KOOXDA REAL MADRID OO WELI HOGAANKA U SIDATA QANI-NIMADA KOOXAHA REER EUROPE
12 February 2009
Waa sanadkii labaad oo ay hadana kooxda Real Madrid saldanada u hayso, hogaanka kooxda ugu qanisan kooxaha reer Europe, taas oo laga soo xigtay Qabiir madax banana oo howshiisu tahay, shax u dejinta daqliga soo galo shirkadaha, oo warbixintan siiyay warsidaha shirkada Deloitte.
|
Inkastoo hoos u dhaca qiimaha lacagta sarifka Sterling-ka uu qayb ka ahaa, dib u dhaca ku yimid kooxaha reer Britian, hadana ma xumeen tirade badan ee ku soo uruuray liiska 20-ka ugu qanisan kooxaha reer Europe. Dad badan ayaa qabay in kooxda Man United, ay noqon doonto kooxda ugu qanisan Europe sanadkan, maadaama ay sanadkii hore ku guulaysatay horiyaalnimada koobkii champions League-ga.
|
|
 |
Liiska, ayaa ay ka dhex muuqdeen Todobo ka mid ah kooxaha ka cayaara Premier League, oo lagu daray kooxda Scottish-ka ah ee Celtic, inkastoo ay ka dhacday Labaatanka kooxood ee liiska ugu horeeya iyada iyo weliba kooxda Valencia iyo Werder Bremen.
"Hadii uuna qiimaha Pound-ku dhici lahayn, kooxaha ka socday Britian, waxay noqon lahaayeen sagaal, meesha ay hada ka yihiin todobo koox oo English ah. 20-ka koox ee ugu horeeyana waxaa hogaanka la wareegi lahaa kooxda Man United,” ayuu yiri Dan Jones, oo ah qabiir madax bannaan, oo howshiisu tahay shax u dejinta daqliga soo galo shirkadaha, oo shuraako la ah koox ganacsato Sports ah, oo ku midoobay shirkada Deloitte,
Kooxda Real Madrid, ayaa daqligii soo galay sanadkii la soo dhaafay uu kor uga kacay 4% kaasoo lagu qiyaasay dhaqaalahoodu £328 million, halka kooxda Man United ayaguna uu daqligii soo galay sanadkii hore, kor uga kacay 21% kaasoo lagu qiyaasay dhaqaalahoodu £291million.
LIISKA OO DHAMAYSTIRAN:
01. Real Madrid, Spain, €365.8 million
02. Manchester United, England, €324.8 million.
03. Barcelona, Spain, €308.8 million.
04. Bayern Munich, Germany, €295.3 million.
05. Chelsea, England, €268.9 million.
06. Arsenal, England, €264.4 million.
07. Liverpool, England, €210.9 million.
08. AC Milan, Italy, €209.5 million.
09. AS Roma, Italy, €175.4 million.
10. Inter Milan, Italy, €172.9 million.
11. Juventus, Italy, €167.5 million.
12. Lyon, France, €155.7 million.
13. Schalke, Germany, €148.4 million.
14. Tottenham, England, €145 million.
15. Hamburg, Germany, 127.9 million.
16. Marseille, France, €126.8 million.
17. Newcastle, England, €125.6 million.
18. Stuttgart, Germany, €111.5 million.
19. Fenerbahce, Turkey, €111.3 million.
20. Manchester City, England, €104 million.
Liiskan loo sameeyay kooxahan ugu qanisan reer Europe ayaa waxaa ka muuqata in kooxaha ka socda England ay ku badan yihiin, kuwaas oo ka helay todobo boos. Halka ay Germany iyo Italy ka heleen 4 midkiiba, Spain iyo France-na min laba kooxood. Waxaase sanadkan soo ceriirsatay safka 20-ka hore, kooxda Turkey-ga, ee Fenerbahce.
W/D: Mohamed Sh Abdi (weli)
Kubadda.com - London