Skip Repetitive Navigational Links

Tuesday, September 07, 2010

ABUUKAR SHIINO OO SI SHARAF LEH LOOGU SOO DHAWEEYAY TORONTO

24 February 2009

Waxaa taariikhdu markay aheyd Feb.21.2009 si aan look ala harin loogu soo dhaweeyay magaalada Ottawa ee dalka Canada, Abuukar Axmed Maxamed oo bulshada isboortiga ay ugu yeeraan (Abuukar Shiino), oo u cayaari jiray naadigii kubadda kolayga Muqdisho iyo Qarankii Soomaaliyeed, markii danbena macalina u ahaa isla kooxdaas Muqdisho, oo ka mid ahayd kooxihii heerka koowaad ee kubadda koleyga Soomaaliya.

Xafladda soo dhawaynta, ayay soo abaabuleen cayaaryahanadii hore ee kubadda kolayga eek u midoobay ururka SSIFO qaybtooda Toronto-Canada, oo uu hor kacayay gudoomiyaha ururka Cabdi Maxamed Ciye (Cabdi Dheere) iyo macalin Cusmaan Buruno. Inkastoo aynan ahayn markii koowaad ee uu safar ku yimaado Abuukar Shiino magaalada Toronto, ayaa hadana bahwaynta kubadda kolayga ay jecelyihiin mar walba uu soo booqdo in ay si fiican u soo dhaweeyaan, maadaama uu yahay nin asaguba dad jecel oo bashaash ah.

Abukar wuxuu qeyb weyn oo aan la ilaabi Karin ka soo qaatay horumarinta isboortiga Soomaliyeed intii uu dalka ku noolaa, welina hada wuxuu howl tababar nimo ka wadaa magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Abukar waxaa lagu maamuusay cayaar kubadda koleyga, kulan saaxiibtinimo ah, oo halkaas ku dhex martay laba kooxood oo ay kala hogaaminayeen C/qaadir Dhamme iyo koox uu asaga hor kacayay.

Goobta ay cayaartu ka dhacaysay ayaa waxaa goob jog ka ahaa qaar ka mid ah wariya yaasha shabakada Soomaliweek oo u suurto gashay in ay wareysi la yeeshaan Abukar Shiino, isagoo ka waramay taariikhdiisa kubadda koleyga oo gaaban iyo dhinacyo badan oo ku saabsan bahweynta kubadda koleyga Soomaliyeed.

Abukar Shiino, waa xubin ka tirsan urur weynaha qurba joogta kubadda koleyga Soomaliyeed ee SSIFO, wuxuuna Abukar ka cudur daartay in uuna fursad u helin, in uu ka soo qeyb galo cayaarihii ururka SSIFO soo qaban qaabiyeen sanadkii hore 2008 ee lagu qabtay dalka UK magaaladiisa London. Walloow uu ka warqabay tabaabushihii isku imaatinkaas, uuna horay ugu yimid asxaabtiisa reer London sanadii 2006, ayaa wuxuu intaas ku sii daray in uu goor walba, ururka garab taagan yahay kulana dardaarmay midnimo.

Mohayadin Jama
somaliweek.com
Toronto