MID KA MID AH CAYAARYAHANADA KOOXDA ILAMOS OO SHIL GALAY
19 September 2008
War naga soo gaaray maamulka kooxda kubadda cagta Ilamos, ayaa sheegaya in maalintii Arbacada taariikhdu ay ku beegnayd 17/09/20008 uu shil baabuur ku galay Colchester, mid ka mid ah cayaar yahanadooda oo la yiraahdo Sheikh Cali Mukhtaar oo lagu naanayso (Sheikh Cali).
Sheikh Cali, wuxuu ka mid ahaa cayaaryahanada kooxda u cayaari jiray in muda ah, kooxdana uga cayaaro Afka hore. Mar aan xafiiska kooxda Ilamos kula kulmay macalimiinta naadiga Ilamos Zakariya Maxamuud Baliile iyo Axmed Bile oo waqtigaas ka soo laabtay booqasho ay ku soo siyaarteen Sheikh Cali, ayaan waydiiyay sida ay wax u gaaraeen cayaaryahankan.

Waxayna ay ii sheegeen in subaxnimadii Arbacada markay saacadu ahayd laba saac subaxnimo (08:00) uu Shil ku galay xaafada Colchester oo ka tirsan magaalada Essex. Xiligaas oo uu ka yimid shaqo una soo socday xaafadiisii, balse uu la kulmay masiibadaan iyada oo uu baabuurkiisii ku dhacay baabuur kale, kadibna waxaa la dhigay Isbitaal ku yaal magaalada Essex oo lagu magacaabo Colchester General Hospital.



Balse nasiib wanaag markaan soo aragnay manta runtii aad ayaan ugu faraxnay maxaa yeelay dhaawiciisu ma ahayn sidaan malaysanaynay ee wuxuu ka jabay gacanta midigta oo kaliyah, caafimaadkiisa guudna aad ayuu u fiicanaa.
Waxaana maanta nagu wehliyay booqashada aan ku soo booqanay cayaar yahankan: Naaif Mukhtaar iyo Kaamil Maxamuud, Khaalid Xasan, Xamza Mukhtaar, Cabdullaahi Muuse Aw-duul, Maxamed Cabdulkhaadir (jaceloow) iyo walaalkiis Sayid Mukhtaar oo dhamaantood ka mid ah cayaaryahanada kooxda ILAMOS.
Si wada jir ah ayay maamulka iyo cayaaryahanada kooxda Ilamos, Illaah uga baryeen barakada bisha Ramadaan fadligeed in uu Sheikh Cali, dalaalo deg deg ah siiyo, waqti dhowna uu ku soo laabto gurigiisa. Qaar kaloo saaxibadiis ahna waxay yiraahdeen naga gaarsii fariintaan “Please accept our sympathy and we pray for you, and we wish Allah will give you speedy recovery. In the meantime, we do hope that we will be able to come down and see you sometime over the next few days. You are very much in our heart and thoughts. See you soon…”.
Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com