Skip Repetitive Navigational Links

Wednesday, March 10, 2010

WERIYE MAHAD TAGOOW OO LONDON LAGU SOO DHAWEEYAY

27 April 2009

Habeenkii sabtida ayaa maamulka websiteka kubadda.com iyo cayaaryahanadii hore ee kubadda kolayga Soomaaliyeed ee hada ku sugan cariga Ingriiska siiba magaalada London si wayn oo farxad leh ugu soo dhaweeyeen, qoraaga ama weriyihii shabakada kubadda.com Mahad Ahmed Tagoow, ee u fadhiyay Muqdisho oo dhawaan booqasho gaaban ku yimid dalka UK magaaladiisa London.

Mahad Ahmed Tagow

Mahad waa qoraa ay aad ula dhaceen inta badan bahda Isboortiga Soomaaliyeed sida hagar la’aanta ah ee uu, ugu soo tabin jiray Bogga kubadda.com macluumaadka Isboorti iyo taariikhdii cayaaryahanadii hore ee Soomaaliya ee hada ku nool dalka gudihiisa.

Hadii aan wax yar ka xusno taariikhda Mahad Ahmed Tagoow; Mahad wuxuu dhashay sanadii 1980-kii, kuna dhashay Xaafadda H/Wadaag, yaraantiisii wuxuu jeclaa kubadda cagta.

1997 wuxuu fursad u helay in uu ku biiro naadigii heerka koowaad ee degmada Dharkeenleey oo la oran jiray Naadiga Xoosh.

Sanadii 1998-dii waxuu ku biiray naadiga heerka koowaad ee Kesco.

Sanadii 2000 wuxuu hadana u wareegay kooxda Elman.

Sanadii 2002 wuxuu macalin u noqday xulka degmada Dharkeenleey. isla dhamaadkii 2002 waxuu macalin u noqday kooxda heerka koowaad ee kubadda cagta qeybta Futsalka ee Trooj oo uu hayay ilaa iyo sanadii 2005.

Sanadii 2006 waxaa loo magacaabay kaaliyaha xoghayaha guud ee gudiga Olambikada gobalka Banaadir

Sanadii 2007 wuxuu noqday xoghayaha guud ee gudiga Olambikada gobalka Banaadir.

Intaa waxaa u dheeraa in uu Mahad ahaa madaxa warbaahinta kubadda.com xafiiskeeda Muqdisho.

Muhiimada cashada oo runtii ahayd soo dhawayn iyo in loogu mahadceliyo weriye Mahad Ahmed Tagoow, shaqada wanaagsan ee uu u qabtay bahda Isboortiska Soomaaliyeed gabi ahaantood, gaar ahaan shabakada kubadda.com.

Mahad oo ka mahad celiyey soo dhoweynta loo fidiyey ayaa sheegay iney u ahayd khibrad cusub ka shaqaynta saxaafada xafiiska Muqdisho ee kubadda.com, una ahayd fursad qaali ah, in uu ku barto ama la shaqeeyo maamulka kubadda.com, maantana nasiib u helay in uu si aragti ah ula kulmo madaxdii websiteka iyo cayaaryahanadii iyo macalimiintii kubadda Kolayga ee uu magacooda uun kor ka haystay.

Cali Gacmodheere iyo Macalin john

Khaliif iyo Cabdi jabaar

Liibaan Daahir iyo Cabdi Weli

Abdi weli, Abdulqadir Garwayne iyo wiilkiisa Abdullaahi yare

Abdixakiin, Bashiir Gureey iyo Maxamed Sheikh Abdi

Abuukar Yuusuf

Madasha cashada oo ahayd mid si farxadleh la isku dhaafsanayay su’aalo ku saabsan Sports-ka guud ahaan iyo qaasatan kii dalkeeni hooyo, ayuu Mahad wuxuu ka hadlay dhaqdhaqaaqa Isboorti ee ka jira dalkii iyo sida ay lug ugu leeyihiin lugooyada Sport Qurbo joogta, kaas oo uu ku tilmaamay in ay maalgeliyaan garbaha Xamar isku haysto.

Taasna uu ku sheegay in aysan ahayn mid wax nacfi wayn u samaynayso Sports-ka guud ahaan, maxaa yeelay nin wax haysto uun baad wax ugu darteen waxuu haystay, iyadoo ay jiraan dad magac iyo maamuus ku lahaa Isboortiga Soomaaliyeed oo aad u baaba’san manta, oo aan haysan waxay ku noolaadaan, markastana jecel in ay wax u qabtaan da’yarta, balse aan lahayn awood ay wax ku qabtaan. Kuwaas ayaan dhihi karaa waxay ahayd in loo abuuro shaqo ay ayaga wax ka helaan aqoontoodana ugu faa’iideeyaan da’yarta, oo aan dhihi karo adduun iyo aakhiraba ajir ayaa laga heli lahaa.

Sports-ka waxay ahayd in dugsiyada iyo xaafadaha, laga soo bilaabo, oo xaafad kastaa gacan lagu siiyo sidii loo dhisi lahaa Isboortiska degmadaas, si uu qayb uga noqdo dhisida dhalaanka ku nool goobtaas.

Dadka xamar ku sugan waxaa ka batay dagaalo aan dhamaad lahayn, meel kastaa oo cayaaro lagu sameeyana waa ay jecelyihiin waana ay soo buuxinayaan goob kasta oo cayaaro lagu qabto. Marka waxay ahayd in laga shaqeeyo sidii loo badin lahaa goobaha cayaaruhu ay ka dhacaan gacana lagu siiyo dadka la is leeyahay aqoontii sports waa leeyihiin.

Sheekada Mahad waxay ahayd mid aan halkan lagu soo koobi Karin, bahdii goobta iskugu timidna ay ka bogan wayday. Runtii wuxuu ahaa nin aad u da’yar balse ay waayo aragnimadiisu aad uga saraysay da’diisa.

Casho sharaftii soo dhawaynta iyo isbarashada lahayd ayaa waxay ku soo gaba gaboowday farxad iyo isu maxabayn. Gabagabadiina ayuu Mahada wuxuu jeclaystay in uu goobta uga mahad celiyo intii gacanta ku siisay uguna deeqday macluumaadkii, talo, iyo sawiro intaba lahaa intuu ka shaqaynay xafiiska Muqdisho ee kubadda.com.

W/Q: Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com - London