Skip Repetitive Navigational Links

Saturday, September 04, 2010

KOOXDA ILAMOS OO NOQOTAY HORYAALKA HORYAALADA SOOMAALIDA EUROPE

17 April 2009

Waxaa lagu qabtey magaalada Leicester labadii casho ee la soo dhaafay koobkii ugu horeeyay oo loo dhigo kooxaha jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ka dhisan dalalka Yurub, kuwaas oo ku soo guulaystay koobabka laga cayaaro Europe iyo Koonfur America.

Tartankan oo la magac baxay Leicester Super Cup 2009, ayaa ay si sharaf leh u qabteen Ururka Leicester United oo fadhigoodu yahay magaalada Leicester, oo ku taal bartamaha England.

Maamulayaasha Ururka Leicester United

Koobkaas ayaa lagu casuumay Lixda koox oo koobabka xiliyada kuleelaha la qabto, kuwooda noqday horyaalada tartamadaas Qurba joogta ah. Lixdaas koox ee ka qayb qaatay koobka Leicester Super Cup 2009, waxay kala ahaayeen sidatan : London Stars, Ilamos FC, Cardiff Warriors, Nabadda FC, Halgan FC & Leicester United.

Kuwaas oo loo kala saaray laba qaybood ayaa iskugu aadey sida tan:

Qaybta kowaad A : London Stars, Ilamos FC, Cardiff Warriors. Qaybta Labaad B: Halgan FC, Leicester FC & Nabadda FC.

Maalintii Talaadada oo ay bishu ahayd 14/04/2009 ayay kooxuhu kulmeen cayaartoodii koowaad, waxaana fooda is daray.

Qaybta kowaad A :

MALINTA

KOOXDA

GOOL

KOOXDA

GOOL

14/04/2009

Nabadda FC

3

Leicester United

0

14/04/2009

Leicester United

0

Halgan FC

2

14/04/2009

Halgan FC

1

Nabadda FC

0

Waxaa kaalinta koowaad ku soo baxay kooxda Halgan FC, oo labadii cayaar ee ay dheeshayba soo badisay, iyo kooxda Nabadda FC, oo iyadana hal badis ku soo baxday kaalinta labaad, Group-ka A.

Qaybta Labaad B :

MALINTA

KOOXDA

GOOL

KOOXDA

GOOL

14/04/2009

London Stars

0

Cardiff Warriors

1

14/04/2009

Cardiff Warriors

2

Ilamos FC

1

14/04/2009

Ilamos FC

1

London Stars

1

Waxaa kaalinta koowaad ku soo baxay kooxda Cardiff Warriors, oo labadii cayaar ee ay dheeshayba soo badisay, iyo kooxda Ilamos FC, oo iyadana hal barbardhac wadatay balse xaga goolasha ku reebtay kooxdii kale ee London Stars, Group-ka B.

Maalintii xigtay ee Arbacada oo ay bishu ahayd 15/04/2009 ayaa Afartii koox ee soo baxay hadana cayaareen cayaar semi final ah. Kooxuhuna waxay u kulmeen sida tan.

SEMI FINAL

MALINTA

KOOXDA

GOOL

KOOXDA

GOOL

15/04/2009

Cardiff Warriors

0

Nabadda FC

2

15/04/2009

Ilamos FC

1

Halgan FC

1

GOOL KU GAN

Ilamos FC

6

Halgan FC

5

Kooxda Ilamos FC

Kooxda Nabadda FC

FINAL

MALINTA

KOOXDA

GOOL

KOOXDA

GOOL

15/04/2009

Nabadda FC

1

Ilamos FC

1

GOOL KU GAN

Nabadda FC

4

Ilamos FC

5

Sidaasna waxaa ku qaaday, koobkii Leicester Super Cup 2009, kooxda Ilamos FC, oo noqotay Horyaalka kubadda cagta, horyaalada qurba joogta Europe iyo America-ba. Waxaa runtii ahayd wax aad loogu farxo in dhamaan intooda badani ay kooxuhu wateen cayaar yahana aad u da'yar oo mustaqbalka laga yaabo in ay dadkooda iyo dalkoodaba anfacaan.

Macalimiinta kooxda Ilamos, Zakaria Baliile iyo Axmed Bile

Hadaba, Hadaan nahay bahda shabakada kubadda.com, waxaan u hambalyeeynaynaa macalimiinta iyo cayaartooyda kooxda horyaalka Qurbo joogta ah ee Ilamos FC. Sidoo kale waxaan dhiiri gelinaynaa maamulka ururka Leicester United oo soo qaban qaabiyay tartanka maal iyo muruqna geliyay. Waxaan leenahay dadaalkiina sii laba laaba, ummadiina wax la taaban karo ayaad u qabateen.

W/D: Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com - London