Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

QAAR KA MID AH CAYAARYAHANADA XULKA QARANKA OO NASIIB U HELAY SEMINAR SPORTS OO LAGU QABTAY MAGAALADDA QAHIRA

11 February 2009

Seminaarkaan ka dhacay magaalada Qahira ee dalka Masar, oo ahaa mid ay soo qabanqaabiyeen Hay'ada Qaramada Midoobay qaybteeda Unicef, Global Sports Fund iyo Guddiga Olympicada Qatar oo iskaashaday ayaa ay nasiib u heleen in ay ka soo qayb galaan qaar kamid ah cayaaryahanadii xulka Qaranka Soomaaliyeed.

Sida uu nagu soo wargeliyay Macalin Cabdi Faarax Cali oo ku magac dheer (Macalin Geelle) oo ahaa midka hor kacayay cayaaryahanadan ayaa inoo sheegay in ay casuumaad ka heleen Olombikada Qatar, oo casuuntay ilaa iyo 15 dowladood. Waxaana Soomaaliya ugu qeybgalay 10 cayaartooy oo iskugu jiray 6 kubadda cagta ah 4 cayaaryahan oo ka socday Volleyball-ka iyo laba tababare oo dhamaantood ka soo ambabaxay magaalada Muqdisho todobaadkii hore.

Xulka iyo taageerayashooda

Macalinka Geelle, tababaraha Xulka Qaranka oo ka dhexmuuqda ciyaartoyda

Ka biloow bidix, Abuukar Suudi, Cabdilahi yare iyo Nuurdeeq

Ka biloow bidix, Otaha qaranka Shabeelow, garsoore Laylo iyo Salaaxudiin

Seminaarkaan ayaa lagu baranayay isdhexgalka Bulshada, wacyegilinta qatarta daroogada iyo sidii xoogga loo saari lahaa Sportiga loona dhiirigelin lahaa dhalinyarada Juunyarka.

Aqoon kororsigaan ayaa sidoo kale waxaa barbar socday tartan lagu qiimeeynayay cayaaryahanada kasoo qeybgalay siminaarka, waxaana xusid mudan in Cayaartooydii ka socday dalkeena hooyo inay muujiyeen cayaar wanaag aad u saraysay iyo asluub, iyadoo uu ku guuleystay gool hayaha Qaranka Soomaaliyed Abuukar Suudi Cayaryankankii ugu wanaagsanaa Tartanka, dhinaca Kubada Cagta. Halkaana lagu gudoonsiiyay bilad iyo abaalmarin aad u qiimo badan oo uu u soo hooyay Qaranka Soomaaliyeed, waxayna ahayd mid ka fajicisay cayaar wanaagiisa ciyaartoydii ka socotay wadamada kale oo qabay in ay ku guulaysan doonaan kaalintaas balse markii gudiga farsamada ay qiimeeyeen asaga iyo cayaaryahan ka socday dalka Marocco, ay dhibcihii Vote-ka ay gudigu badankoodu u shubeen Abuukar Suudi, halkaasna loogu aqoonsaday MVP cayaaryahanka ugu wanaagsanaa tartanka.

Laacibiintii uga qeybgashay Qaranka Soomaaliya dhanka kubada cagta ayaa waxa laga xusi karaa Ciyaaryahan Salaaxudiin, Shabeelow iyo Nuurdeeq oo dhamaan ka mid ahaa qarankii Haatan kasoo cayaaray tartankii Bariga iyo Bartamaha Africa. kuna xareysnaa dalkaasi jabuuti kuwaas oo wacdaro kasoo muujiyay tartankaasi.

Intii uu socday Tartanka ayaa waxyaabaha aadka loola dhacsanaa ayaa waxaa ka mid ahaa in Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Layla, oo ka mid aheeyd ciyaartooydii ka timid dalka ay noqotay Garsoore ama (Referee) taas oo garsooraysay cayaar adag. Layla, oo ka mid ahayd cayaaryahanadii ka qeybgalay seminaarkan ayaa waxey inoo sheegtay mar aanu kula kulanay xarunta naadiga Olombikada Masar, inay aad ugu faraxsan tahay aqoontan ay kororsatay, ayna mustaqbalka isticmaalidoonto si ay u buuxiso kaalintii ay haweenka Soomaaliyeed kaga jireen dhanka Isbortiska, iyadoo waqtiyadan dambe uu xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA uu ogolaaday gabdhaha inay qabtaan ama dhexdhexaadiyaan cayaaraha, taasina ay tahay fursad muhiim ah oo ay ka faaiidaysan karaan dhamaan gabdhaha Soomaaliyeed.

Dhanka kale waxaa kaalin lama iloowaan ah ka galay tartanka, lana xusay cayaaryahanadii Volleyball-ka Soomaaliyeed, oo ahaayeen kuwa markasi aad loo amaanay qaab cayaareedkooda, waxaana ay gabi ahaanba ciyaartoydu sheegeen inay ka faaideysteen tababarkaan oo ahaa mid ay ka heleen waayo aragnimo iyo isdhexgal ayna kor u qaadeen calankoodii Soomaaliyeed oo waayahan laga waysnaa garoomada caalamiga qaarkood ama intooda badan. waxeyna ciyaartooydan soo dhamaystay tartankoodii iyo seminaarkiiba, u soo ambabaxeen magaalada Muqdisho isla maanta ayagoo xernaa jaakadahooda ay dusha kaga qorneyd magaca Soomaaliya.

Abdullahi Muxudin (Abdul Arts)
abdularts@hotmail.com