Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 18, 2012

MARXUUM SINDIKO OO HOOYGIISII RUNTA AHAA LA DHIGAY

25 November 2008

Waxaa saakay saacaddu markay ahayd 8:00 subaxnimo Salaadda Janaasada loogula dukaday Marxuum Faarax Wehliye Caddow Sendiko, garoonka qadiimka ah ee kubadda cagta (Conis Stadium) si heer Qaran ah, kadibna loo gelbiyay si loogu aaso gurigiisii xaqa ahaa ee Qabuuraha Xaaji Dalfac ee Degmada Yaaqshiid.

Janaasada Marxuum Faarax Wehliye Caddoow Sendiko ayaa waxaa ka qeyb galay dadweyne aad u faro badan oo isugu jiray Ehellada iyo Asxaabta Marxuumka, Bahda Isboortiga Soomaaliyeed iyo dad weyne kale oo ciidaa ka fara badan oo buux dhaafiyay Isbartiibada qadiimka ah ee kubadda cagta Conis Stadium.

Salaadii Janaasada marxuum Faarax

Kadib waxaa meydka marxuumka loo qaaday Qabuuraha Xaaji Dalfac, halkaasi oo lagu aasay, iyadoo ay aaskiisa ka soo qeybgaleen Culumaa’udiin magac wayn ku lahaa dalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu horkacayay Macalin Nuur Maxamed Siyaad iyo weliba mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan ka xusi karno Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo hogaaminayo madaxda dalka

Gudoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir Dhagaxtuur iyo Saciid Mugaanbe

Dadkii ka qeybgalay aaska marxuumka ayaa intii aysan ka tegin Qabriga waxay marxuumka ugu duceeyeen in uu Allaah Naxariista Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Ehelladii iyo Asxaabtii uu ka tegayna uu samir iyo Iimaan ka siiyo.

Bahda kubadda waxeey si gaar ah, uga codsanayaan asxaabtiisii in la iska cafiyo marxuumka, Iasagana Alla waxaan uga baryaynaa in uu Alle qabrigiisa u qaboojiyo, xisaabta aaqirana u dhib yareeyo, ehelkii iyo asxaabti uu ka tagayna samir iyo iimaan Alle ha ka siiyo.

Marxuumka oo runtii ahaa mid aan marnaba ka go’i doonin qalbiga bahweynta Soomaaliyeed gaar ahaan inta ku abtirsata Isboortiga. Ayadoo aan raacineeyno booskii uu baneeyay marxuumka in uu Alle noogu badelo qof xataa soo dhaweeyo hadii uusan gaarsiin karin sumcadi iyo sharafkii uu gaarsiiyay Faarax Sindiko Isportiga Soomaaliyeed.

Waxaan hubaa in aan la iloobi doonin Faarax Alaha u naxariistee heerka dalka oo bur bursan, waliba dagaalo aafeeyeen uu shaqsiyan magac ugu yeeshay qaarada Afrika iyo mida caalamka oo dhan, haday ahaan lahayd yurub Aasiya iyo laatiin Amerika intaba, siiba asaga oo magac weyn ku dhax lahaa bahda reer Afrika ahaana Libaax afrika ka soo jeeday.

Mid ka mid ah akhristayaasheena oo degen south Africa laguna magacaabo Abdisalaan Mohamed Nuur, ayaa noo sheegay in uu deris la yahay mid ka mid ah garsoorayaasha Africa ugu caansan, oo loo yaqaan Ahmed salie, oo ah garsoore kubada cagta una dhashey dalka South Africa, waxuuna ahaa ninkii calan wadahaha ka ahaa ciyaartii dhex martey France iyo Brazil,

Ahmed salie, ayaa qiray Allaha, u naxa riistee Faarax Sindiko, in uu ahaa nin fiican oo Adduunka aad loogu qiimeeyo, wuxuu kaloo uu u sheegay akhristaheena Faarax sindiko in uu gaarsiiyey ama uu ka caawiyey heerka hada uu taagan yahey, wuxuu marwalbo ii sheegaa ayuu yiri “Sindiko weligeey ma ilaawaayo sababtoo ah, waa nin kii isoo gaarsiyey heerka hada aan taaga nahey oo aan ka gaaray garsoor nimada,” ayuu yiri Garsoore heer caalami Ahmed salie.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email: mahad@kubadda.com