AXMED CABDISALAAN OO LA SHIRAY JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KU DHAQAN UK
15 September 2008
Waxaa galabnimadii Sabtida ee bishu ahayd 13ka Sebtember 2008, lagu qabtay woqooyiga magaaladda London munaasabad shir si heer sare ah loo soo agaasimay taas oo ka dhacday xarunta Resource Centre ee ku tiil woqooyiga London ee carada Ingiriiska. Kulankaas oo lagu soo dhawaynayay Rai’sul wasaare ku xigeenka Soomaaliya mudane Axmed Cabdisalaan Aadan isla markaana ah wasiirka Warfaafinta iyo Isboortiga.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay uruka Peace Council oo u ololeeya nabadaynta iyo heshiinta Soomaaliya, Ujeedaduna ahayd in Ra’iisul wasaare ku xigeenka uu ugu waramo ama warbixin ka siiyo xaaladaha dalka, jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Ingiriiska.

Mudame Axmed Cabdisalaan oo halkaa ka soo jeediyey warbixin aad uga waramaysay xaaladda Maanta lagu suganyahay iyo Mustaqbalka, wuxuu ugu horeyn u mahad celiyey dadkii kulanka ka soo qayb galay iyo dadkii soo qabanqaabiyey, wuxuuna taabtay saddex qodob oo khudbadu ku salaysnayd, wexeyna kala ahaayeen:
1.Nabadaynta, wuxuuna sheegay in dowladu diyaar u tahay iney la kulanto oo la hadasho qof kasta oo wax ku soo daraya nabadaynta dalka shardina aaney ku xirayn.
2.Dhisidda Haykal dowladnimo. In loo baahanyahay in la dhiso hay’adihii dowladnimo si looga baxo nabad la’aanta, iyo kalsooni la’aanta dadka iyo dalka haysa.
3.Kaalma Aadminimo. Wuxuu ka hadlay dhibaatada haysata shacabka iyo sida xaaladahu marba uga sii darayaan, dadaalka loo baahanyahay.
Waxaa khudbadani ahayd mid si aad ah u taabanaysa marxalada maanta dalku ku suganyahay iyo sida ay isugu xirxiranyihiin arimaha asaaska u ah oo aan marna aan mid keligeed aan loo meydaamin karin.
Wuxuu Jawaabo kooban siiyay akhoonyahankii halkaasi isugu yimid, uguna baaqay dhamaan iney dalkooda u soo noqdaan, dalkuna u baahanyahy aqoonyahano leh xirfaddo dalka lagu horumariyo. Waxuu ku soo gebagebeeyey in himilo iyo rajo la qabo hadii Ilaah Yiraahdona heshiis iyo nabad la gaari doono.
Shirweynaha kadiba wuxuu Ra’isulwasaare ku xigeenku la shiray bahda Isboortiga gaar ahaan qaar ka mid ah ururka SSIFO (Somali Sports International Friendship Organization) oo ay ku midoobeen bahda K. Kolayga oo ay shirka shalay ka joogeen sida: macalin John, Axmed Muuse Xuseen, C/qaadir Xaaji Daahir (Shiikha), Bashiir Cabdi Daahir, Axmed Bile, Maxmed Sheikh (Weli), Cusmaan Xuseen (Shiiska), Xaawo Sheikh Axmed (Xaawo Taako) iyo weliba Gudoomiye ku Xigeenka GOS Duraan Faarax.



Kulankan oo ku dhacay jawi saaxiibtinimo, waxaa la wadaagay aragtiyo iyo weliba u baaraandegida sidii lagu hormarinlahaa Isboortiga guud ahaan iyo K. Kolayga gaar ahaan waxaana uu wasiirka Isboortigu uga waramay xaalada maanta uu ku sugan yahay Sport-iga dalka iyo mustaqbalka sidii loo horumarin lahaa, waxuun ka codsaday qurbajoogta aqoonta u leh Isboortiga in ay u soo istaagaan naftoodana u huraan dhisida Isboortiga Soomaaliyeed.
W/Q: Xasan Faarax (John)
Kubadda.com - London