HORYAALKII 25-AAD EE WIILASHA IYO GABDHAHA SOOMAALIYA OO KA FURMAY GAROONKII KUBADDA KOLAYGA EX-LUJINO EE MUQDISHO
19 October 2008
Waxaa dhawaan si farxad iyo rayn rayn leh albaabada looga furay horyaalkii 25-aad ee kubada koleyga wiilasha iyo gabdhaha dalka Soomaaliya ee lagu qabanayay garoonka kubada Koleyga Ex-Lujino ee magaalada Muqdisho. Xafladii Furitaanka ayaa ay ka soo qeybgaleen Saraakiil sare oo ciidanka Booliska Soomaaliyed, uuna hor kacayay Cabdi Qeybdiid, mas`uuliyiin ka socotay Hay`adda GCAP, Guddoomiyaha Warbaahinta Somaliweyn Xuseen Cabdi Calasoow iyo madaxda xiriirada kala duwan ee GOS iyo marti sharaf kale oo tiro badan ayaa hadana waxaa furitaanka cayaarta lagu sharfay mas’uul ka socday bahda warbaahinta Soomaaliyeed oo ah Milkiilaha idaacada iyo TV-ga Soomaali weyn mudane Xuseen Cabdi Calasow.

Xafladda furitaanka oo ay ka soo qeyb galeen mas`uuliyiin kala duwan ayaa waxaa halkaasi qudbado ka soo jeediyey mas`uuliyiinta xiriirka K/Koleyga oo uu ugu horeeyay Guddoomiye ku xigeenka X.S.K.K Ibraahim Xuseen Cali (ROOMBO).
Milkiilaha idaacada iyo TV-ga Soomaali weyn mudane Xuseen Cabdi Calasow. oo munaasabadaas ka hadlay ayaa isna uga mahad celiyay madaxa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada koleyga talaabadan sharafta leh ee loogu ogolaaday in uu furo cayaarta isagoo ku hadlayay magaca bahweynta saxaafada Soomaaliyeed.


Sidoo kale waxaa isna hadalo muhiim ahaa ka yiri halkaa Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee GOS ahna Guddoomiyaha XSKK Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish) isagoo si farxad leh ugu dhawaaqay in ay aad ugu faraxsan yahiin in ay furaan Horyaalka 25-aad ee Wiilasha iyo Gabdhaha wuxuuna Kooxaha ka qeybgalaya ku booriyay inay la yimaadaan asluub wanaag iyo xirfad cayaareed oo aad u sareysa, sheegayna in horyaalku uu socon doono muddo laba bilood ah, iyadoo gabagabadana la bixin doono koobab, shahaadyin, bilado iyo abaalmarino kale oo farabadan. Wuxuuna ugu danbayn u mahadceliyay intii gacanta ka geysatay furitaanka Horyaalka 25-aad ee kubada koleyga wiilasha iyo gabdhaha dalka Soomaaliya.

Ciyaartii ugu horeesay ayaa waxaa isku haleelay kooxaha Heegan vs Horseed waxayna ku kala baxeen waqtigii loogu talagalay 62-34 oo ay guusha ku raacday islamarkaana koob loo dhigay Maalinta Ka Hortagga Saboolnimada 18-October oo ay soo agaasintay hay`adda GCAP gacanta ku dhigay Kooxda Heegan.
Xafiiska Wararka
X.S.K.K