TAARIIKH NOLOLEEDKII DAAHIR YUUSUF MAREEXAAN
28 October 2008
Daahir Yuusuf, wuxuu ku dhashay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya taariikhdu markey aheyd 1930-kii.Waxbarashadiisii wuxuu ku qaatay Soomaaliya iyo waddamo badan oo dibadda ah. Asagoo dugsiga hoose, dhexe iyo sare-ba ku dhamaystay isla dalka Soomaaliya. 1954 -1963 dii waxbarashadiisii ilaa heer jaamacadeed wuxuu ku qaatay waddamo dibadda ah, oo ay kamid yihiin Talyaniga, Faransiiska iyo Ingariiska.
Allaha ha u naxariistee marxuum Daahir Yuusuf, wuxuu ahaa ruugcaddaa siyaasi ah oo kasoo shaqeeyay meelo kala duwan sida wasaaradda waxbarashadda oo uu ka ahaan jiray macalin ama (Barre), iyo wasaaradda arimaha dibadda . 1970-kii waxaa looxilsaaray iskuxirka safaaraddaha dibaddaha. 1978-dii waxaa loomagacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya Hindia.


Waxaa kaloo uu safiir uu ka naqday waddamadda LIIBIA, IYO TUNIIZIA. Marxuum Dahir Yusuf waxa uu ifka kaga tagay 10 caruur ah, Ayaan, Haboon, Hodan, Mulki, Caali, Liibaan, Magan, Kaahin, Kooshin iyo Fadumo, oo ay u kala dhaleen 2 xaas iyo waxay sii dhaleen.
Marxuum Dahir Yusuf Mareexan, waxa uu ku noolaa dalka Holand burburkii dalka ka dib, waxaana uu ahaa nin si weyn looga yaqaan kana dhax muuqday jaaliyada Soomaaliyeed ee ku noolaa magaalada Leeuwarden, iyadoo dadka dhan ay ugu yeeri jireen Adeer Daahir, madaama uu ahaa nin saciim ah oo lahaa saaxiibo badan.
|
Dhanka kale Marxuum Dahir Yusuf, waxuu ahaa nin aad caan ugu ah Isboortiska Soomaaliyeed, isagoo taageero weyn u ahaan jiray kooxdii wasaarada Howlaha Guud & Guriyeenta ee Jeenyo ama (LL PP). Lagama wayn jirin garoomada ay kooxdaasi ku cayaarayso haday noqon lahayd kubadd cag ama haba u badnaatee tan kubadda kolayga. Waxyaabaha uu caanka ku ahaa ayaa waxaa ka mid ah, asagoo mar walba ku xaragoon jiray cabitaanka Cigar-ka asagoo isticmaali jiray Pipe.
|
|

Dahir Yusuf Mohamud
|
26-kii Oktober 2008 ayuu marxuumka waxa uu ku geeriyooday magaalada Roma, ee dalka Talyaaniga. Waxaan dhamaan Illaah uga baryaynaa marxuumka inuu ka waraabiyo Janadii fardowsa, dhamaan ummadda Soomaaliyeed iyo eheladisiina, samir iyo iimaan Eebe ha ka siiyo. Aamin…
W/D: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
Fadlan asxaabta dhamaantiin, tacsidaada si toos ah ugu qoro Hoos meesha Coments-ka.