MAYDKA MARXUUM FAARAX SENDIKO OO MUQDISHO MAANTA LAGA SOO DEJIYAY
24 November 2008
Waxaa maanta la keenay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya meydka Marxuum Faarax Wehliye Caddow (Faarax Sendiko) oo ku geeriyooday magaalada Qaahira ee dalka Masar 19 November 2008.

Meydka Marxuumka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho keentay diyaaradda African Airways, waxaana la socday Ehellada Marxuumka, gaar ahaan Caruurtiisa oo ka soo kala raacay Qaahira iyo Dubai.
Madaxda ka qayb gashay soodhawaynta maydka Sendiko
Dhamaan Madaxda Xiriirada Cayaaraha Soomaaliyeed
Waxaa buux dhaafiyay garoonka gegida dayuuradaha Shacbi wayne ka kala socday bahda isboortiga, Ehelada asxaabta iyo mas`uuliyiin ka kala socday dhamaan xiriirada kala duwan ee maamulaka cayaaraha Soomaaliyeed oo aan ka xusi karo Guddoomiye ku xigeenka GOS Aadan Xaaji Yabarow Wiish, Xaaji Coloow, pro Cadoow, Roonbe, Xaaji cabdi, Saciid Mugaanbe , Gaabshe, Awees Orafeyo, Abuukar Isloow iyo weliba asxaab kale oo badan oo ay is yaqaaneen marxuum Faarax Sendiko.
Waxayna u gelbiyeen meydka Halyeygii, Aabahii Isboortiga, gurigiisii oo ku yaalay degmada Kaaraan iyadoo lagu wado in maalinta berito ah saacaddu markay tahay 8:00 subaxnimo Salaadda Janaasada loogula dukan doonaa Garoonka qadiimka ah ee kubadda cagta (Conis Stadium).
Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa dadkii isugu yimid qudbad gaaban u soo jeediyay ku simaha GOS (Guddiga Olombikada Soomaaliyeed) ahna Guddoomiye ku xigeenka GOS Aadan Xaaji Yabarow Wiish, oo sheegay in Faarax uu ahaa halyeey Isboorti oo Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Bahda Isboortiga ay tebi doonaan, wuxuuna sheegay in wanaaggiisii laga dareemi karo inta isugu timid soo dhaweynta meydkiisa maanta.
Aadan Xaaji Yabarow Wiish
Muxudiin Darba Weyne iyo wiilka Faarax Wehliye Cadow Sendiko
Sidoo kale waxaa isna hadal gaaban ka yiri goobta Muxiyaddiin Xasan Cali (Darba-weyne) oo ka mid ah Rug Cadayaasha Isboorti ee weliba la soo shaqeeyay Faarax Sendiko.
Muxyaddiin Darbaweyne wuxuu sheegay in Faarax Sendiko uu ahaa shakhsi karti badan oo Isboortiga Soomaaliya iyo midka Afrika horumar weyn gaarsiiyay, wuxuuna ku cel celiyay in Faarax Sendiko uu ahaa nin sharciga Isboortiga ku ad-adag oo aan ogolaanin in sharci darro lagu dhaqo, “Waxaan xusuustaa in Xulalka Masar iyo Cameroon oo ku heshiiyay in ay is-daayaan uu amar ku bixiyay in la isku celiyo, haddii ay kala badin waayaana ciyaaraha laga reebo, taasi marka waxay caddeyneysaa sida uu Faarax ugu ad-adkaa sharciga”ayuu yiri Muxyaddiin Darbaweyne.
Ugu dambeyntiina, Meydka Faarax Sendiko waxaa maalinta berrito ah lagu balan san yahay in lagu Tukado Janaasada Garoonka kubadda cagta ee qadiimka ahaa ee (Conis Stadium), kadibna lagu aasi doonaa Qabuuraha Xaaji Dalfac ee ku yaala nawaaxiga Hotelka Ramadaan ee magaaalda Muqdisho, iyadoo loo aasi doonaa si Heer Qaran ah.
Bahda kubadda waxaan idiin balan qaadi doonnaa haduu Eebe idmo in aan si baahsan idinkula soo socodsiin doonno qaabka uu u dhaco aaska aabaha sportiga Soomaaliyeed iyo kan qaarada Afrikaba alaha u naxariistee marxuum Faarax Wehliye Cadoow (Sendiko).
Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email: mahad@kubadda.com