TARTANKII KUBADDA CAGTA SOMALI FALL LEAGUE OO KA BILAABMAY GOBOLKA MINNESOTA
18 October 2008
Waxaa magaalooyinka mataanaha ka bilaabmay koobkii kubadda cagta ee loogu magac daray SOMALI FALL LEAGEU, waxaana soo qabaqaabiyay dhaliyaradda kala ah Mustafa Axmed (SCOOPY), Daadir, Mahdi Jabuuti iyo Cismaan Ciiloow. Tartankan ayaa lagu qabanayay goroonka caalimiga ah ee ENLISH oo aalaaba lugu qabto cayaaraha Soomaalida bisha RAMADAANKA iyo xiliga qaboobaha (WINTER-KA).
Sanadkan ayaa waxaa ka soo qayb galay kooxo aad u fara badan, waxayna kala yihiin: 1)OLYPIACO, 2)VIA ROMA, 3) SOMALI TIGERS, 4) HOPKINS, 5)WABERI STARS, 6) CEDAR STARS, 7)FB.INDEPENDENT, 8) SYL, 9) MIDNIMO, 10) TC.STARS , 11) ROCHESTER, 12) EDEN PRAIRIE, 13) FC COMMUNITY iyo 14) HIGH GROUND.




Haddaba cayaarihii ugu horeeyay waxay dhexmareen kooxaha OLYMPIACO iyo VIA ROMA waxaan afka ciida loo daray kooxddii VIA ROMA, oo loogu awood sheegtay 3 - 2. Tartamadan ayaa waxaa maalin kasta u soo daawasho taga shacab aad u tira badan oo kala taageero kooxha ku hardamaya kulankaas.
Daawadayaasha cayaarta
Cayaartii labaad waxay dhexmartay SOMALI TIGERS iyo HOPKINS, waxay aheyd cayaar ay ku gacansareysay kooxda Somali Tigers, oo guushii ku raacday 4 - 2.
Cayaartii ugu danbeysay waxay dhexmartay labada kooxood ee WABERI STRAS iyo CEDAR STARS waxaana cayaartaa si aad iyo aad ah, u cayaar fiicneed kooxda Cedar Stars, oo ku badisay 4 - 2.
Cayaarahan ayaa lagu wadaa in ay socon doonaan ilaa iyo 29-ka November 2008. Waxaana u rajeynaynaa daawadayaasha labada magaalo ee mataanaha ah in ay si farxad leh ku daawan doonnaan. Tartankuna ku dhamaado guul iyo farxad .
Zakaria Aden
Somali media
Minneapolis, MN USA