URURWEYNAHA SEUKI OO STOCKHOLM KU SOO GABAGABEEYEY XAFLADII QORITUURKA CAYAARAHA XAGAAGA SEUKI 2009
25 April 2009
Ururweynaha SEUKI oo ah urur Sport oo ka dhisan magaalada Stockholm ee
dalka Sweden ayaa maanta soo gabagabeeyey shirweynihii qorituurka sanadkan
2009 iyadoo shirkuna uu socday 2 maalmood.
Shirkan oo qeybtiisi koowaad ay dhacday shalay oo bishu aheeyd 24 April
kuna saabsanaa ansaxinta sharciga ayaa qeeybtiisii labaad ay aheeyd
xafladda qorituurka waxeeyna dhacday maanta oo ay bishu aheeyd 25 April
iyadoo ka dhacday Restraung Möllen oo ku taal xaafadda Rinkeby.
Xafladdan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horeeyntii
furay guddoomiyaha ururweynaha SEUKI Mudane Cabdiraxmaan Sheegoow oo loo
yaqaan Shuute isagoo xafladaa si weyn u soo dhaweeyey dhamaan
masuuliyiinti ka soctay kooxaha iyo waliba marti sharaftii lagu soo
casuumay xafladdan wuxuuna guddoomiyuhu si gaar ah u soo dhaweeyey Jonny
Lindh oo ah madaxa Poliska xaafadaha Järva iyo xoghayaha GOS mudane
Cabdulaahi Taranbi iyo guddoomiyaha ururka EuroSom Mr Maxamed Diini iyo
Sabriye Gaabow oo isana ka socday isla ururka EuroSom.




Furitaankii xafladda ka dib wuxuu guddoomiyuhu ka war bixiyey waxqabadka
uruweynaha SEUKI iyo waxyaabaha uu damacsan yahay mustaqbalka isagoo ka
dib microfonka ku soo dhaweeyey Madaxa Poliska xaafadaha järva Mr Jonny
Lindh oo isna ka war bixiyey wada shaqeeynta ka dhaxeeysa ururweynaha
SEUKI iyo Poliska xaafadda isagoo sidoo kale ka hadlay sida uu Polisku ula
shaqeeyn doono ururkan wuxuuna xooga saaray sidii loo sugi lahaa amniga
taasna ay ugu weeyntahay wada shaqeeynta labada dhinac oo ay wada
shaqeeyntoodu bilaabatay sanadkii tagay ee 2008 wuxuuna Jonny Lindh ballan
qaaday in sanadkan uu Polisku bixin doono biladda Diciplinka iyagoo ugu
tala gali doona koob gaar ah hadii alla idmo.
Waxaa sidoo kale halkaa siminaar ku saabsan taariikhda Soomaliya ka
jeediyey sarkaal u shaqeeya hay,adda socdaalka Sweden laguna magacaabo Mr
Cabdulaahi Abuukar Mudey isagoo ka warbixiyey dhaibaatooyinka ay dadka soo
galootiga ah kala kulmaan dhulkan cusub ee ay soo galeen.
Waxaa sidoo kale halkaa ka hadashay Alma Adan oo iyaduna ka soctay
Studiefrämjandet oo ay ururka SEUKI haatan wada shaqeeyn kala dhaxeeyso
iyadoo halkaana ka cadeeysay ballan qaad uu madaxa ururkaasi u ballan
qaaday in uu ururka SEUKI ka caawin doono sidii jiif loogu heli
lahaa kooxaha ka cayaara tartanka.
Waxaa isna halkaa ka hadlay guddoomiyaha kooxda xiddigaha Rågsved Mr
Carabeey oo soo jeediyey in loo duceeyo Marxuum Allaha u naxariistee Axmed
Romario isla markaana codsaday in hadii aysan diinta ka horimaneeyn koobka
sanadkan lagu magacaabo Romario iyadoo sidoo kale ogolaansho laga doonayo
reerkii uu marxuumku ka tagay.
Waxaa sidoo kale halkaa ka hadlay Mr Maxamuud Sh.Ibraahim oo ka socda
shirkadda xawaalada Dahabshiil isagoo halkaa ka jeediyey information ku
saabsan sidii ay cayaartoyda lacagaha loogu soo diro Dahabshiil uu u
qaabili lahaa iyo waxyaabaha looga baahan yahay wuuxna sidoo kale
cadeeyey sida ay shirkaddu gacanta uga geeysato howlaha lagu hormarinayo
Sportiga iyo dhalinyarada Soomalida ah.
Waxaa sidoo kale halkaa kalmado ka jeedisay Ismahan Cabdulaahi oo ah u
qabilsanaha ururka isbaheeysiga Soomalida qeeybta Sportiga iyadoo ka
hadashay sidii cayaaraha loo hormarin lahaa.
Waxaa isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha EuroSom Mr Maxamed Diini oo ka
hadlay wada shaqeeynta ka dhaxeeysa labadan urur oo markii ugu horeeysay
heshiis ku kala saxiixday magaalada Leicester wuxuuna ballan qaaday in
sanadkan uu heshiiska muuqan doono iyadoo lagu ballamay in cayaaraha ka
kala dhacaya Stockholm iyo Göteborg la wada furo lana wada xiro.
Waxaa khudbad aad u dheer isna halkaa ka jeediyey xoghayaha GOS mudane
Taranbi isagoo ka war bixiyey qaabka uu u shaqeeyo Gos .
Ugu danbeeyn waxaa halkaa ka dhacay qorituurkii sanadkan 2009 iyadoo ay
kooxuhuna iskugu aadeen sidan soo socta.
| GROUP A |
|
GROUP B |
F.C United |
|
London Star |
Rinkeby Stars |
|
Xiddigaha Rågsved |
Oslo Stars |
|
Djerv |
Holland |
|
Bergen |
GROUP C |
|
GROUP D |
Bristol |
|
Leicester United |
Qaran |
|
Neutral (Göt) |
F.C Sonpet (Fin) |
|
Wadaniga (Den) |
Ilamos |
|
|
W/D: admin@ceelbuurnet.com