Skip Repetitive Navigational Links

Monday, February 06, 2012

TARTANKII BISHA RAMADAAN EE GOBOLKA MINNESOTA

14 September 2008

Tartankii bisha barakaysanayd ee Ramadaanka ayaa si xoowli ah uga socda Magaalooyinka mataanaha ah ee Miniapolis iyo St Paul. Kulamadaan oo ah mid dhamaan dadka ku nool gobolkaan ay u soo daawasha tagaan salaadda Taraawiixda kadib ayaa haddii aan wax yar ka faaloodo cayaarihii ugu danbeeyay xalay oo bishu ahayd 13/09/2008 ay dhex mareen kooxaha Twin City T.C Stars. iyo COMMUNALITY kuwaas oo labada naadi ugu diyaar garoobayeen Koobka RAMADAANKA oo ka socda xaafadda WHITE BEER LIKE, garoonka ENGLISH ROAD oo cayaaraha lugu qabanayay sanadkaan.

Labada kooxood ayaa waxaa ay haatan ku jiraan diyaar garowgii ugu danbeeyey ee kulanka ayagoo xalay cayaaray cayaartii ugu horeesay, una soo daawasho tageen dadweyne aad u fara badan. ciyaarta oo bilaabatay saacadu markay aheed tobankii (10:00pm) Habeenimo, jawiguna aad iyo aad ayuu u fiicnaa dadkuna waxay xiiseeynayeen cayaarta ayagoo u kala taageerayay labadan kooxood.

Kulankan oo dhex marayay labada kooxood ee COMMUNALITY iyo T.C Stars. ayaa waxaa durbadiiba isla jaanqaaday kooxda T.C. waxayna soo bandhigtay cayaar dhamaan dadkii daawanayay filanwaa ku noqotay, sababtoo ah kooxda T.C. oo watay cayaartoy aad iyo aad u da’yar oo da’doodu u dhaxaysay 16-18 sano, horayna aan looga arag goobaha cayaaraha kubadda cagta ay Soomaalidu ku dheelaan gobolkan.

Kulankan ayaa u ahaa ciyaartii ugu horaysey ay cayaaraan inkasta oo kooxda Communality ay ciyaar wanaagsanayd balse waxaa loogu awood sheegtay 4 gool iyo Hal. Kooxda T.C Stars ayaa ay u safnaayeen cayaartoyda kala ah: Liibaan, Aamaaye, A/raxman, Xaayoow, Abshir, SH.Omar, M.yare, Ali yare, Fasal, Qasim, Dadir, Caydruus, A/risaaq, Caleyka, macalinkii wadayna wuxuu ahaa macalin Carab. Kooxdana waxaa iskaleh DHAAWAC.

Ciyaartii labaad oo iyaduna ahayd mid maalmahaan oo dhan dadka deggen magoolayinkaan ay aad u hadal hayeen ayaa waxay dhexmaraysay kooxaha VIA ROMA oo aheyd horyaalkii sanadkii hore iyo kooxdda OLYMPIC ee maalmahaan wacdaro ka muujisay garoomada ayaa waxaa ay labada Naadi fooda is dareen saacadu markay ahayd 11: 00 habeenimo.

Taageerayaal aad u fara badan ayaa u kala qaylinaayay labada koox balse waxaa siirigii ku dhuftay garsoorihii cayaarta oo ay dhashadiisu ahayd wadanka Masaarida. Durbadiiba waxaa maamulka kubada la wareegay kooxda Olympic markay cayaarto sacotay in ka yar (5) shan daqiiqo waxaa kooxda VIA ROMA laga dhaliyay 4 gool oo is daba jog ah, taagarayaashoodiina waxaa filan waa ku noqotay sida dhaqsida leh ee kooxdooda loo boobay, iyadoo qaarna dhahayeen “cayaartu waa gelin danbe” iyo “geel caruuri qaaday ma dheero” ee aan sugno qaybta danbe ee cayaarta.

Inkastoo cayaartoy fiican ay wateen kooxda VIA ROMA hadana kooxda marnaba islama haleelin kubadda, waxay si fiican iskugu baasi waayeen kubadii ayadoo aad mooday koox aan is aqoon sida is fahmi waaga kooxda ka muuqatay. Halaka kooxdii kale ee OLYMPIC ay soo bandhigeen cayaar dhamaan dadkii daawanayay ku noqotay mucjiso waxayna guusha ku raacday 8 – 1 gool.

Guuldarada ku dhacday kooxda VIA ROMA ayaa dadka ciyaaraha ka faaloodaa ee reer Minnasoto ayaa waxay sabab uga dhigayeen labo arimood. Waa tan koowaade diyaar garow la’aan haysey kooxda iyo ciyaaryahano si weyn kooxda uga dhax muuqan jiray oo u wareegay kooxda OLYMPIC, qaarna ay ciyaaraha iskaga fadhiisteen, halka cayoortoy kalena laga eryey naadiga.

Taageerayashii kooxda VIA ROMA oo ka cadhaysan guuldaradii ku dhacday Kooxdooda ayaa badankoodu ka dureersadeen daqiiqadihii danbe ee cayaarta, sugina waayeen dhamaadka cayaarta. halka taageerayashii kooxda OLYMPIC ay sacab iyo damaashaad ay u durbaan tumanayeen.

Cayaartoodii ugu cayaar fiicnaa kooxda OLYMPIC waxaa ka mid ahaa Ali baskuwaalo, A/RISAAQ yare, Mustafajarmal, ABGAALOOW, SHEEQAALOW, Saleebaan xuux, Saalax, Aden, Abdimaalik shire, Masar, Honda, gool-haye Bistoolo, Macalin Cagaweena iyo miilkiilaha kooxda oo ahaa Abdiqaadir Agency.

Cayaartoydii hore ee ka cuslaatay kooxda ayaa dhaliilay qaab cayaareedka kooxda VIA ROMA iyo maamulka naadiga, ayagoo u arkayey in rajada kooxda ay aad u xun tahay, loogana cabsi qabo in ay ka haraan tartanka sidaasina ay ku soo bixi doonto kooxda SIYAD IYO XANDAL. Dhinaca kale ayay dad badani qabaan in kooxaha TIGERS iyo OLYMPIC ay noqonayaan labadda koox ee cayaarta ugu danbayso isku soo hari doono.

Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa aynu dhawrnaa waa gaba gabada tartanka iyo kooxda ku awood roonaato ciyaaraha sanadkan oo u muuqata mid ka xiiso iyo xamaasad badan kulamadii hore. Waxaa mahadnaq mudan gudiga soo qabaqaabiya cayaarahan oo ahaa Faayali.

Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaan jecelnahay in aan idiin soo gudbino haduu Alle idmo natiijada iyo faaqidaada kulamada dhiman.

Zakaria Aden
somali media
zakihaji@yahoo.com

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football