Skip Repetitive Navigational Links

Monday, February 06, 2012

MO FARAH OO JEBIYAY RECORD-KII ORADKA GUDAHA EE MASAAFAHA 3000m

06 February 2009

Oradyahanka Soomaaliyeed ee hada u orda, oradka dheer dalka Britian Mohamed Farah '' Mo Farah'' ayaa waxa uu ka qayb galay Sabtidii la soo dhaafay tartan ciyaaraha fudud ee (Saturday's Aviva International) oo lagu qabtey magaalada Glasgow .

Mo Farah, oo ka qayb qaadanayay tartanka masaafada dheer 3000 Mitir ee raga ayaa waxa uu ku orday 7:40.99, isla markaana dhigay rikoor ku cusub oradka 3000m, Mo Farah waa 25 jir asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya, balse ka mid ah ciyaaryahanada dalka Ingiriiska ay ku dhaartaan marka ay noqoto oradada dheer ayaa noqonaya ninka haysta xiligaan rikoorka cusub oradka 3000m, isla mar ahaantaana jabiyay rikoorkii uu hore u dhigay ciyaaryahan John Mayock sanadku marka u ahaa 2002.

Mo Farah, oo hore u ahaa horyaalka Qaarada Yurub oradka 3000m ayaa guushani u noqonaysaa mid taariikhda u gasha tan iyo inta laga jabinaayo rikoorkiisa cusub 7:40.99, waxana u noqonayaa ninka kaliya ee jabiyay rikoorkii uu horay u dhigay John Mayock, 7 sano ka hor, kaas oo asna dhalashadiisu ahayd British. Mo Farah guushaan wuxuu ku hantay abaalmarinta kaalinta koowaad oo qiimaheedu ahaa shan kun oo Dollarka maraykanka ah (Five Thousand Dollars).


Mow Farah

Guusha iyo rikoorkiisa cusub ee Mo Farah, ayaa uu ku sheegay in ay ka danbaysay dadaal dheer oo uu u soo galay, kadib markii uu dhamaadkii sanadkii hore u aaday in uu tababar adag ku soo sameeyo dalalka Ethiopia iyo Kenya xiligii qaboobaha. Mo Farah oo dadiisu tahay 25 jir, ayaa ku sheegay taas in ay u ahayd xirfad cusub oo uu indhaha ku soo furtay.

Inkasta oo uu ku tilmaamay, in ay aad u kala duwan tahay sida orad yahanada wadamadaas ay u sameeyaan tababarka, iyo kan aan dalka Ingriiska ku samayn jiray.

Wuxuu yiri “Subax walba waxaan hurdada ka kaci jirnay lixda aroornimo (6am), waxaana banaanka u soo baxnaa lixda iyo toban daqiiqo, intaadan quraacan waa in aad hal saac soo orodaa, kadibna aad u soo noqotaa quraacdaadii, kadib aad hadana dib ugu laabataa barqo jiif aan ka badnayn 45 minutes, dabadeeto waxaan aadi jirnay goobaha jimicsigaee loo yaqaan (gym). Markaan gym-ka ka soo laabano waxaan hadana cuni jirnay qadadii, waxaan ku laabanaynaa jiif. Abaarihii casiradii ayaan hadana oradkii ku laabanaynaa ilaa iyo fiidkii”.

Wuxuu kaloo sheegay in meesha uu ku xaraysnaa aan laga fiirsan TV, taas oo uu aad ugu xiisay daawashada cayaaraha kooxda uu taageeraha u ahaa ee Arsenal, wuxuu waqtigiisa nasashada inta badan ku qaadan jiray in uu aqriyo Buug laga qoray feeryahankii caanka ahaa ee Muhammad Ali Clay (Muhammad Ali autobiography)

Wuxuu kaloo ka hadlay jiifka xerada uu ku xaraysnaa, “waxay ahayd meel caadi ah, waxaa yaalay sariir yar oo aan saa u waynayn, oo ay ku shareeran tahay shabaqa kaneecada la iskaaga celiyo, qolkaas oo uu kaala dhaxeeyo Afar qofood. Orad yahanada aan tababarka la samaynayay waxay ahaayeen kuwo aad baahi ugu qabo in ay guulaystaan, hadii aynan guulaysana, ma heli karin dhaqaalo ay reerkooda siiyaan, mid kasta oo ayaga ka mid ahna wuxuu haminayay in uu maalin uun noqday horiyaal (champion).

Waxaa jirta maah maah ay isticmaalaan oradyahanada reer Kenya, oo oronaysa tababarka si adag u samee, balse si fudud ku badi (train hard, win easy). Taas waxay igu qasabtay in aan diyaargaroow 100 ilaa iyo 120 miles asbuuciiba aan sameeyo.

Sanadka dhamaadkiisii xiligii Christmas-ka iyo New Year-ka, asxaabtii aan xerada ku wada jirnay, badankoodu waxay aadeen reerahoodii si ay ula soo faysteeyaan, waxaana xerada ku soo haray aniga iyo laba kale, waxaana si joogta ah u samayn jirnay tababarkeenii orodka ahaa”.

Wuxuu hadalkiisii ku soo gaba-gabeeyay “Way adag tahay in aad qof u sheegto in uu sameeyo shay, balse aadan adigu weligaa arkin shaygaas. Maanta nadartu ayaan soo iri, waana arkay oradyahanada reer Kenya guulaha ay gaareen halka ay ka timid, waana ig go’an tahay in aan ku laabto mar kale”.

Hadaba hadaynu nahay bahwaynta Isboortiga iyo maamulka kubadda.com, waxaan leenahay hambalyo Mohamed Farah, waxaan u rajaynaynaa guulo kale oo fara badan mustaqbalka dhow, da’yarta Soomaaliyeedna waxaan faraynaa in ay ku daydaan si mustaqbalka loo helo ciyaaryahano faro badan oo Soomaaliyeed ee ka qayb qaata cayaaraha fudud insha Allah.

W/D: Yusuf Yusuf