Skip Repetitive Navigational Links

Saturday, September 04, 2010

MUUQAALKA GAROONKA LAGU QABAN DOONO SOMALI WEEK LONDON 2009

01 August 2009

Somali Week London 2009 ayaa lagu wadaa inuu ka biloowdo maalinimada Talaadada soo socoto taariikhduna tahay 04 August 2009, tartankaasna waxaa ka qayb qaadan doono 12 kooxood.

Gudiga qaban qaabada tartanka masuliyiin ka tirsan oo aan ka xusi karo Mohamed Buuwe, Mohamed Macalin, Islow, Xusen Deeq iyo Yusuf Yusuf oo ka socday bahda saxaafada Sports ayaa maanta booqasho ku tagay garoonka lagu qabanaayo tartanka iyagoo soo indha indheeyay garoonka isla markaana kala hadlay maamulka garoonka qaabka ay u wadaan inay u dhacaan.


Mohamed Buuwe, Islow iyo Xusen Deeq

Hadaba dadwaynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London waxaan si xushmed leh uga codsanaynaa inay ka soo qayb galaan tartanka Somali Week London 2009 oo loogu tala galay sidii is fahanka Soomaalida kor loogu qaadi lahaa. Garoonka waxa u ku yaal Waqooyiga magaalada London xaafada Totenham cinwanka garoonkuna waxaa sidatan :

White Hart Lane Community Sports Centre
White Hart Lane, Wood Green, London
N22 5QW

Waxaan sawiro ka soo qaadnay garoonka si dadwaynha iyo kooxaha ka qayb qaadanaya tartanka ay uga qaatan fahan qaabka loogu diyaar garoobay tartanka Somali Week London 2009 oo noqon doono kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo lagu qabto magaalada London hadii Allah idmo.

W/D: Yusuf Yusuf
Somali Week London 2009
mrsomalia@hotmail.com