Skip Repetitive Navigational Links

Tuesday, September 07, 2010

KOOBKII RAMADANKA MINNESOTA OO U SOO GUDBAY HEER SEMI FINAL AH

02 October 2008

Soonku wuu dhamaaday balse tartanku waa gabaabsi, kulanadii dhex marayay kooxihii cayaarayay tartankii koobka Ramadaanka ee ka socday magaalooyinka mataanaha ah ee Miniapolis iyo St Paul ayaa qaybtii ugu danbeeysay ee quater finalka, waxaa isku haleelay kooxaha MIDNIMO, OLYMPIC, T.C., GLOBAL COFFEE, TIGERS, COMMUNALITY, E.P. IYO SAHAN.

Hadaba hadaan u yara jaleecano kulanadii ugu danbeeyay iyo kooxuhu sidii ay isugu awood sheegteen ayaa waxaan jeclahay in aan ku hor maro, cayaartii ugu horeeysay ee dhexmartay labada kooxood MIDNIMO IYO OLYMPIC, taasoo ku bilaabatay jawi taageerayaashii OLYMPIC ay rumaysan waayeen, ka dib markii kooxdda midnimo ay halkaa ku soo bandhigtay cayaar dhamaan dadkii daawanayay ay u sacabtumeen.

Kadib markii kooxddii OLYMPIC oo maalamahaan oo dhan ay taageerayaashu afka ku hayeen, maxay soo bandhigi doontaa, ayaa waxay naqotay mid habayaraatee meel mari weeday isla waynidii ku jirtay. Somalidu waxay ku maahmaahdaa " NIN ISFAANSHAY WAA RI’ IS NUUGTAY" waayo kooxdan ayaa faan laga joogi la’aa magaalada, balse farsamo fiican aan la imaan cayaartan, maamulka cayaartiina la wareegeen kooxdda MIDNIMO.

Kooxda Midnimo oo ku guulaysatay Rigoore

Inkastoo cayaartii ku dhamaayay 60kii daqiiqo 0-0 kadib waxaa loo dhigay Penalty, rigoore ama gool ku gan hadba qof walba sida uu u yaqaan, waxaana halkaa guushii ku raacday kooxdda MIDNIMO.

Cayaartii labaad waxay dhexmartay kooxaha T.C IYO GLOBAL COFFEE waxay aheed cayaar hore loo sii saadaalinayay, sabasto oo aheed kooxda Global koffee waa cayaartoodii hore ee cuslaatay ee kooxda T.C, waxayna ku dhamaatay kooxda T.C.strars oo ku badiyay 12 - 4.

Kooxda T.C.

Hadaba habeenkii Sabtiga ayaa waxaa wada cayaaray SAHAN IYO E.P oo loo yaqaan Eden Priare, cayaartaas ayaa waxaa si fiican u gacan sareeyay kooxdda E.P waxayna ku dhamaatay 3-2.

Kooxda E.P.

Waxaa xigay cayaartii lawada sugayay ee labadda koox TIGERS IYO COMMUNALITY waxaa cayaarta siirigii afuufay garsoorihii oo u dhashay wadanka Maroco, waxaana durbadiiba jaanta isla halay kooxdda Communality waxayna birta ku dhufteen kubaddo fara badan, una suurtoowday markii ay cayaartu socotay 15 daqiiqo in ay kooxdda Communality ay hesho fusadii ugu fiicneed waxaana u saxiixay cayaartoyga u watay lambarka 15, garoonkii ayaa sawaxan iyo qaylo isku daray waayo kooxda Tigers waa horiyaalka gobolka Minnesota waana cayaar yahano aad u farsamo iyo cayaar wanaagsan.

Qaybtii hore waxaa lugu kala nastay 1-0. Markii dib laysugu soo noqday koox waliba latashi soo samaysay ayaa cayaartii sidii hore ka sii daran noqotay, oo ay weerar iyo weerar calis sameenayaan labadda kooxba.

Daqiiqaddii 55-aad ayaa waxa gool aad u qurux badnaa dhaliyay cayaaryahanka labarka 10-aad u sitay kooxdda Tigers FASAL YARE, waxaa durbadiiba is badalay jawiga goraanka waxaad moodaa in kooxda TIGERS ay neef ka soo baxday waxay cayaartu socotaba markay cayaartu ay ka harsaneed hal daqiiqo ayaa waxaa kubadda aad u fiican dhinaca bidixda ka soo qaatay Kanuu, ka dibna waxuu si fiican ugu dhiibay Qowdhan, Qowdhan u baasay Faisal, Faisalna waxuu kubadda ku dhuftay birta, dib ay u soo naqotay waxayna ku dhacday mid ka mid ah cayaartooyda Communality sidaana shabaqa Communality ku fadhiisatay, gool kuna waa otoreeto ama iyaga ayaa iska dhaliyay. Cayaartiina waxay ku dhamaatay 2-1 ay ku badisay kooxda TIGERS.

Hadda waxaa lagu han wayn yahay in cayaaraha semifinalka, la qabto berito oo bishu tahay 03/10/08, cayaarta hore waxaa ku kulmi doono kooxaha T.C Vs E.P. Cayaarta xigtana waa kooxaha TIGERS Vs MIDNIMO. La arki doonee cidii reerka u soo harta.

Zakaria Aden
Somali media
zakihaji@yahoo.com

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football