XIRIIRKA FIFA IYO DOWLADA KENYA OO WAAN WAAN NABADEED KA DHEX WADA URURADA FKL IYO KFF EE KA DHISAN DALKA KENYA
04 February 2009
Xiriirrada kubadda cagta dalka Kenya, ayaa dhawaanahan-ba ay ka dhex ololayeen dagaal hoosaad ka dhexeeyay labada xiriir ee ugu wayn xagga maamulka kubadda cagta ee lagu kala magacaabo Football Kenya Limited oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan FKL iyo Kenya Football Federation oo asna marka la soo gaabiyo loo yaqaan KFF.
Dowladda dalka Kenyan iyo xiriirka Fifa ayaa go’aansaday in ay kala dhex galaan, xalna u raadiyaan sidii ay jaanta iskula qaadi lahaayeen labadan urur, oo dagaalkoodu dhaawac wayn ku yahay horumarka kubadda cagta dalka Kenya.
Waqtigan xaadirka ah ayay xiriirka FIFA aqoonsan yihiin maamulka hal koox oo kaliya ah, taas oo lagu magacaabo Football Kenya Limited oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan FKL. Halka dowladda dalka Kenyana ay ku mashquulsan tahay sidii loo aqoonsan lahaa ururkan kale ee lagu magacaabo Kenya Football Federation (KFF), oo isku tilmaamay in uu yahay urur jira oo ka howlgala dhaqdhaqaaqa cayaareed ee ka socda dalka Kenya.
Ururka KFF ayaa ahaa mid dhawaanahan dadaalkiisu ku fidayay gebi ahaan dlka Kenya, kaas oo dalka ka furay inkabadan 17 laamo iyo xafiisyadooda oo ka howlgalo cayaaraha ka dhaca dalka kenya, oo uu shaqo iyo mushaar-ba siiyo Xoghayaha guud ee ururka KFF Sammy Obingo.
Gudi laga soo kala xulay labada koox ayaa waxaa iska hor keenay madax ka socotay Dowladda dalka Kenyan iyo xiriirka FIFA, kuwaas oo faray in ay cayaaraha u wada qabtaan si wada jir ah sanadkan 2009 ee hada lagu guda jiro.
Gudiga ayaa eegaya hadii ay labadan maamul ee FKL iyo KFF yihiin kuwo wada shaqayn kara, loona qabtay mudo Sagaal bilood ah oo lagu kormeerayo habsami u socodka cayaaraha iyo wada shaqayntooda.
|
Sida lagu wado wakiil ka socda xiriirka FIFA ayaa la filayaa in uu soo caga dhigto dhawaan magaalada Nairobi, si uu u ansixiyo heshiiska ay wada galeen labadan qayb si ay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan mustaqbalka maamulka cayaaraha dalka Kenya. Warbixintan ayaa ay ku dhawaaqday Wasiirka wasaarada Isboortiga Helen Sambili.
|
|

Helen Sambili
|
Wasiirka Isboortiga marwo Helen, ayaa sheegtay horumarka cayaaraha dalka Kenya in ay ku xiran yihiin in si wadajir ah looga wada shaqeeyo danaha dalka, meeshana laga saaro danaysiga kooxeed ama shaqsi. Waxayna cadaysay in labadan qayb wada shaqayntooda ay ka bilaaban doonto kahor kulanka dhawaan ay xulka qaranka kubadda cagta dalka Kenya la yeelan doonaan xulka qaranka Tunisia, dhamaadka bisha Maarso ee nagu soo food leh, kaas oo ah wareegii ugu danbeeyay ee u soo bixitaanka cayaaraha adduunka lagu qaban doono dalka South Afrika 2010. Kulankaas kulamada xiga ayaa ay hadana la yeelan doonaan dalalka Nigeria iyo Mozambique.

Kenya Football Limited ayaa dhawaan waxay shaqadiisii ka cayriyeen macalinkii xulka Qaranka kubadda cagta Francis Kimanzi. Macalin Francis Kimanzi, ayaa ay ku eedeeyeen in uu diiday in uu xulka horkaco cayaaro saaxiibtinimo ay danay nayeen in ay dhawaanahan yeeshaan iyo in uu diiday sidoo kale in ay waraystaan wariyeyaasha. Inkastoo xil ka qaadistaas kadib ay dowladu codsatay in jagadiisii dib loogu soo celiyo macalin Francis Kimanzi.
Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com - London