Skip Repetitive Navigational Links

Monday, February 06, 2012

XULKA UGANDA OO 4-0 KU SAGOOTISAY XULKA SOOMAALIYA

08 January 2009

Xulka qaranka Uganda oo filanayay in ay dhib kala kulmi doonaan cayaarta ay la lahaayeen shalay xulka qaranka Soomaaliya, ayaanan noqon sidii la filayay, kuna sagootisay si dhib yar qaranka Soomaaliya kadib markii ay kaga badisay 4-0.

Xulka Uganda ayaa hamigoodu ahaa in ay ku soo baxaan kaalinta koowaad, si ay ugu sii gudbaan semi-final-ka, maadaama tartanka uu wadankoodu ka dhacayay. Daawadayaasha Soomaaliyeed ee waqtigooda u soo huray fiirsashada cayaarta iyo taageerida kooxdooda Qaran ma ahayn mid farxad gelisay, balse dhamaan maamulka tartanka iyo taageerayaasha reer Uganda waxay u ahayd farxd wayn, waayo tartanku qiimo ma yeelanayo hadii ay harto kooxda wadankeeda lagu cayaarayo.

Goolasha looga badiyay xulka Soomaaliya, ayuu seddax ka mid ah uu dhaliyay laacibka lagu magacaaboTony Mawejje, kadibna Geoffrey Massa oo bedel ku soo galay uu u afareeyay saacadu markay ahayd 75 minutes.

“Maadaama xulka Soomaaliya ay horay uga soo badiyeen xulka Tanzania , lama dhayalsan karin awoodooda, waxaana ku soo tala galnay si kastaba arinku ha ahaadee in aan badino”ayuu yiri macalinkii xulka qaranka Uganda Bobby Williamson.

“Kooxo awoodooda cayaareed aan og nahay sida xulka Sudan ayaa is dhigtay kana haray tartanka, mana noo qalanto in aan kuwaas oo kale anagana noqono” ayuu raaciyay Bobby Williamson.

Xulka Uganda ayaa ku hogaaminaya Group-ka A Todobo dhibcood, oo ay ku xigaan xulka Tanzania oo shalay ayaguna ka badiyey xulka Rwanda Laba gool iyo Waxba (2-0).

Macalinka xulka Tanzania Marcio Maximo, ayaa asna u qiray guusha kooxdiisa in ay ka danbaysay maxruugnimo iyo dadaal dheeri ah oo ay kooxdiisu samaysay oo weliba wadatay kubado si dhaqsi ah laysugu baasayay, wuxuu yiri hadii ayna taas ahaan lahayn, ma fududaateen in aan ka badino xulka Rwanda .

Group-ka A intaan xulka Soomaaliya ahayn waxaa u dhiman min hal cayaar oo la filayo in ay cayaaraan maalinta Jimcaha berito ah, waxaana wada cayaari doono xulka Zanzibar Vs xulka Rwanda iyo xulka Tanzania Vs xulka Uganda .

Kala horaynta kooxaha koobka CECAFA 2008/09 ayaa sidan ah ilaa iyo hada:

Group A

 

P

W

D

L

F

A

Diff.

Points

Uganda

3

2

1

0

8

0

8

7

Tanzania

3

2

0

1

4

2

2

6

Zanzibar

3

1

1

1

3

2

1

4

Rwanda

3

1

0

2

3

6

-3

3

Somalia

4

1

0

3

1

9

-8

3

Group B

 

P

W

D

L

F

A

Diff.

Points

Burundi

3

2

1

0

6

1

5

7

Kenya

3

1

2

0

5

1

4

5

Zambia

3

1

2

0

4

1

3

5

Sudan

3

0

2

1

1

2

-1

2

D'Jibouti

4

0

1

3

2

13

-11

1

Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sheikh Abdi (Weli)
London