MAANTA IYO KULANKII KAMA DANBAYNTA SOMALI WEEK LONDON OO AY ISKU SOO HAREEN KOOXAHA AL HIJRA IYO HIL TOP
16 August 2009
Kulankii semi finalka ayaa maalintii Jimcaha bishu ahayd 14/08/2009 Garoonka New River stadium ciyaar xiiso badan ku dhex martay kooxaha kale ah:
AL-HIJRA Vs ILAMOS
HILTOP Vs LIECESTER STARS.
Ciyaarahaan ayaa waxaa ka soo qayb galay dadwayne aad u badan oo labadii todobaad ugu dambeeyay si wanaagsan ula socday koobka Somali Week London oo biloowday 4-tii Agoosto.
Ciyaartii koowaad waxay ku dhaxmartey kooxaha kale ah Alhijra iyo Ilamos oo labaduba ka dhisan Waqooyiga magaalada London isla markaana ka mid ah kooxaha ugu maamulka wanaagsan kooxaha Soomaalida ee ka dhisan magaalada London.
Run ahaantii labada naadi ayaa waxay kale oo ka qayb qaataan koobabka League ah ka socda wqooyiga magaalada London ee ka diiwan gashan xiriirka kubadda cagta dalka Ingiriiska ee loo yaqaan FA.
Labada kooxood ayaa ka soo kale baxay labo qaybood oo kale duwan isla markaana ka mid ahaa kooxihii ugu miisaanka weynaa tartanka,dadka daawanayay koobkan Somali Week-na ay saadalinayeen inay meelo wanaagsan ka gaari doonaan tartanka.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatey deganaansho iyo iska ilaalin koox walba ay iska ilaalinaysay kooxda kale hasayeeshee markii ay socotey xogaa ayaa waxaa soo ifbaxday in kooxda Ilamos ciyaaryahanada ay la soo shir tageen ay cabsi badan ka qabeen kooxda caanka ee Al-Hijra,taasoo ku abuurtey kooxda Al-Hijra inay la soo baxaan firfircooni iyo inay hawaystaan weeraro ay ku qaadan kooxda Ilamos.
Kooxda Al-hijra ayaa labo goal oo deg deg ah oo aad u qurux badnaa kululay shabaqa Goalka Ilamos oo haystey run ahaantii Goalhaye aad u wanaagsan,waxaa goalasha u dhaliyay ciyaaryahanka Brown oo ah wiil mudo dheer kooxda Al-hijra uga soo tirsanaa hasayeeshee markii hore xaga daafaca uga dheeli jirey laakinse maanta ka dheelayay afka hore.
Ciyaartiina waxaa lagu marey 2 goal ay leeyihiin kooxda Al-Hijra halka kooxda Ilamos-na aysan waxba dhalinin, garoonka dadwaynaha u soo daawasho tagay ayaa inta badan sacabka u tumayay kooxda Al-Hijra oo aad moodo koox leh taageerayaal badan oo degan Waqooyiga magaalada Muqdisho, tusaale ahaan ciyaartooyda da’yarta kooxda WhiteStars ayaa ka mid ahaa dadkii kooxda Al-Hijra taageerayay iyo dhalinyarada xaafada Blue Bar.
Kooxda Ilamos ayaa maanta awood daro iyo Isfahan la’aan badani iga muuqatey markaan dib u eego ciyaarihii ay hore u soo wada dheleen, taasoo ku kaliftey in macalimiintooda ay badal badan ku sameeyaan kooxdooda oo aad moodo inaysan diyaar u ahayn inay Al-hijra iska dhiciyaan.
Qaybtii labaad markii la isugu soo laabtey ayay kooxda Al-hijra halkeedii ka sii waday maamulida ciyaarta,tasoo sababtey inay hadana dhaliyaan 2 goal kale laakinse kooxda Ilamos ayaa dhalisay hal goal ciyaartiina waxay ku soo dhamaatey 4 goal iyo hal goal, waxaana sidaasi Finalkii ugu soo baxay kooxda Al-hijra halka kooxda Ilamos-na ay galabta xaafadooda loogu direy iyagoo goal badan lagu raray isla markaana laga madoobeeyay kubadda.
Kulankii labaad ee dhex maray kooxaha Liecester & Hil Top
Ciyaartaas oo iyana ahayd ciyaar Semi Final ah ayaa waxay labada kooxood la soo shir tageen da’yar Soomaaliyeed oo aad u firfircoon,dadka u soo daawasho tagay Somali Week London ayaa la dhacsanaa qaab ciyaareedka labada kooxood.
Kooxda Liecester Stars ayaa u suurtagashay inay Goal ka dhaliyaan kooxda HilTop, waxyar kadibna waxaa barbar dhac ka dhigay kooxda Hiltop ciyaartii waxayna noqotey 1 iyo 1 kadibna waxaa loo baxay qaybtii labaad.
Ciyaarta qaybtii labaad markii la isugu soo laabtey ayay waxaa hogaanka ciyaarta la wareegay kooxda HilTop oo dhaliyay Goalkoodii labaad, laakinse waxyar kadib kooxda Liecester Stars ayaa loo dhigay Rikoore kadib markii daafaca kooxda HilTop ay qalad ku sameyeen Goalkooda meel u jirta 20 Mitir.
Weeraro iyo weerar celis wax badan lala kale beegsaday goalasha labada kooxood ayaanan suurta galin in goal kale dhashaan, waxaana la moodayay in caawa ciyaarta socoto in la isla gaari doono rigoorayaal,laakinse waxaa loo baxay salaadii maqrib dhamaanteen waxaana ka soo laabanay iyadoo kooxda Liecester laga dhaliyay labo Goal xiriir ah wax ka yar 5 daqiiqo,ciyaartiina waxay ku dhamaatey 4 goal ay dhaliyaan kooxda HilTop halka kooxda Liecester Stars ay dhaliyeen 2 Goal,taasoo ka dhigaysa in kooxda HilTop inay u soo gudbaan Final halka kooxda Liecester Stars dib loogu celiyay inay cagta saaraan wadada M1 ee loo aado magalaada ay degan yihiin ee Liecester City.
Waxaa Finalka lagu wadaa in la dheelo manta oo Axada ah, taariikhduna tahay 16.08.2009, ciyaartaas oo ay dhaxmari doonto kooxaha Al-Hijra iyo HilTop hadii Allah idmo, waxaana Finalka ka soo qayb gali doono jaaliyada Soomaaliyeed iyo madax sare oo laga yaqaan Somalia iyo dalkan England.
Yusuf Yusuf
Somali Week Sports Media Manager