Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 18, 2012

LEWIS HAMILTON OO SI DIRQI AH UGU GUULAYSTAY 2008 FORMULA ONE WORLD CHAMPIONSHIP KADIB MAR UU CAAWA KU DHAMEEYAY KAALINTA SHANAAD TARTANKII BRAZILIAN GRAND PRIX

02 November 2008

Felipe Massa

Kulankii caawa inkasta oo uu ku guulaystay Felipe Massa oo riyadiisu ahayd in uu reebo Lewis Hamilton, ayayna u suurtoobin, waayo rajada Hamilton ayaa ku xirneed in uu ku dhameeyo position-ka 5-aad, si uu u noqdo Horyaalka Adduunka tartanka Gawaari wadida 2008. Kuna dhameeyay si dirqi leh.

Tartankan Orodka gawaari wadida 2008 (Formula One World Championship) ayaa waxaa caawa uu ahaa heer Final ah, waxaana laga daawanayay shaashadaha TV-ga dalal badan oo adduunka ka mid ah.

Kulanka oo si qurux badan ku biloowday ayaa dhamaadkii iyo iskala reebka, roob fiican soo da’ay, kaas oo darawaladii gawaarida ay ku qasbanaadeen in ay si taxadir leh u wadaan gawaaridii

Darawal Felipe Massa, iyo team-kiisii ayaa u haystay in ay guulaysteen dhamaadkii tartanka markay shaashada ka arkeen in Hamilton uu ku jiro kaalinta Lixaad, waqtiguna ka harsan yahay xawaare dhan Laba boqol yards wareegii ugu danbeeyay.

Mase noqon siday filayeen, waayo darawalkii waday gaariga Toyota's Timo Glock, oo ku jiray kaalinta Afaraad, ayaa tayerka gaarigiisii wada fiiqmay, gabayna kaalintiisii, dibna u gurtay oo galay kaalinta Lixaad, saasna ugu baneeyay booska Lewis Hamilton oo rajadiisu ku xirnayd in uu ku dhameeyo kaalinta 5aad.


Lewis Hamilton

Sidaasna, ku noqday Ninkii ugu horeeyay ee British ah, oo ku guulaysto Horiyaalnimada gaari wadista, marka laga reebo Damon Hill, oo ku guulaystay Horiyaalnimada gaari wadista sanadii1996.

Rikoorka kale ee uu dhaigay Hamilton, ayaa ah asagoo noqday Ninkii ugu da’ yaraa ee ku guulaysta tartankan World Champion, taariikhda inta la og yahay, asagoo jira 23 Sano, Sagaal bilood iyo 26 beri.

Ninka da’ ahaan ku soo xigay, ee rikoorka da’ yarida horay u haystay ayaa ahaa darawalkii Renault, Fernando Alonso, oo ku guulaystay sanadii 2005, asagoo jiray 24 Sano iyo 59 beri.

ORODKII CAAWA SIDA KAALIMAHA LOO KALA GALAY:

1 Felipe Massa (Bra) Ferrari 1hr 34mins 11.235secs,
2 Fernando Alonso (Spa) Renault 1:34:24.533,
3 Kimi Raikkonen (Fin) Ferrari 1:34:27.470,
4 Sebastian Vettel (Ger) Scuderia Toro Rosso 1:34:49.246,
5 Lewis Hamilton (Gbr) McLaren 1:34:50.135,
6 Timo Glock (Ger) Toyota 1:34:55.535,
7 Heikki Kovalainen (Fin) McLaren 1:35:06.235,
8 Jarno Trulli (Ita) Toyota 1:35:19.635,
9 Mark Webber (Aus) Red Bull 1:35:30.835,
10 Nick Heidfeld (Ger) BMW Sauber at 1 Lap,
11 Robert Kubica (Pol) BMW Sauber at 1 Lap,
12 Nico Rosberg (Ger) Williams at 1 Lap,
13 Jenson Button (Gbr) Honda at 1 Lap,
14 Sebastien Bourdais (Fra) Scuderia Toro Rosso at 1 Lap,
15 Rubens Barrichello (Bra) Honda at 1 Lap,
16 Adrian Sutil (Ger) Force India at 2 Laps,
17 Kazuki Nakajima (Jpn) Williams at 2 Laps,
18 Giancarlo Fisichella (Ita) Force India at 2 Laps Not Classified:
19 Nelson Piquet Jr. (Bra) Renault 0 Laps completed,
20 David Coulthard (Gbr) Red Bull 0 Laps completed

Waxaa Diyaariyay: Mohamed Sheikh Abdi (weli)

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football