Skip Repetitive Navigational Links

Monday, February 06, 2012

XULKA KUBADDA CAGTA JAALIYADA SOOMAALIDA LONDON OO GUULO KA SOO HOOYAY KOOBKA ‘’THE INNER CITY WORLD CUP 2008’’

11 September 2008

Koobka The Inner City World Cup  oo ah  koob sanad walba la qabto laguna qabto bartamaha magaalada London garoon ku yaal xaafada Regents Park, ayaa sanad walba waxaa ka soo qayb gala kooxo badan oo ka soo kala jeeda jaaliyado kala duwan oo dhamaantood ku dhaqan magaalada London. Sanadkan ayaa waxaa u soo xaadiray ilaa iyo 32 kooxood oo kala metelayay 32 dal oo ay ka mid ahaayeen kooxda Soomaalida.

Kooxda Jaaliyada Somalida London

Ujeedada koobka loo qabto ayaa ah  saaxibtinimo sidii ay isku fahmi lahaayeen waxna u wada qabsan lahaayeen jaaliyadaha ku nool magaalada London .

Jaaliyada Soomaalida London ayaa sanadkaan kaga qayb gashay koox laga soo xulay ciyaartooyda ugu wanaagsan kooxaha Soomaalida ka dhisan magaalada London, si ay u matelaan magaca Jaaliyada Soomaaliyeed.

Kooxda Soomaaliya ayaa qorituurkii koowaad ka mid noqotey Group-ka ama qaybta (E), ee tartanka isku aadka qaybta kowaad ee cayaaraha The Inner City World Cup 2008. Kuwaas oo ay ku guda jireen kooxaha: Bulgaria . China . Kuwait iyo Somalia .

Maalintii Sabtida bishu ay ahayd 6-da September 2008 ayaa  kooxda Somalia   waxay ciyaarihii ugu horeeyay wareega kowaad  ka soo hoysay guulo wax ku ool ah, iyadoo ay natiijadiina noqotey sidatan hoos ku qoran:

Somalia   Vs   China         3 - 0
Somalia   Vs   Bulgaria     3 - 1
Somalia   Vs   Kuwait       1 - 1

Kadib kooxda Somalia ayaa u soo baxday wareegii labaad ee tartanka kadib markii ay 7 dhibcood iyo 7 Goal isu gayn la yimaadeen 3-dii ciyaarood ay dheeleen is aragii kowaad ee qaybta E.

Maalintii Axada 7-da September 2008 ayaa hadana wareegii labaad tartanka dib u biloowday. Kooxda Somalia waxay isku soo aadeen kooxaha kala ah Siera Leone iyo Pakistan , waxayna ku kala baxeen sidatan:

Somalia   Vs  Siera Leone   2 – 1

Sidaasina kooxda Somalia ugu soo baxeen Quarter Finale si sahal ah, wawaloow la is lahaa kooxda Siera Leone, oo lagu tilmaamayay in ay ahaayeen mid ka mid ah kooxaha ugu awooda roon intuu tartanku socday in ay ka badin doonnaan kooxda Soomaalida hadana ma noqon.

Cayaartii Quarter Final-ka ayaa waxay isku soo aadeen kooxda dalka Pakistan.

 Labadan kooxood ayaa isku mari waayay 90-kii daqiiqo ee ciyaarta  barbar dhac :

Somalia   Vs     Pakistan     1 – 1

Waxaana si caadadu ahayd loo dhigay rigoorayaal ama laad xor ah, taas oo u saamaxday in kooxda Somalia ay dhaliyaan 4 Goal  halka kooxda Pakistan ay dhaliyeen 2 Goal oo qura, sidaasna waxaa Semi Final ugu soo baxay xidigaha Somalia .

Xulka Somalia ayaa ciyaartii Semi  Finalka waxay la dheleen kooxda Colombia , ciyaartaas oo xiisa gooni ah u lahayd dhamaan dadkii ka soo qayb galay intii uu socday tartankaan, madaama qaab ciyaareedka labadan kooxood ay aad isu shabahaan.

Kooxda Somalia oo dadaal aad u dheer u soo gashay inay u soo baxaan Semi Finalka ayaanan u saamixin inay ka gudbaan kooxda Colombia oo ahayd koox aad u adag isla markaana sanadkii hore gaartey ilaa Finalka tartankan. Ugu dambayntiina waxay ciyaartii ku soo gabagaboowday in xulka Somalia loogu awood sheegto 4 Goal halka ay ayaguna ka dhaliyeen 2 Goal.

The Inner City world cup 2008

Run ahaantii markii aan qiimeeyay sida ay uga qayb galeen, xiliga tartanka la qabtey sanadkaan  iyo 32-da dal ee ka soo qayb gashay hadana ay ka galaan kaalinta Afaraad (4) waxaan ku tilmaami karaa mid ay soo hoyeen da'yarta Soomaaliyeed guul aad u weyn oo mudan in loogu hambalyeeyo dadaalkooda, waayo kooxda Somalia iyagoo Sooman ayay waxay labo maalin oo isku xigta iskudar cayaareen 630 daqiiqo lana cayaareen 7 kooxood oo ay ku jireen kooxo aan soomanayn sida China, Bulgaria iyo Colombia, hadana inay ka qayb galaan oo garaan ilaa kaalinta Afaraad waa mid sharaf u ah dhamaan jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan magaalada London.

Kooxda Somalida ah ee sanadkaan ka qayb gashay waxaa gudoomiye u ahaa Mudane Maxamed Buuwe oo ah nin dhiirigaliya had iyo goor dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Galbeedka magaalada London Zona Wembley & Stone Bridge Park.

Maxamed Buube, Bile Ali, Ibraahim Amoore, Xasan Dhuudhi iyo Faysal Ducaale

Waxaan halkaan hambalyo uga direynaa dhamaan ciyaartooyda kooxda Somalia iyo maamulayaashooda gaar ahaan macalinka kooxda Ibraahim Amoore, Faysal Ducaale Agaasimaha kooxda, macalimiinta kala ah Bile Ali Cumar (Bile Madbaco) iyo Xasan Dhuudhi oo iyagana qayb lixaad leh ka qaatay horumarka ay kooxda ku talaabsatay.

W/D: Yusuf Yusuf
London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football