda.
Kulankii labaad ayaa waxa ku kulmay xulalka dalalka Uganda iyo Burundi cayaartaas oo runtii ahayd mid si fiican loogu awood sheegtay kooxda dalka Burundi oo 5 – 0 looga badiyaya. Iyadoo ay goolasha xulka Uganda kala dhaliyeen daqiiqadii 31-aad oo uu gool madax ah dheliyay Brian Omony, oo uu u soo Koorneeyey Vincent Kayezi, kadibna dhamaadkii qaybtii hore ee cayaarta oo uu isna daqiiqadii 45-aad uu u labeeyay Andrew Mwesigwa asna gool madax ah. Waxaana lagu kala nastay 2 – 0, ay hogaanka ku haysay kooxda dalka Uganda.
Markii laysku soo laabtay oo la filayay in kooxda dalka Burundi ay wax ka bedeli doonaan qaab cayaareedkooda ayay waxay arintu noqotay “kadaroo dibi dhal”, kadib markii hadana seddax gool loogu daray labadii hore ee lagu lahaa. Daqiiqadii 47-aad ayuu gool ka dhaliyay laacibka lagu magacaabo Stephen Bengo , kadibna daqiiqadii 64-aad uu gool kale oo aad u qurux badan ka dhaliyay laacibka lagu magacaabo Geoffrey Massa , dhamaadkii cayaartana daqiiqadii 84-aad u shaneeyay laacibka goolkii koowaad u dhaliyay ee Brian Omony, oo loo qiray galabtaas in uu ahaa man-of-the-match.
Inkasta oo kooxda Uganda aynan qaadin koobkan (East and Central Africa Senior Challenge Cup) CECAFA, mudo shan sano ah, ayaa ay hada ugu cad cad yihiin in ay sanadkan hantaan koobkan. Walloow ay yihiin kooxda ugu qaadfista badan oo horay u hanatay sagaal mar hada ka hor.
Kulanada kama danbaynta ah ayaa waxaa berito loo cayaari doonaa sida tan:
SAACADA |
KOOXAHA |
Vs |
KOOXAHA |
13:00 Third Place |
Tanzania |
-- : -- |
Burundi |
16:00 Final |
Uganda |
-- : -- |
Kenya |
Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaan jecel nahay haduu Alle idmo in aan natiijada cayaarahaasna idiin soo gudbino iyadoo tafatiran.
Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sheikh Cabdi (weli) London